Maxaa ka soo baxay Shir Gaar ah oo dhexmaray Odayaasha Puntland & Ergada Beesha Caalamka ee timid Gaalkacyo?

0
706

Wararkii ugu dambeeyey oo  naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in uu soo dhamaaday shirkii gaarka ah una socday Odayaasha Puntland & Wakiilo ka socda Beesha Caalamka oo saaka soo gaaray magaalada Gaalkacyo.
Nabadoonadii ka qeybgalay shirkan ayaa  sheegay  in ay kala hadleen Ergayga QM arrimaha xasaasiga ah ee ka taagan Gaalkacyo, si gaar ahna u soo qaadeen arrimaha dagaalada soo lab-laabtay.
Mid kamid ah Nabadoonada oo ka hadlay shirka ayaa u sheegay wakiilada caalamiga ah in ay ayagu masuul kayihiin dagaalada iyo dhibaatada ka taagan Gaalkacyo, ayna Galmudug u been sheegeen DFS ee Muqdisho iyo Ergada Caalamiga ah, maadaama ay u sheegeen in ay yihiin maamul gobaleed iyagoo aan waxba dhul ah heysanin.
Puntland waxay u sheegeen Wakiilka caalamiga ah in ay Gaalkacyo tahay magaalo si gaar ah ay u leeyihiin Shacabka Puntland, arrimaha ay Galmudug iyo xulufadeedu wadaana yihiin gardarro aan geed loogu soo gaban, oo ay taageero uga haystaan dhinacyo kala duwan.
Guddiga Odayaasha ah ayaa u gudbiyey Ergayga Qaramada Midowbay, IGAD, Midowga Yurub & Midowga Africa khariirad muujinaysa sida ay Gaalkacyo tahay iyo halka laysku haysto sida ay u tahay dhul ay leedahay Puntland.
Ergadan ka socota beesha Caalamka ayaa hadda shir laleh dhinaca Galmudug, waxayna ka dib u laaban doonaan magaalada Muqdisho, iyagoo soo saari doono Warsaxaafadeed ku saabsan xaaladda magaalada Gaalkacyo, sida ay xaqiijinayaan warar so baxaya