Marwada Koowaad Oo Shacabka Ku Dardaartay In Loo Cadeeyo Xisbiga KULMIYE Kana Warantay Fulinta Balanqaadyadii Xisbiga

0
365

Marwada Koowaad Oo Shacabka Ku Dardaartay In Loo Cadeeyo Xisbiga KULMIYE Kana Warantay Fulinta Balanqaadyadii Xisbiga

London (Warsugan) Marwada madaxweynaha Somaliland Marwo Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina weris) oo munaasibad casho sharaf ah loogu sameeyey magaalada London ayaa ka hadashay ololaha xisbiyadu ka wadaan wadamada dibada iyo guud ahaan dalka.

Marwo Aamina Weris oo hadal dheer ka jeedisay munaasibada cashada ah ee lagu maamusay ayaa hadalkeeda ku bilawday “Ayaamahan waxa aynu ku jirnaa xiliyadii ololayaasha iyo doorashooyinka markaa waxa laga yaaba marka meel laga hadlaba inaad ku fakatid arrimaha xisbigaaga, laakiin waxa aan isku dayeyaa caawa dadka halkan jooga inay saddexda xisbiba ka kooban yihiin in yar ayaan ka odhanaya xisbiga KULMIYE iyo waxa aanu ka tagayno iyo waxa aanu qabanay iyo waxa damacaygu yahay imika, todobadii sanadood ee dhawow ee KULMIYE wadanka hayey runtu siday tahay hawlo fara badan oo barnaamijkii xisbigu lahaa markii aanu doorashada galnay ku jiray ayaa hadaan dambiga iska dhawro boqolkiiba sideetan waa la qabtay (80%) Barnaamijka soo socda ee imika aanu doorashada ku galaynana diyaar garowgiisii iyo guddiyadii aanu u saarnay iyo war-celintii nagaga soo noqoday waxa aanu ka duulayna wixii aanu qabanay waxa noo hadhayna waanu ku darayna waxyaabo kale oo cusub oo aanu idiin sheegi doonana waanu ku darayna”

Marwada oo hadalkeeda sii wadata ayaa intaas ku dartay inay xisbiga KULMIYE yahay mid wax qabtay isla markaana u baahan in mar kale shacabka Somaliland ay marti uga yihiin doorasho kale, waxaanay tidhi Marwo Aamina Weris “Doorashada soo socota waxa aanu ku rajo weynahay oo aanu idinka idin waydiisanayna bulshada reer Somaliland rag iyo dumar, dhalinyaro iyo carruur inaad KULMIYE doorasho siisaan oo madaxweynahayga cusub Muus Biixi Cabdi oo aanu kalsooni daraadeed maxweynuhu u cuktay inuu dhaxalkii uu dhigay iyo hawshii uu bilaabay sii wadi karo uu u doortay inaad nagu taageertaan oo aad nala doorataan oo codka na siisaan; taa macnaheedu maaha laba xisbi oo kale oo muwaadiniin ah oo reer Somaliland ah inay nala tartamayan inay iyaguna leeyihiin waa run mar marka qaarkood way noo qiraan waxay yidhaahdaa KULMIYE waxbuu qabtay laakiin hadaanu qabano anaga ayaa ka sii badanayna inta aanu qabanayno taas ayey ku dacwoodan, laakiin idinkana waxa aanu idin leenahay qof idin leh hadhow ayaan wax qabanaya iyo ku idin yidhi intaana waan qabtay intaasina way ii hadhay intaana waan idiinku daraya waxa aan is leeyahay waxa xaq leh KULMIYE iyo ka dhamaynaya”

XIGASHO WARGEYSKA WARSUGAN
warsugannews@gmail.com
warsugan15@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office