Masiirka ummada looma dooran salaadiin Somaliland na beelo maaha w/q dr boqore farah

0
407

Masiirka ummada looma dooran salaadiin Somaliland na beelo maaha w/q dr boqore farah

Xukuumada manta talada dalka haysa ee gadh wadeenka u ka yahay axmed

siilanyo waxay gashay wada hadal ma dhalys ah oo ay la gashay dawlada federalka

somaliya iyago ku andacoonayey in somaliya lala hadlaa ay ka dhawdahay in

meelo kale laga raadiyo aqoonsiga Somaliland ama dawlado kale ay aqoonsi u

fidiyaan Somaliland iyado maskaxda fayaw la adeegsanyo caqliga saxda ahna lagu

fikirayo shacbiga Somaliland iyo golaha barlamaanku waxay aqbaleen so jeedinta

iyo talada wanaagsan lkn tan iyo maalinti lagaly wada hadalka wax midho dhal ah

iyo wa faa iido ah oo laga gaadhay ma jirto sii socod iyo soo socod maalayacni ah

mooye waxa laga dhaxlayna wa shaki iyo xukuumado inay wax huurinayso laga

shaki qabo taaso kalsoonidii shacbiga mesha ka saartay xukuumada maqaar

saarka ahna gayiiysiisay inay kama danbystii yidhaahda wanu hakinay wada

hadalka iyagoo ku dacwoonayey in waxay ka filayeen aany meesha ka jirin hadaba

maalmahan waxa warbaahinta maxaliga ah lagu xardhay wajahadahooda iyo

bogaga ugu horeeya dawlad turkiga oo ah xukuumad Somaliland iyo somaliya u

fidisa gogosha wada hadalka xarunta lagu kulmayana ku marti galisa aya hada la

sheegaya inay si toos ah uga mid noqotay dawladaha dhex dhexadinaya laba

xukumadood eek u muransan siday u kala bixi lahayeen iyo siday u midoobi

lahaayen iyago mid kastaaba uu mabda iisa iyo fikirkiisa siyaasiga ah badka soo

dhigaya. Wakhtigan waxa iswaydiin mudan turki ha ka mid noqdo dawladaha

dhexdhexadinaya lakin qorshaha ku aadan in salaadiin loo xil saaro wada hadalku

wuxu sharaf dhac ku yahay bulshada labada wadan e Somaliland iyo somaliya

taaso macneheedu yahay labo beelood oo la dhex dhexaadinayo lakiin turki

miyanu ka war qabin calamada dastuurka ciidamada iyo astamaha labada wadan

ee mid kastaba u gaar ah muxu ku keenay sulaadiin ba wada hadalka lo xil saaraya

kolay taasi wa dhaqan cusub iyo siyaasad laan gadhe ah mid inoo taalana maahe

ee aynu teena ka hadalno Masiirka ummada looma dooran ‪salaadiin ‪somalilnd.

‪beelo maaha ee waa qaran dhisan oo leh ‪ ‎dastuur sharci iyo ‪xeerar qoran wa

waddan leh golayaal u matala hogaaminta iyo arimaha masiiriga ah. waa qaran ku

dhisan. ‪‎wada ‪tashi nidaamkisuna ku salysanyahy doorasho xor ah muwadin

kastana xaqiiqada u leeyahy in la doorto isna wax doorto ‪ xukuumada iyada

masuuliyada qaranku saaranyahy maaha inay suldaan dirato ururada bulshada

inay wakiilato xilkeeda inay cid kle u daba fadhiisato taasi waa ‪liidnimada iyo

‪‎daciifnimada xukuumada tamarta darani ay caadaysatay taaso awwoodii milgihii

iyo sharaftii dawladnimo hog dheer ku riday himiladii iyo yididiiladii shacbkana

waxba kama jiraan ka dhigtay shacbiga waxan ugu baaqaynaa inay xukuumada

tuhunku ku xeeranyahy ee tuugadu astaanteeda tahay ay indho feejigan ku

eegaan lana socdaan dhaq dhaqaaq kasta oo ay samyso taaso saamynysa masiirkood danbe
w/q dr boqore farah