Marxuum Cali Xasan Maxamuud: Tiir Dhexaad ka Baxay Dawan iyo Wasaaradda Warfaafinta

0
322

6570 oo maalmood ayuu qarankiisa ugu adeegay si harag la’aan ah

Hargeysa (Warsugan)- Alle ha u naxariistee waxa habeen hore fiidkii ku geeriyooday xarunta Dawan Media Group (DMG) ee magaalada Hargeysa, Marxuum- Cali Xasan Maxamuud oo ahaa madaxa Gaadiidka iyo hawl-wadeen (operator) mashiinnada daabacaada ee DMG. Marxuumka oo si kedis ah u geeriyooday waxa Khamiistii lagu aasnay xabaalo ku yaalla jiida tuullada Abaarso ee galbeedka Hargeysa oo aabihii degan yahay. Aaskiisii waxa ka qaybgalay boqolaal qof oo iskugu jiray Maareeyaha Telefiishanka qaranka, Khadar Maxamed Cakule, madaxda iyo shaqaalaha Dawan Media Group, Musuuliyiinta iyo shaqaalaha madbacada qaranka oo aanu isku kaambool nahay, qoyskiisii, ehelkiisii iyo asxaabtiisii. Illaahay ha u naxariistee, waxa uu u shaqeynayay bahda Dawan 6570 maalmood oo ah muddo ku siman 18 sannadood. Muddadaas dheer, waxa la diwaangeliyay inaanu toban maalmood aanay gaadhaynin inta uu shaqada ka maqnaa. Wargeyska iyo madbacadiisaba waxa uu ka ahaa tiir muhiim ah oo bedalkiisa aan la heli doonin. gurigiisa waxa uu ku qaadan jiray habeenada Jimcaha iyo Salaasada oo kaliya, isagoo shanta maalmood ee kale xaadir ku ahaa goobtiisa shaqada ee uu xaqii ugu yimid. Guddoomiyaha DMG, Mr. Maxamed Cismaan Mirre (Sayid), waxa uu geerida Marxuum Cali Xasan ku sifeeyay tiir weyn oo ka baxay shaqaalaha dawladda Somaliland, gaar ahaan wargeysyada Dawan Media Group iyo madbacada DMG. “Marxuum-Cali Xasan, waxa uu ahaa wadnaha iyo lafdhabarta shaqo maalmeedka DMG. Wuxuu shaqeyn jiray labaatan saacadood. Isagoo hawshiisa iyo dheeraadba qaban jiray kuna niyadsamaa,”ayuu yidhi Sayid, waxaannu dhambaal tacsi ah u diray qoyskiisii, shaqaalaha Dawan iyo asxaabtiisii.

Guddoomiye ku-xigeenka ahna Tifaftiraha guud ee Dawan, Cumar Maxamed Faarax, ayaa marxuumka ku tilmaamay inuu ahaa shaqsi Alle ku ilhaamiyay ilaalinta hantida iyo agabka uu ku shaqeeyo.
“Ilaahay ha u naxariistee, wuxuu ahaa nin agabka iyo hantida dawladda ee uu gacanta ku hayay uga lexjeclo badnaa hantidiisa. Waxa taas u daliil ah Cali waxa uu gacanta ku hayay Baabuur GT ah oo wargeyska loo iibiyay sanadkii la furay oo ahaa 1998-kii Baabuurkii waxa uu soo gaadhay 2013-kii isagoo wali sii shaqeynaya ayay jiiteen hawlaha guud oo ku dartay baabuur duugga oo xukuumaddu xaraashtay. Baabuurtii wasaaradaha iyo D/Hoose ee Hargeysa loo iibiyay isla sannadkii gaadhigaas la iibiyay may shaqeyn saddex sannadood,”ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka Dawan.

Marxuum-Cali Xasan Maxamuud, waxa uu la soo shaqeeyay Guddoomiyeyaashii soo maray Dawan ama EX- MAANDEEQ oo kala ahaa Maxamed Cabdi Ismaaciil (Digtoorka), Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab), Xuseen Cali Nuur, Alle ha u naxariistee Marxuum-Siciid Cali Giir, Alle ha u naxariistee Muuse Aadan Yuusuf, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), Ismaaciil Xuseen Farjar, Faysal Cabdilaahi Cabdalle iyo Maxamed Cismaan Mirre (Sayid). Maalmaha soo socda, ayaanu shakhsiyadiisii iyo shaqo wanaagiisii idinla wadaagi doonaa Haddii EEBE idmo.