Maxaabiis qoorta looga jaray qalalaase ka dhex dhacay xabsi ku yaal dalka Brazil

0
463

Ugu yaraan 10 maxbuus ayaa lagu dilay dagaal ka dhex qarxay kooxo burcad ah oo iska soo horjeedo kuwaasi oo ku dhex dagaalamay xabsiga ugu weyn magaalada Natal ee waqooyi bari Brazil, booliska ayaa sidaa sheegay.

14 saacadood ayey boolisku ku qaadatay inay dib gacanta ugu soo celiyaan xabsiga Alcacuz.
“Howlgalku weli waa uu socdaa hasayeeshee xaaladdu waa deggan tahay”, afhayeen ayaa sidaa u sheegay BBC Brasil.

Waa qalalaasihii saddexaad ee weyn ee sanadkan ka dhaca xabsiyada dalka Brazil.
Ku dhawaad 100 maxbuus ayaa ku dhimatay qalalaase bishan ka dhacay xabsiyada gobollada Amazonas iyo Roraima.

Qalalaasaha ka dhex dilaacay xabsiga Alcacuz, ee gobolka Rio Grande Do Norte, ayaa bilowday galabnimadii Sabtida, markaa oo xubno ka tirsan mid ka mid ah ururada dambiilayaasha ah ee awoodda badan ee ku jira inta badan xabsiyada Brazil ay weerrareen koox ay iska soo horjeedaan oo ku sugneyd dhinaca kale ee xabsiga.

Maxaabiista dhimatay ayaa intooda badan qidha laga wada jaray.