Marwada koowaad ee Qaranka JSL Aaamina Waris Sheekh Maxamed Jirde Ayaa Booqasho Ku Tagtay Cusbitaalka Guud ka Dhimirka ee Berbera iyadoo Gaadhsiisay Deeqo Daawooyin iyo Xoolo Nool isugu jira.

0
517

Marwada koowaad ee Qaranka JSL Aaamina Waris Sheekh Maxamed Jirde Ayaa Booqasho Ku Tagtay Cusbitaalka Guud ka Dhimirka ee Berbera iyadoo Gaadhsiisay Deeqo Daawooyin iyo Xoolo Nool isugu jira.
Berbera(warsugannews)Marwada Koowaad ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Waris Sheekh Maxamed Jirde Oo ku guda jirta socdaal ay ugu soo kicitintay Gobolada Togdheer iyo Saaxil islamarkaaa ku sugan Magaalo Xeebeeda marsada Berbera ayaa saaka booqasho ku tagtay Cusbitaalka guud ee Berbera, qaar kamida Xanoonooyinka (MCH) Berbera iyo Dhakhtarka Dhimirka dhamaan waxay goobahaasi gaadhsiisay deeqo kala duwan oo isugu jira Daawooyin, iyo Xoolo nool, sidoo kale waxaa halkaasi warbixino kala duwan ku siiyey masuuliyiinta caafimaadka Gobolka iyo Dhakhaatiirka gacanta ku haysa goobahaasi.

Marwada Qaranku waxay ka qeyb gashay munaasibad balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen masuuliyiinta Hayā€™adda Wadanigaa ee YOVENCO oo xaruntoodu tahay Magaalada Berbera laguna xusaayey maalinta Xuquuqul aadanaha aduunka, Madasha waxaa goob joog ka ahaa Maamulka Gobolka Saaxil, Maareeyaha Dekeda Berbera, Gudoomiyaha Degmada Berbera.

Marwo Aamina Waris waxay munaasibadaasi ka jeediyey khudbad ay kaga hadlayso Xuska Xuquuqul insaanka, iyadoo ku dar daartay cid kasta oo muwaadin ah in ay xaq u leedahay in xuquuqdooda la dhawro sidoo kale iyaguna ay dhawraan xaq iyo xuquuqda dadka, taasina ay keenayso. Marwadu waxay sheegtay inay heerka waxbarashada labaad ee loo yaqaan (Masterate) ku diyaarisay barasahda xuquuqda aadamaha sidoo kalena ay ka shaqaynaysay muddo Labaatan Sannadood ah, halka ay sidoo kalena ka shaqaynaysay muddo Shan sannadood ah Mihnada Saxaafada iyadoo in badan oo ka mida Suxufiyiinta siin jirtay tababaro islamarkaana ahayd macalimad, waxaa ay hoosta ka xariiqday inaanay marnaba ku diirsanayn qalbigeeduna ogolaanayn in qof muwaadin ah lagu tunto xuquuqdiisa laguna tacadiyo maadaama ay tahay qof garanaya xuquuqda aadamaha, qofkasta oo masuul ahna ay saaran tahay.

Dhanka kale waxay marwadu nasiib xumo ku tilmaan tahay in xuquuqda dadka lagu tunto isla mar ahaantaana dar daaran u dirtay Saxaafada Somaliland kuna boorisay inay dhaliilaha iyo shakhsi weerarka aanu fiicnayn iskana daayaan, sidoo kalena ay ka waantoobaan Wararka aanay cadaymaha u hayn iyadoo dhankeeda xustay inaanay raali ka ahayn xidhitaanka saxaafada balse ay tahay inay saxaafadu doorkeeda ilaaliso.

Guntii iyo gaba gabadii khudbadan Marwada oo taabanaysay meelo dhawra ayaa kusoo biyo shubanaysay dardaaran iyo ilaalinta xuquuqda aadamaha, taasi oo micnaheedu yahay in Muwadin kastaaba uu dhawro xaqa iyo xuquuqda uu ku leeyahay dalkiisa, dadkiisa isaguna uu heli doono xuquuqdiisa marka uu dhawro kuwa dadka kale.

1

2

3

4

5

12244090_1096762323676195_1372571201_n

12324895_1096763290342765_303483655_n

12325121_1096763100342784_1066389089_n

12325135_1096764050342689_1927284478_n

12336338_1096762350342859_1191574669_n

12336364_1096763743676053_1365521120_n

12336379_1096764203676007_169282359_n

12346754_1096763907009370_1720556866_n

12346759_1096762083676219_790752090_n

12346845_1096763097009451_708152755_n

12346884_1096762567009504_193600084_n

12346890_1096763760342718_376544524_n

12346892_1096762123676215_477581430_n

12348216_1096763113676116_2098475773_n

12348216_1096764100342684_577432131_n

12348237_1096764360342658_1624336655_n

12348487_1096762380342856_905069361_n

12348544_1096763740342720_254409717_n

12348569_1096762580342836_81619587_n

12348604_1096762343676193_719856012_n

12348655_1096762213676206_1841823848_n

12348730_1096764347009326_2108437989_n

12348744_1096762217009539_1179660891_n

12348748_1096762267009534_45765226_n

12351114_1096762357009525_2110491466_n

12351209_1096764363675991_981805672_n

12355090_1096764180342676_22808777_n

12355097_1096763730342721_720701885_n

12355240_1096763417009419_624292968_n

12355253_1096762197009541_92836960_n

12355324_1096763763676051_909539670_n

12355344_1096763413676086_357581191_n

12357984_1096762553676172_1322478365_n

12358005_1096762377009523_154750927_n

12358082_1096762473676180_1971836592_n

12358298_1096763770342717_1900711506_n

12358310_1096764403675987_416031893_n

12358505_1096764077009353_830117964_n

12366589_1096764407009320_1542095281_n

12366654_1096762210342873_431090650_n

12366754_1096762410342853_1721623906_n

12366782_1096763120342782_396379080_n

12366837_1096763210342773_285155632_n

12366837_1096763857009375_1775503532_n

12366869_1096762063676221_748029468_n

12366994_1096762120342882_128678784_n

12367001_1096762570342837_72532684_n

12367001_1096764133676014_703455059_n

12367101_1096762283676199_1626865980_n