Maxaad Ka Ogtahay Beel Ka Mid ah Beelaha Degga Somaliland Oo Wakhti Ka mida Wakhtiyadii Adkaa Ee Soomaray Dalka 60-Libaax Sida Awrta U Rartay, iyo Diyaaradii Ugu Horaysay Ee Sawir Ka Qaaday!

0
651

Maxaad Ka Ogtahay Beel Ka Mid ah Beelaha Degga Somaliland Oo Wakhti Ka mida Wakhtiyadii Adkaa Ee Soomaray Dalka 60-Libaax Sida Awrta U Rartay, iyo Diyaaradii Ugu Horaysay Ee Sawir Ka Qaaday!

 Beer(Warsugan) Caaqil Cali Caddaani oo kamid ah Cuqaasha iyo waxgaradka Gobolka Togdheer oo hadal ka jeediyey Shirkii Guul iyo Gobanimo ee ka socday Degmada Beer islamarkaana halkaasi lagu soo gaba gebeeyey ayaa soo bandhigay Taariikh aan hore loo arag taasi oo muujinaysa in Beelaha Daahir Faarax yihiin taariikhda Africaanka cidii ugu horaysay ee Diyaarad lagu sawiray ka dib markii uu Caaqilku miiska soo dhigay Buug koobsaday taariikhdaasi oo ku qoran Af-carabi lagana soo helay Madxafkii qadiimka ahaa ee Dalka Ciraaq oo hada baaba’ay.

Taariikhda uu Caaqilku soo bandhigay ayaa sheegaysa in African kii ugu horeeyey ee Diyaarad lagu sawiro ay ahaayeen Ardaayada qabsaday Shirka Guul iyo Gobanimo iyadoo taariikhduna ku baxday xilli abaar xuni soo food saartay deegaanka ay deganaayeen Ardaayadu islamarkaana ay haraad soo wajahay Maatadii taasi oo keentay in lagu gaadho mar hadii ay gaadiidkii Awrta iyo Geeliiba fadhiisteen  lasoo qab qabto Libaaxyada ku jira Kaynta si loogu soo dhaamiyo Reeraha islamarkaana ay soo qabteen in ka badan 60-Libaax oo usoo dhaamiyey Caynaba, ka dib markii ay Libaaxyada oo aroori soo gaadheen Deegaanka Caynaba oo markaa ahaa halka Soomaalida biyo ugu dhaw ayaa markii uu Libaaxii biyihii uriyey cidooda qabsaday taasina ay sababtay in Magaalada Caynaba laga qaxo ilaa Ciidamadii Ingiriiska ee joogay ay qaxaan kuna hadlaan taar si gurmad loogu soo diro waxaana wakhtigaa Magaalada Cadan uu Ingiriiskii kasoo kiciyey Diyaaradii ugu horaysay taasi oo sawirtay ka dib markii ay ka noqdeen Ceelka caynaba libaaxyadii oo reerihii lagu furay lana waraabiyey Maatadii.

Caaqil Cali Caddaani oo taariikhdan cajiibkaa soo bandhigay ayaa waxaa uu sheegay in taariikhdani daaqada ka saarayso tii ina Cabdalle Xasan islamarkaana ay Beelahan noqonayaan dadkii ugu horeeyey ee African ah ee Dhaamiya Libaax sidoo kalena ay Diyaaradi sawirto  waxaana ka mid ahaa hadaladii Caaqil Cali Caddaani sidan ” Saddexdan beelood ee Daahir Faarax, Xuseen Cabdile Iyo Alla-magan Cabdille ee halkan shirka ku qabtay taariikhiyan la garanayaa ( Al-macruuf Laa Yucaraf) bay carabtu tidhaahdaa markaa sheeg sheeg uma baahna, 300 oo sano  buug laga soo helay oo laga soo qaaday Madxafkii Ciraaq  baaba’ay ee qadiimka ahaa berigii anigu aan Iskuulada dhigan jiray waxaa taariikhiyan u qornaa African cidii ugu horaysay ee diyaarad lagu soo kiciyey uu ahaa Ina Cabdille Xasan sidaasaa jirtay, Buugaasi laakiin taariikhdaa inaan lahayn baan u malaynayaa wuu bedelay wuxuu sheegayaa Diyaaradii ugu horaysay ee African lagu soo kiciyey waxaa lagu soo kiciyey Habar Jeclo Reer Daahir sidaas baa buuga ku qoran buuguna wuu tafsiiray sida lagu soo kiciyey diyaaradda, af carabi buu ku qoran yahay wuxuu leeyahay  abaarbaa dhacday wakhtigaa 1,700 meelahaa abaartu markay dhacday qolyahani dadka waa ugu horeeyeen markaa xuduudku muu jirin meelahaa hawdka meel kamida bay deganaayeen, Awrtii iyo Geelibaa fadhiistay maatadii wax loo dhaamiyaabaa la waayey dabadeedna waa la shiray waxaa yidhi waar maataduna waa bakhtiyeysaa inaguna waa bakhtiyeynaa sidee yeelaa meeshu Xagar daad bay lahaydoo libaax xagar daadkaa ku jira ayaa 50 nin laysku raacoo kolba mid baa la qabtay isna waa haraadan yahay abaartu waa haysaa dabadeedna waxaa la yidhi ileen Abjad qaadi maayee waxaa la saaray Karbaashyadii, Koorayaashii iyo Haamihii mid walba saddex casho uun bay meel ku xidheen dabadeedna Caynabaa loosoo dhaamiyey 60-Libaax ayaa qoladaa reer daahir usoo dhaamisay Caynaba, halkaasaa biyo ugu sokaysay Libaaxu waa nuguloo markii uu arkay biyihii uu uriyey ayuu marqudha wada qeyliyey waa la yaacay Ingiriiskii xoogaa ciidana oo ka joogay waa baxay Taarbay ku hadleen Diyaaradaa Cadan laga soo kiciyey iyagoo furaya Libaaxii oo reerihii waraabiyey oo diyaaradaasi sawirtay markaa cidii ugu horaysay ee African ee diyaarad lagu soo kiciyo qoladaasay ahayd  hala ogaado taariikhdaa”

Si Kastaba ha ahaatee Taariikhdan oo  koobsanaysa dhacdo cajiiba oo aan hore loo maqal ayaa ahayd hadal hayntii ugu badnayd ee socotay laguna hal qabsanaayey mudadii uu gunaanadka shirkaasi lagu gudo jiray, waxaana ay noqonaysaa taariikh facweyn oo ku cusub dhegaha Africanka iyo Soomaalida iyo bedelkeedana meesha ka saaraysa taariikhdii odhan jirtay diyaaradii ugu horaysay ee African sawirta ay Maxamed Cabdalle Xasan Sawirtay

 

Xigasho Wargeyska Warsugan