Marxuum, Axmed Xasan Cawke : Saxafigii lahaa Sifooyinka badan

0
700

Marxuum, Axmed Xasan Cawke :
Saxafigii lahaa Sifooyinka badan

WQ. Saxafi Siciid Khadar aw Cabdillaahi.

Subaxnimadii Salaasada, 17ka November,2015 oo Salaasa ah, waxay ahayd Maalin murugo, Maalin- naxdineed oo ay indhaha ku kala qaadeen guud ahaanba Dadka ku hadla, luuqada Soomaaliga. Waa geeridii naxdinta iyo amakaaga lahayd ee ku habsatay Saxafigii ruug-caddaaga ahaa, Alle ha u naxariistee Marxuum, Axmed Xasan Cawke. Waxay ahayd Maalin naxdineed oo la soo daristay guud ahaanba Saxafiyiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku sgun yihiin, gaar ahaan inta reer Somaliland. Alle ha u naxariistee, Marxuumku wuxu ku geeriyooday Cisbitaalka Kaaraamardha oo ku yaala Magaalada Jigjiga, Xarunta Ismaamulka Soomalida Itoobiya. Waxana lagu aasay Xabaalaha Beerta ilma Xasan Cawke oo ku yaala Magaalada Wajaale.

Kumuu ahaa Marxuum Axmed Xasan Cawke:

Runtu siday tahay, Way adag tahay in Qof sidayda oo kale ahi uu qalinka u qaato inuu isku dayo ka sheekaynta Shaqsi noloshiisu balaadhan tahay sida Marxuum Axmed Xasan Cawke. hasa yeeshee, aan isku dayo inaan si guudmar ah u soo koobo Taariikhdiisa hodanka ah.

a. Guud mar kooban oo Taariikhdiisa ah:
Alle ha u naxariistee, Marxuum, Saxafi Axmed Xasan Cawke wuxu noloshiisa ku qaatay hawsha uu ku caanbaxay ee Saxafinimada ku dhawaad nus-qarnigii u dambeeyey (1970 – 2015) isagoo ku dhashay deegaanka Wajaale ku sinnaan 1944-kii (sidaa waxa sheegay wariye C/salaam ibraahim hereri oo ay marxuumka, saaxiibo dhaw ahaayeen muddo dheer) wuxu ku koray, ku kobcay kuna barbaaray isla deegaankaasi, isagoo halkaa ku qaatay waxbarashadiisii hoose iyo tii dhexe labadaba. Dugsigiisii sare-na, wuxu ku soo dhigtay Dugsigii Boodhinka ahaa ee Caddaadlay, sida uu warbaahinta u sheegay Saxafi, Yoonis Cali Nuur oo ay isku fasal ahaayeen. Muddo kooban oo uu Macalin ahaa ka dib, wuxu si rasmi ah u bilaabay inuu ka shaqo galo Idaacada Radio Muqdisho ku sinnaan 1970-aadkii.

b. Shaqsiyadii Marxuumka:
Sidii hore loo yidhi, geeridu waxay ku fiican tahay geel jire iyo nin aan la garanaynin. Xusuusta Marxuum, Axmed Xasan Cawke, xanxanto iyo ladh ayay naftayda ku kicinaysaa, indhahayga ilmay ka keenaysaa, qalbigana oohin aan joogsanaynin. Wuxu ahaa Nin Qaran iyo Saxafi Qaran. Wuxu ahaa Nin isku kalsoon oo jecel Somaali-nimada iyo Islaam-nimada labadaba. Marxuum, Saxafi Axmed Xasan Cawke wuxu ahaa ninKaftan badan, xarago badan, kalfurnaa oo niyad wanaagsanaa. Wuxu ahaa deeqsi gacan furan, farxad badan oo dadka aan kala dhawaysan isla markaana aan qabyaalad iyo ku dhaqankeed aan midnaba aqoon u lahayn. Wuxu ahaa shaqsi rabi hibo u siiyey codkarnimo, ilbaxnimo, magac bixin, sheeko badan oo aan lagu caajisanaynin iyo khibiir ku talax tagay mihnada Saxafinimo oo Soomaalida inta lihi ay aad u yar tahay. Wuxu ahaa shaqsi caan ka ah guud ahaanba Caalamka oo dhan gaar ahaan inta Soomaaliga ku hadasha iyo dhulka ay degaan ba. Wuxu ahaa Saxafi ku wanaagsan wax kasta oo la baahinayo, waa War-akhrin, Barnaamij daadihin, waraysi qaadis iyo Madadaalin intaba. Inuu laab xaadhnaa, waxa ka marag kacaysa sida
ay dadka oo dhammi wada jecel yihiin. “ Qofka Soomaaliga ah ee maanta meel ka hadla, markaba waxa lagu tilmaamsanayaa meesha uu ka soo jeedo iyo qabiilkiisa. Cawke wuxu ahaa qof Soomaali kastaa meel uu joogaba uu ku tilmaamsanayo inu Soomaali yahay. Iyada oo la yaqaan halka uu ka soo jeedo, hadana qofka kismaayo jooga iyo qofka Seylac jooga iyo ka Jigjiga joogaa isku Soomaalinimo ayey Cawke u arkayeen.” Sidaa waxa yidhi, Maxamed Cali Bile oo ka mid ahaa Dadkii aqoonta fiican u lahaa Marxuum Axmed Xasan Cawke.

Marxuum, Saxafi Axmed Xasan Cawke, hadaanu ahayn ka ugu horeeya, guud ahaanba Saxafiyiinta ku hadla Afka Somaliga, wuxu kaalinta 2aad ku hogaaminayay, dhinacyada: ILbaxnimada, Bulshaawinimada, waayo-aragnimada, aqoonta, garashada dheer, xog-raadinta, wadaniyada iyo caanimada.

Muddadii uu ku shaqaynayay Mihnadiisa Saxafinimo oo gaadhaysa ilaa Konton Sanno wuxu ahaa marka Wanaag iyo horumar Saxaafadeed laga hadlayo Shaqsi Tusaale loo soo qaato. Muddadaa uu ku dhex jiray Badwaynta Warbaahinta Soomaaliyeed wuxu ahaa ijiinada ugu waawayn ee ka dhex shidan Xarumihii uu ka soo shaqeeyey oo u badnaa kuwa Caalamiya. Sida, Radio Muqdisho, BBC laanteeda Somaaliga, VOA laanteeda Soomaaliga. Sidoo kale wuxu ka mid ahaa Saxafiyiinta loogu jecel yahay Seddexda Telefishan ee kala ah, Telefishanada ay ka mid yihiin, Telefishanka Soomaaliya, Universal Tv iyo Tvga Qaranka Somaliland.

Wuxu ahaa Shaqsi Saaxiib dhaw la ah, Saxafiyiinta, Siyaasiyiinta, Fannaaniinta, Abwaanada, Odayada dhaqanka iyo badiba Dhallinyarada Soomaaliyeed meel ay joogaanba.

Marxuum Axmed Xasan Cawke, wuxu ahaa Laabareeri ay ku dhan yihiin Aqoonta, Waayo-aragnimada iyo nidaamka Shaqo ee Afar Dawladood. Waa Dawladihii uu la soo shaqeeyey ee kala ah; Somaliya, Ingiriiska, Maraykanka iyo Somaliland. Sidoo kale, waxa ku duugnayd Kaydkii dhaxalka ahaa ee uu kala hadhay Madaxwaynayaashii uu la soo shaqeeyey, sida; Madaxwaynihii Soomaaliya, Jaale Maxamed Siyaad Barre, Madaxwaynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, Madaxwaynaha Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi ILey iyo Madax kale.

Aniga iyo Marxuumka: aqoontayada iyo taladuu I siiyay:
Aniga iyo Marxuumku, Inkastoo aanu kulanay dhawr jeer, dhawr meelood oo kala duwan ku isku aragnay, hadana shaqsi ahaan aqoon badan iskumaanu lahayn oo jaanis badan iskumaanu helin mar hadii uu inta badan dalka ka maqnaan jiray. Waxaanan sinaba ku ilaabi karaynin taladuu I sii siiyey iyo Dhiiri-gelintiisii inaan saxaafada horumar ka gaadho maalin aanu is aragnay. Waa maalin aanu ku kulanay hotel crown ee Caasimada Hargeysa anigoo ku guda jira hawshayda saxafinimo oo waraysi ka qaadaya nin Masuul ah. Waxay ahayd horaantii Sannadkan 2015-ka. Aragtidiisa-se, waxa iigu dambaysay Meherkii Saxafiga Mustafe dheereeye. Xafladaasi oo ahayd mid aad u qiimo badan isla markaana ay ka soo qayb galeen Dad aad u tiro badan ayuu ka mid ahaa raggii madasha ka hadlay. Hadalkiisaasi oo ahaa mid dhaxal ah wuxu kaga sheekeeyey qiimaha saxafiga iyo saxaafadda. Dardaaran buu iska ahaa, anigoo filaya inaanu madal dambe oo nooceeda ah ka hadlin ilaa intuu ka dhimanayay.

Gabagabo:
Marxuum, Saxafi Axmed Xasan Cawke oo ahaa Shaqsi Afkiisa iyo Addinkiisaba ay ka nabad galeen dhammaan Ummadaha Adduunku, wuxu geeriyooday isagoo da’diisu tahay 70 ama 71 jir. Hasa yeeshee, ma ahayn nin da’daasi u eeg ama laga garanayay, taana waxa sabab u ahaa isagoo Cibaadada Alle aad ugu wanaagsanaa sida ay xaqiijiyeen Asxaabtiisii ay mudada dheer soo wada shaqeeyeen oo ay ka mid yihiin Idiris Cigaal Nuur, Yuusuf-garaad Cumar iyo Yoonis Cali Nuur. Waxaan halkan Tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa Dhammaan Ummada Somaliyeed, gaar ahaan Bulshada reer Somaliland ee uu ka baxay. Sidoo kale, waxaan Tacsi gaadhsiinayaa dhammaan Saxafiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan Saxafiyiinta reer Somaliland. Tacsi taa la mid ah waxaan u dirayaa Xaaskiisa Marwo Sacdiya Cabdillaahi Sallaad, lixdiisa Caruur ah iyo Wallaashii Marwo Canab Xasan Cawke…. INAALILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.

WQ. Saxafi, Siciid Khadar aw Cabdillaahi
Hargiesa, Somaliland.
Email: muxaafid@gmail.com.