MINNEAPOLIS: Ilhaan Cumar oo loo dhaariyey xildhibaannimada gobolka Minnesota iyo kutubka qur`aanka oo gacanta loo saaray

0
391

Ilhaan Cumar oo ah gabar soomaaliyeed islamarkaana sanadkii hore ku guuleysatay xildhibaannimada gobolka Minnesota ee dalkaasi Mareykanka ayaa xalay loo dhaariyey xilkaasi, iyadoona lagu dhaariyay kutubka qur`aanka karoomka.

Xafladda dhaarinta oo ka dhacdey aqalka Senate ee gobolkaasi ayaa kasoo qeyb galay dadweyne farabadan iyo madax kala duwan.

Sanadkii hore ayay aheyd markii Ilhaan Cumar ay ku guuleysatay xildhibaanimada gobolka Minnesota kaddib doorasho adag oo ay gashay.

Shacabka soomaaliyeed ayaa aad usoo dhaweeyay guusha iyo waliba dhaarinta shalay ay martay xildhibaanad Ilhaan Cumar.