Maxaad Ka Ogtahay Afar Arimood Oo Ka Mid ah Sababaha Loo Xadhay Suldaan Mawliid Cali (Sabayse)…

0
905

Maxaad Ka Ogtahay Afar Arimood Oo Ka Mid ah Sababaha Loo Xadhay Suldaan Mawliid Cali (Sabayse)……

Xukuumadda M/weyne Siilaanyo ayaa xabsiga u taxaabtay Suldaan Mawliid Cali Ibraahin Sabayse oo ka mid ah salaadiinta Somaliland ee Beesha Subeer-Awal. Ciidamo Boolis ah oo uu hor kacayo taliye xigeenka ciidamada Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Fooxle ayaa Suldaan Sabayse xabsiga u taxaabay habeenimadii Jimcaha, xadhiga Suldaanka oo loo maray qaab ka baxsan anshaxa iyo milgaha ay leeyihiin madaxdhaqameedku, iyaga oo kasoo qabtay Guriga ama Maktabka Salaadiinta Subeer-Awal ku leeyihiin Magaalada Hargeysa, Halkaas oo uu ku sugnaa Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdillaahi. Hadaba Suldaan Sabayse oo ah Suldaan ka turjuma dareenka bulshada difaacana qadiyada madaxbanaanida Somaliland iyo Hantida qaranka ee xukuumadani caadada ka dhigatay inay boob iyo qaraabo kiil ku siiso dad gaar ah.

Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa sababaha keenay in Suldaan Mawliid Sabayse Xabsiga loo taxaabo, xadhigiisana loo maro nidaam qalafsan oo ay ka muuqato cadaawad iyo ciil raagay, anigoo hab qodobaysan u soo naaqishay halka ay kasoo bilaabantay cadaawada siyaasadeed ee ay u qabtay xukuumada siilaanyo inay mar uun xabsiga ku hubsato goor ay noqotaba.

• Iibintii Gandi Library: Waa hoyga akhriska buugaagta oo ku taal badhtamaha suuqa magaalada Hargeysa oo ay ka faaiidaystaan dhalinyarada jecel waxbarashada, waxa guriga iyo dhismahaba bixiyay muwaadinka loogu magacdaray Library ga, magaciisana layidhaa Yusuf Ismacil Samatar(Gandi), Hadaba Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Axmed Siilaanyo waxay si bilaa gabasho ah uga iibisay Ganacsade ka soo jeedo beesha Bariga Burco (Ina Faarax Xarbi), arintan oo fajaciso ku noqotay dhamaan bulshada reer S.land ee jecel waxbarashada iyo mustaqbalka dhalinyarada, Suldaan Mawliid Sabayse waxuu ka mid ah ahaa Salaadiintii ugu hadalka adkaa ee ka hadhashay iibka Gandi Library, mawqif adagna iska taagay inaany suurta gal noqonayn in la siiyo nin ganacsade ah, hadalkaa oo ay xukuumadu liqi kari wayday laf dhuun gashayna ku noqotay in madaxtooyadu siiso ama ka iibiso Ina-faarax Xarbbi, aakhirkiina albaabada loo furay Gandi Library.

• Dhacdadii foosha xumayd ee ka dhacday dhulka uu daganyahay Muj. Axmed Jaban Awoowo, kuna dhintay wiil uu dhalay kuwo kalena ku dhaawacmeen: Horaantii bishii 8aad ee sanadkan ayay ahayd markii ciidamo Boolis ah ay yimaadeen goobta uu magaalada hargeysa ka degan yahay Muj. Ahmed jaban awoowo oo ay ku tiraabeen in laysku haysto dhulkaas oo ku xiga Saldhiga Booliska Traffiga ee u dhow kaalinta Indho-birta ee galbeedka magaalada Hargeysa. Kadib ciidankii boolisku rasaas nool ooda kaga qaadeen dadkii goobta joogay, isla markiiba waxay madaxa ka toogteen wiil uu dhalay Muj. Awoowo, halkaana ku geeriyooday 3 qof oo kalena ku dhaawac meen. Dhacdadaa kadib waxa dadkii arinkaa galay ka mid ahaa Suldaan Mawliid Sabayse oo meel adag iska taagay kuna oogay danbigii halkaa ka dhacay inay ka danbaysay xukuumada Siilaanyo, madaxtooyaduna doonaysay inay siiso shakhsi ay wateen, kiiskan oo dhinacna u dhaafi waayay waxa uu Suldaan Sabayse ku adkaystay inay madaxtooyadu saddex uun mid soo gasho, A. ina la helo cidii ka danbaysay dilkan dhacay ee ciidanka amarka soo siisay B. in madaxtooyadu keento cidii la siiyay dhulkan mujaahidka? C. In la keeno askarigii madaxa ka toogtay wiilkan yar 9 jrka ahaa?, arinkan wuxuu ka mid noqday mid sii xoojiya cadaawada ay xukuumadu u qabtay Suldaan Sabayse

• Shir ay wada jir u qabteen Salaadiinta Beesha Habar-awal iyo H.Yoonis: Todobaadkii ina dhaafay ayaa kulan qado ah waxa iskugu yimid salaadiinta beesha Habar-awal iyo Habar Yoonis, kulankaas oo xukuumadu sas ka qaaday ayaa waxa si wayn uga dhex muuqday Suldaan Mawliid Sabayse, oo door wayn ku lahaa sidii uu shirkaasi u qabsoomi lahaa, kulankaas oo si wayn loogu lafo guray xaalada guud ee dalka, nabadgalyada iyo xukuumadan u tafa xaydatay xaalufinta hantida umadda. Arinkan wuxuu sii xooojiyay qaniin yadii madaxtooyadu u haysay Suldaan Sabayse.

• Wareejinta iyo iibinta Haamaha Shidaalka Berbera: Arinka iibinta iyo wareejinta haamaha shidaalka qaranka ayaa mudooyinkii u danbeeyay noqday mid bulshada reer Somaliland ay indhaha ku hayaan, waxa ay maanta u dooratay xukuumada Siilaanyo inay kaydkii qarankan ku wareejiso shirkado Private ah, inagoo ogsoon in shirkadii Total ee private ka ahayd laga soo celiyay, gacanta dawladana kusoo noqotay in maanta la yidhaa waxa la siinayaa dhirkadahii shidaalka keeni jiray iyo qaar cusub oo samays ah oo lasoo dhashay mashruucan wareejinta. Hadaba Suldaan Sabayse wuxuu ka mid noqday dadkii sida adag uga hadlay wareejinta haamaha iyo qorshaha ay madaxtooyadu doonaysay inay qasab ku sharciyayso iyadoo xildh. Mooshin quutayaasha ahna usoo kiishtay lacag, Arintan iyo kuwaa xaga sare ku xusan oo is biirsaday ayay madaxtooyadu ka gam,i wayday, markii ay maarayn u wayday suldaanka oo xataa la dul dhigay lacag qadarkeedu sareeyo, guryo, gawaadhi wax walba way isku dayeen si ay Suldaan Sabayse mar uun uga nastaan weedhaha kulul ee saamaynta badan ku reebay xukuumada ee kaga imanayay Suldaan Sabayse.

Aakhirkii waxay kusoo eedeeyeen inuu wado dhaqdhaqaaq khalkhalgalinkara nabadgalyada inagoo og in ninka Suldaanki ahi uu yahay ka nabada ka shaqeeya ee umada isku soo dhoweeya, kadibna waxay ciidamo dulkeenaan gurigii salaadiinta subeer awal si ay usoo xidhaan Suldaan Sabayse, oo ay ixtiraami waayeen suldaanka guud ee subeer awal Suldaan Xasan oo isagu goobtaa fadhiyay.

Waxaan kusoo gunaanaday xadhiga suldaan sabayse maaha mid maanta uun yimid ee waa mid ay ku taamaysay xukuumada m/weyne Siilaanyo inay mar uun hesho wax ay ugusoo marmar siyooto… dhanka kale xadhiga suldaanku waa xeelad siyaasadeed oo lagu majaro habaabinayo boobka iyo dhaca ay xukuumadu ku hayso hantidii umadan oo ay doonayso inaanay waxba ka tagin ee ay sii wada qaataan wixii dawladu lahayd oo dhan. Gabay uu gaariye lahaa AHN, waxa ku jiray ereyadan:
“Gedey tahay dheesha taal,
Inuu hebel gooldhashiyo,
Inuu gudbi waayo hebel,
Galaasku halkaa ma yaal,
Ninkaan garanoow ka toos…..
Allaa Mahad Leh
Mohamed A. Dubbe
Hargeisa/Somaliland

Mohamed Adan Mohamed Gacayte
gacayte09@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here