Maxkamadda Sare Oo Dhaariyay Xildhibaan Cusub Oo Ka Mid Noqon Doona Golaha Guurtida Somaliland

0
242

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda JSL garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa dhaariyay mudane Maxamuud Maxamed Jaamac Abubakar kaas oo kamid noqon doona golaha guurtida.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa dhaariyay mudane Maxamuud Maxamed Jaamac Abubakar, oo ka mid noqon doona xildhibaanada golaha Guurtida, kadib markii uu xanuun culusi lasoo darsay xildhibaan Maxamed Jaamac Abubakar, jagadiisiina banaanaatay.

Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maxkamadda sare ee dalka u soo gudbiyay codsi ay ku dalbanayaan in la dhaariyo xubinta buuxinaysa jagada golaha ka banaanaatay.

Guddoomiyaha ayaa dhaarinta kadib mudanaha Alle uga baryay in uu xilka u fududeeyo bulshadana uu ugu adeego daacadnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here