Masuuliyiin Xukuumadda Katirsan oo Cusbitaalka ku Booqday Taageerayaal Xisbiga KULMIYE ah oo ku waxyeello Kasoo Gaadhay Laan ay Saarnaayeen oo Lasoo Jabtay

0
365

Masuuliyiin katirsan xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa cusbitaalka guud ee Burco ku booqday dhallinyaro katirsan taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo maanta dhaawacyo kasoo gaadheen geed ay saarnaayeen oo laan kamid ahi lasoo jabtay, xilli ay soo dhaweynayeen madaxweyne Muuse Biixi iyo saraakiil kale oo xisbiga iyo xukuumadda katirsan.
Masuuliyiintan oo ay kamid yihiin Agaasimaha guud ee madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Maxamed Cali Bile, agaasimaha guud ee wasaaradda Horumarinta Biyaha, Md. Maxamed Xasan Dirir iyo guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Md. Cabdikariin Axmed Xinif, ayaa booqasho ugu tegay dhallinyaradan oo dhaawacyo fududi soo gaadheen, waxana xaaladda dhallinyarada uga warbixiyey Agaasimaha Cusbitaalka Buco Dr. Maxamed Suudi iyo Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Yuusuf, kuwaas oo sheegay inay gacanta ku hayaan xaaladda dhaawaca, kuna filan yihiin.
Sidoo kale, masuuliyiinta ka socotay xukuumadda, ayaa caddeeyey in wixii kharash ah ee ku baxaya daryeelka dhallinyarada dhaawaca ah ay dammaanad qaadday madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga oo gaadhsiiyey lacago loogu talo galay in lagu baanto dhaawacyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here