Mid kamid ah Wadamada Islaamka oo laga mamnuucay Xuska Maalinta Jaceylka

0
347

Dalka Indonesia oo ah dalka ugu badan ee kunool yihiin Muslimiinta dunida ayaa laga mamnuucay qeybo kamid ah in laga xuso maalinta loogu magac daray Maalinta Jaceylka oo ku beegan 14-ka bisha Febraayo maanta oo kale. Maaliinta Jaceylka Aduunka oo inta badan laga xuso wadamada aan islaamka aheyn ayaa kusoo badanayay xusaska loo dhigo dalka Indonesia iyo dalal kale oo Islaam ah, waxaana arintan si xoogan uga hadlay culumada Islaamka.

Qaar kamid ah Culumada dalka Indonesia ayaa sheegay in wax xun yihiin dabaal dega xuska maalinta Jaceylka, waxa ayna wadaadada sheegeen in dabaal dega maalinta Jaceylka uu yahay mid dhiiro galinaya galmada aan xalaasha aheyn iyo fiqsi badan.
Duqa magaalada Makassar ayaa sheegay in ciidanka booliiska ay xoog ku galeen dukaaman lagu iibiyo cinjarka galmada, waxa uuna tilmaamay in ay arintaasi uga jawaabayeen codsi kaga yimid dadweynaha magaaladaasi.

Masuuliyiin katirsan dalka Indonesia ayaa ugu baaqay dhalinyarada Muslimiinta ah in ay ka foojignaadaan xuska maalinta Jaceylka aduunka, waxa ayna sheegeen in xuska maalintaasi aysan wax raad ah ku laheyn shareecada islaamka iyo dhaqanka dalkooda.

Maalinta Jaceylka Aduunka oo ah maalin ay inta badan xusaan dadna aan muslimka aheyn ayaa mudooyinkan kusoo badanayay wadamada Islaamka, waxaana xuskaasi ka qeyb galayay dhalinyaro Muslimiin ah ay ku jiraan kuwa Soomaali ah.