Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal, Marwadii Hore ee Madaxweynihii Geeriyooday Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo Qoyskii Abwaan Cali Sugulle ka tacsiyadaysay Geeridii Marxuumka

0
575

TACSI

Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal, Marwadii Hore ee Madaxweynihii Geeriyooday Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxay Tacsi u diraysaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Abwaan Cali Sugulle Cigaal (Dun-Carbeed) oo ku geeriyooday Dubai.

Marwo Kaltuun waxay wax ka taabatay Taariikhdii mahadhada ahayd ee Marxuumka, waxaanay tidhi waxa uu ka mid ahaa Bahda Fanka iyo Suugaanta ugu waca-weyn kuna suntanaa Halgankii Gumaystaha dalka lagaga xoreeyey, Suugaan tiro badana ka tiriyey dedaaladii iyo dib u dhiskii dalka, Geyiga Soomaalidu degto ku lahaa magac iyo maamuus weyn islamarkaana tixgelin iyo karaamana ka mudnaa bulshada somalida.

Ugu danbayn Marwo Kaltuun waxay Marxuumka ALLE uga baryeysaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo intii uu ka baxayna samir iyo iiman saadiqa ka siiyo.