Masiirka ummada looma dooran salaadiin Somaliland na beelo maaha w/q dr boqore farah
Xukuumada manta talada dalka haysa ee gadh wadeenka u ka yahay axmed
siilanyo waxay gashay wada hadal ma dhalys ah oo ay la gashay dawlada federalka
somaliya iyago ku andacoonayey in somaliya lala hadlaa ay ka dhawdahay in
meelo kale laga raadiyo aqoonsiga Somaliland ama dawlado kale ay aqoonsi u
fidiyaan Somaliland iyado maskaxda fayaw la adeegsanyo caqliga saxda ahna lagu
fikirayo shacbiga Somaliland iyo golaha barlamaanku waxay aqbaleen so jeedinta
iyo talada wanaagsan lkn tan iyo maalinti lagaly wada hadalka wax midho dhal ah
iyo wa faa iido ah oo laga gaadhay ma jirto sii socod iyo soo socod maalayacni ah
mooye waxa laga dhaxlayna wa shaki iyo xukuumado inay wax huurinayso laga
shaki qabo taaso kalsoonidii shacbiga mesha ka saartay xukuumada maqaar
saarka ahna gayiiysiisay inay kama danbystii yidhaahda wanu hakinay wada
hadalka iyagoo ku dacwoonayey in waxay ka filayeen aany meesha ka jirin hadaba
maalmahan waxa warbaahinta maxaliga ah lagu xardhay wajahadahooda iyo
bogaga ugu horeeya dawlad turkiga oo ah xukuumad Somaliland iyo somaliya u
fidisa gogosha wada hadalka xarunta lagu kulmayana ku marti galisa aya hada la
sheegaya inay si toos ah uga mid noqotay dawladaha dhex dhexadinaya laba
xukumadood eek u muransan siday u kala bixi lahayeen iyo siday u midoobi
lahaayen iyago mid kastaaba uu mabda iisa iyo fikirkiisa siyaasiga ah badka soo
dhigaya. Wakhtigan waxa iswaydiin mudan turki ha ka mid noqdo dawladaha
dhexdhexadinaya lakin qorshaha ku aadan in salaadiin loo xil saaro wada hadalku
wuxu sharaf dhac ku yahay bulshada labada wadan e Somaliland iyo somaliya
taaso macneheedu yahay labo beelood oo la dhex dhexaadinayo lakiin turki
miyanu ka war qabin calamada dastuurka ciidamada iyo astamaha labada wadan
ee mid kastaba u gaar ah muxu ku keenay sulaadiin ba wada hadalka lo xil saaraya
kolay taasi wa dhaqan cusub iyo siyaasad laan gadhe ah mid inoo taalana maahe
ee aynu teena ka hadalno Masiirka ummada looma dooran salaadiin somalilnd.
beelo maaha ee waa qaran dhisan oo leh dastuur sharci iyo xeerar qoran wa
waddan leh golayaal u matala hogaaminta iyo arimaha masiiriga ah. waa qaran ku
dhisan. wada tashi nidaamkisuna ku salysanyahy doorasho xor ah muwadin
kastana xaqiiqada u leeyahy in la doorto isna wax doorto xukuumada iyada
masuuliyada qaranku saaranyahy maaha inay suldaan dirato ururada bulshada
inay wakiilato xilkeeda inay cid kle u daba fadhiisato taasi waa liidnimada iyo
daciifnimada xukuumada tamarta darani ay caadaysatay taaso awwoodii milgihii
iyo sharaftii dawladnimo hog dheer ku riday himiladii iyo yididiiladii shacbkana
waxba kama jiraan ka dhigtay shacbiga waxan ugu baaqaynaa inay xukuumada
tuhunku ku xeeranyahy ee tuugadu astaanteeda tahay ay indho feejigan ku
eegaan lana socdaan dhaq dhaqaaq kasta oo ay samyso taaso saamynysa masiirkood danbe
w/q dr boqore farah