Mayeedhaanka Bini’aadam W/Q: Mohamed Hassan Daacad

0
380

Mayeedhaanka Bini’aadam W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Waa 7:15 Habeenimo,Muuqaalka Magaaladu waa Nabad,waxaana Badi Caasimada iyo Hareeraheeda Maasheeyay Nimcada Eebe iyo Roob Lagu Doogsaday oo Dad iyo Xoolaba Uurka ka Ducaynayaan,Jawiguna Waa Degan yahay,waxaana Layskugu Bushaaraynayaa Nimcada Eebe Umadiisa u Shubay iyo Sida loogu Qabawsaday ka Dib Maalmo Haraadka,Surbacaadka Iyo Surmigu Dad iyo Duunyaba Daris la ahaa,iyaga oo Dadkuna isu Hogo-tusaalaynaya Muhiimada ay Leedahay in Lagu Mahad-naqo Fadliga Eebe uu Adoomihiisa ugu Deeqay si aanay uga Nusqaamin,Allena ugu sii Siyaadiyo.

Waxaan kasoo Baxay Xafiiska Haay’ad Warbaahineed oo aan u shaqeeyo,waxaanan soo galay Mid ka mid ah Goobaha Laga Cunteeyo ee Magaalada Hargaysa.Goobta Waxa Fadhiya Dad aad u badan oo iskugu jira Qeybaha Bulshada Sida Culimo,Siyaasiyiin,Aqoon-yahan,Wax-garad,Cuqaal Iyo Guud ahaanba Dadka Labeenta Umadda ah.Dadka Goobta ku sugani waxay isku jiraan Qaar Cuntaynaya,Qaar Fulay oo Cuntadiiba Dhamaystay Iyo Qaar Dalabkii u maqan yahay oo aan Wali Wax soo gaadhin,Waxaana Intaas Ay Cuntada Sugayaan Koox Waliba Dhinaceeda u Wataan Sheekooyin,Faq Iyo Ka Faaloodka Xaalada Qof Ahaaneed,Qoys ahaaneed iyo Qaran ahaaneed-ba.

Ta Qof ahaaneed; waxa Ruux walbaa ka xaal-waramayaa Meertada Nolasha iyo Waayaheeda,Duruufaha ku Gedaaman,waxa uu hadda ku Maldan-yahay,Wakhtiyadii tagay iyo Eel-ka ay ku reebeen iyo waxa uu yahay Qorshisiisa Mustaqbal.
Ta Qoys Ahaaneed; Mawaadiicda ugu waaweyn ee lala-fagurayo ayaa ah; Guud ahaanba Xaalada uu Qoysku haatan ku sugan yahay,Waxii Dhintay,waxa Nool iyo Cidda Qoysaska kusoo Biirtay Lab Iyo Dhedig-ba,Hebelo la yaqaanay iyo Halkay ku danbeeyeen,Ubadkii iyo Heerka Koritaan,Waxbarasho iyo Nololeed ay haatan joogaan.

Ta Qaran Ahaaneed; waxa ugu mudan ee Madasha lagu hayo ayaa ah;Heerka Siyaasadeed ee uu haatan Dalku Lugaha La Galay,Duufaanada Kacsan iyo Halkay Biyo-dhigan doonaan, Korodhka Shaqo la’aanta Dhalinta iyo Waxa loo Maarayn La’yahay,Mushkilada Tahriibta iyo Xalka ugu Haboon ee lagu Joojin Karo,Mustaqbalka Siyaasadeed ee Dalka iyo Guud ahaanba Xaalaada Dhaqan Dhaqaale ee Maanta Somaliland la Deriska ah.

Iyada oo Jawiga Goobtu sidaas yahay,ayaa laykeenay Dalabkii Cunto ee aan Dalbaday.Qofkasta markaa Dalabkiisa loo keeno hore ayuu ka bilaabayaa,waayo waxa Jirta Dhaxan Dadkuna Hu’ ay iskaga Celiyaan Dheelka Dhaxameed ma hayaan,oo ku talo gal-ba ma jirin,waxaana Xili Sanadeedka lagu jiro Loo Aqoonsan yahay Xili Kulayl ah oo aanu Qofku Dhar Culus qaadan Karin.taa Badalkeeda Waxa Ruux Kasta oo Goobta Fadhiyaa uu Cunayaa Cunto ugu yaraan ka Celisa kana Caabida Dhaxanta Jirta,isaga oo Jeebkiisa iyo Hayntiisa ku Xisaabtamaya.

Wax aan Dhex dabaasho Mawjahada Kaftanka,Xifaalaynta,ka Humaag Qaadashada Midhaha kazoo Burqanaya Dadka Labeenta Umadda ah ee Goobta Fadhida,Waxa Mar kaliya Isha aan ku dhuftay Nin Da’ahaan aan ku qiyaasay ilaa 40 Jir.wuu kabo la’yahay,wuxuu Dhar ahaan Xidhan yahay Calal,waxaana ka Muuqata Diifta iyo Daran-yada uu Wakhiga iyo Waayaha Nolashu Badeen.

Waxa uu u adkaysan waayay Qabaw-ga Xoogan ee Magaalada Ka Jira iyo Wax La’aanta isku barkaday,waxaana uu Miciin soo biday Goobtan Dadka badani ka buuqayaan. Gacmaha waxa uu ku sitaa Xidhmo Gooban oo lacag ah,una muuqatay mid ay u dhiibeen Dadkii uu u Holoday inuu Wax Weydiisto,iyaguna si Dareen la’aan ah ay ugu fidiyeen mid Shan boqol u dhiiba iyo Kun uga dhigaba,waxaana aan ku qiyaasay wax aan Gaadhayn Toban kun JSL,Shillings (10,000 Shilings) hadii la isku Habeeyo.Afaafka Hudheelka ayuu soo istaagay isaga oo Qaylinaya,Miyirkiisa ma Fadhiyo,Laakiin waxa Eryayaa Waa Gaajo Xoogan oo Qabaw daranina ugu Darsamay. Sida Bulshadeena u Cadaada ah Is-la Markiiba wax kusoo Booday oo ku yidhi: “Ka Bax Meesha.yaa ku yidhi soo gal!!?….. mid ka mid ah Raggii Goobta Cunto ka shaqaynayay.Ninkii Askariga ahaa ee Ilaalada Meesha ka ahaa oo isagu u muuqday mid inyar uun Bini’aadamnimo Ku Jirto ayaa u sheegay Mudalabkii Goobta in aanu Ninkan aanu Xiskiisu dhamayn Dagaalin,isla Markaana uu si Degen wax uga Iibiyo,meel-na Fadhiisiyo.Nasiib-daro Ninkii Mudalabka ahaa u muu dhago-nuglaanin Taladii Askariga,waxaana uu ku adkaystay inuu isku dayo inuu meesha ka Caydhiyo Ninkan Xiska ka Naafada ah.

Balse Ninkii Askariga ahaa,ayaa isku dayay inuu Booskii Mudalabka galo,oo uu Ninka Xiska ka Naafada ah ka soo Qaado Lacagta uu sito,una soo Iibiyo Casho,waxaana dhacday in Markii Askarigii Lacagtii kazoo qaaday Ninkii Maskaxda ka Naafada ahaa,uuna rabo inuu Cunto u keeno uu si lama Filaan ah Ninkii iskaga Cararay,iyada oo aanay Cidina kadaba Carari Karin,waxaana ay u muuqatay in Ninkan Maskaxda ka Naafada ahi uu dhibsaday Hadaladii Qalafsanaa ee Ninka Goobka Mudalabka ka ahaa.Taas oo ay iskugu raaceen Casho la’aan iyo Lacag la’aan.

Arintan ama Dhacadan iyada ah ayaa Qeyb yar uun ka ah Boqolaal Dhacdo oo Xanuun badan,lana Daris ah Dadka Maskaxda Naafada ka ah,oo aan Maqaalkan ula Baxay Mayeedhaanka Bini’aadam iyo Sida ay Bulshadu Daryeelkooda uga Qorshe la’dahay.
Waxaana Haboon Cidkasta oo ay Arintani Khusaysaa inay wax ka Qabtaan oo Dadkeenan Jilicsan ee Nugul aynu Wax u Qabano.
WQ: Mohamed Hassan Daacad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here