Maxamed Biixi Yoonis Oo Baajiyay Soo Dhoweyn Hargeysa Loogu Sameyn Lahaa Iyo Fariin Uu Diray Taageerayaasha Isbahaysiga KULMIYE

0
395

Maxamed Biixi Yoonis Oo Baajiyay Soo Dhoweyn Hargeysa Loogu Sameyn Lahaa Iyo Fariin Uu Diray Taageerayaasha Isbahaysiga KULMIYE

Wasiirkii hore ee Wasarradda arimaha dibadda Dr Mohamed Biihi Yoonis oo dalka dibadiisa ku maqan loona balan sanaa in maalinta Khamiista lagu soo dhoweeyo magaalada Hargeysa ayaa baajiyay soo dhoweyntiisa waxana uu Masuulkaani fariin wargelin ah udiray taageerayaashisa isagoona ugu baaqay inay ka qayb galaan Aaska rabi haw naxariistee Abwaanki weynaa Cali Sugule Duncarbeed oo Isna maalinta Khaamiista meyd kiisa la keenay Hargeysa,

AKHRI Fariinta Wargelinta Ah

War-galin
_______

Dhammaan taageerayaashii isku diyaariyay, soo dhawaynta Maxamed Biixi Yonis maalinta Khamiista 14/01/2016 10;00AM, Waxaa lagu war-galinayaa in ay ka qayb-galaan Aaska Alle s.w.c haw-naxariistee Abwaankii waynaa ee Cali Sugule oo isna la keenidoono 14/01/2016 9:00am.

Markaa Soo dhawayntii waa la joojiyay, si aan uga wada qayb-qaadano, Aaska Alle s.w.c haw-naxariistee Abwaan Cali Sugule.

Inaalillaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun