Maxamed Cabdilaahi Cumar Oo Ka Jawaabay Eedaha Muuse Biixi Loo Jeediyo Ee Xukun Milatari Inaanu Dalku U Baahnay iyo Jawaabta Uu ka Bixiyey

0
364

Maxamed Cabdilaahi Cumar Oo Ka Jawaabay Eedaha Muuse Biixi Loo Jeediyo Ee Xukun Milatari Inaanu Dalku U Baahnay iyo Jawaabta Uu ka Bixiyey

“madaxweynuhu xil gaara ayuu arrintaa iska saaray qorshihiisana kuma jirto [mudo kordhin] mana aaminsani”
Hargeysa (Warsugan) Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin wararka sheegaya dib u dhaca doorashooyinka soo socda iyo dabeecada murrashaxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ee inta badan lagu dabaqo askarinimadda.

Mudane, Maxamed Cabdilaahi Cumar oo waraysi gaar aha siiyey Horn CableTv, gaar ahaana weriye Xamse Cali Bulbul oo aad u dheeraa ayaa waxa uu ka hadlay wararka sheegaya in madaxweyne Axmed Siilaanyo loo kordhin doono, waxana uu sheegay in aanu madaxweynuhu diyaar u ahayn korordhsiim, waxa uu yidhi isaga oo arrintaa ka hadlay “Anigu waxa aan qaba oo madaxweynahana aanu ka wada hadalnay horena aan u ogaa mawqifkiisu uu cad yahay, madaxweynuhu ma doonayo in doorasho dib u dhacdo haday tahay ta xukuumadda iyo haday tahay ta baarlamaanka, waliba marka loo yimaado ta madaxweyne-nimadda madaxweynuhu xil gaara ayuu arrinaa iska saaray qorshihiisana kuma jirto mana aaminsani, bari dhexdaasa oo warbaahinta qaar wax iga waydiiyeena waan ka hadlay anigu waxa aan aaminsanahay in wax dib u dhac la yidhaahdaa oo xukuumadu doonayso inaanay haba yaraate jirin, duruufo ilaahayba inaguma keene ay doorashado suuroobi waydo waa halkeeda eedayntaa waxa aan u malayna inaanay ahayn eedayn ku dhisan xaqiiq run ah”

Maxamed Cabdilaahi oo weriye Xamse Cali Bulbul waydiiyey in xisbiga KULMIYE gaabis kaga yimi dhanka arrimaha dibada iyo adduunyada inteeda kale ayaa kaga jawaabay “Dooda noocaas ah waxa aan ka qabaa horta xisbigu waa xisbi Xukumi ah dawladiisii ayaa shaqaynaysa haday tahay in caalamka xidhiidh lala yeesho, haday tahay siyaasadda Somaliland ee xaga aqoonsiga, xaga wada shaqaynta caalamka dawladii ayaa horta jirta ee xisbigu dhalay oo arrimaha qaranka u qaabilsan. Marka taa laga yimaado xidhiidhka uu xisbigu la leeyahay beesha caalamka intooda badan waxay u badan tahay arrimaha doorashooyink sidii loo hirgelin lahaa caqabadaha ka jira, arrimaha xaga nabad galyadda iyo wadamada aynu jaarka nahayba arrimahaas ayey u badan tahay waxa aan filayaa in xisbigu si wanaagsan u wado gudoomiyaha iyo xisbigiisuba”

Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa jirta dood dadka qaar ay qabaan oo ay Muuse Biixi ku eedayaan inuu yahay nin Milatari ah oo dalkani aan u baahnayn inuu maamulo, lagana cabsi qabo haddii uu guulaysto in dagaalo dhacaan dooda noocaas ah maxaad ka odhan lahayd?

“Anigu waxa aan is leeyahay malaha dooda caynkaas ahi waa kaftan. Muuse mudadii uu dalkani dib ula soo noqday xoriyadiisa oo imika shan iyo laabtan sano ka hor ah intaaba wuxuu ku jiray siyaasad, wuxuu ku jiray heshiisiin, wuxuu ku jiray xukuumad, taariikhdiisi hore milatari ayey ahayd sida hogaamiyaal fara badan oo aduunka ah, milatariguna waa qolada ugu wanaagsan ee soo saarta hogaaminta qaranka haday amni tahay iyo arrimo kale markaa tabobarkiisii hore waxa aan u arkaa mid siinaya noocii diyaar garow ee loo baahnaa laakin raga Somaliland ku nool ee imika siyaasiyiinta ah waxa aan is leeyahay waa nimanka ugu khibrada badan xaga siyaasadda inta dalka ka shaqaynayey, intaa aan dalka ka bixin haday tahay heshiisiin, haday tahay qaran dhis, haday tahay wasiiru daakhili, haday tahay xisbi tahay oo wuu aas-aasayashii xisbiga iyo madaxdii xisbiga mudo dheer ahaa imikana murrashax uu yahay waxa aan filayaa cid imika ka bisil markay noqoto hogaamin iyo markay siyaasad noqoto inaanay jirin”

Cabdilaahi Maxamed Cumar ayaa sidoo kale waxa la waydiiyey Somaliland shan iyo labaatan sano kadib xagee ayey ku socotaa, waxana uu kaga jawaabay “Waxa aan is leeyahay Somaliland 25-ka sano ee ay jirtay kumay khasaarin madax-banaanideedii ay la soo noqotay waxa ay gaadhay horumar balaadhan oo aanay gaadhin intii ay ka midka ahayd dawladii midawga ahayd ee ay Somaliland la midawday haday tahay xaga tacliinta, haday caafimaadka tahay, haday dariiqyo tahay, haday biyo tahay iyo haday tahay iskaashiga ka dhaxeeya dadka shacabka reer Somaliland waxa aan isleeyahay horumar fiican ayey gaadhay, laakiin waxyaabo fara badan oo kaabayaasha dhaqaaluhu ka mid yihiin oo horumarka kale ee dalku u baahan yahay ayaa wali dhiman dhinaca siyaasada waxa dhiman himiladii uu qaranku lahaa ee xaga ictiraafka iyo inay beesha caalamka ay si buuxda uga mid noqoto”
Ugu danbayntii Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa ka hadlay dariiqa u furan Somaliland ee dhanka ictiraaf raadinta, isaga oo farta ku go’day ururka Midawga Afrika waxana uu yidhi “Midawga Afrika ee ka dhexeeya qaarada Afrika sida la ogyahay muu ictifaarin Somaliland inay xubin ka noqoto waana arrimaha u baahan in laga shaqeeyo hayse yeeshe ururka waxa go’aamadiisa leh xubnaha dalalka ka midka ah ayaa waxa ay isku raacaan iyo fikradaha ay keenaan ayaa ka shaqeeya, waxa aan isleeyahay midawga ururka Afirka waxa loo mari karaa iyada oo dalal badan oo qaarada Afrika ka mid ah ay taageero ka hesho qadiyadda Somaliland kuwaas ayaa golaha midawga Afrika gayn kara oo ka doodi kara meel marinteedana gacan ka gaysan kara”