MOQDISHO IYO LONDON

0
773

MOQDISHO VS LONDON

United Kingdom of Great Britain waa dawlad wayn oo qarniyo soo jirtay waxay aad iyo aad u tix-galiyaan arimaha Dublumaasiyada, Dawlada kasta oo ka hortimaada siyaasadeeda Arimaha Dibada waxay kala dagaalantaa gacanta 16aad.

Xukuumada Fadaraalka Somalia ee Nabad & Nolol oo labadii bilood ee u dambeeyay daan-daansi Dublumasiyadeed kula kacday Great Britain siday ku aamintay in UK u qabato shirka arimaha PATROL ka Somalia ee lagu qabtay London 7 Feb.

1- N & N miyay iloobeen caydhintii ay kula kaceen Ergaygii Qaramada Midoobay u fadhiyay Somalia ee ingiriiska ahaa Mr. Nicholas Haysom .
2- N & N miyay iloobeen daan daansigii ay kula kaceen wasiirka difaaca ingriiska Mr. Gavin Williamso markuu booqasho ku tagay Hargaysa Somaliland.

Labadaa xiisadoo oo wali taagan wax-heshiis ahna wali laga gaadhin ayay N&N raali ka noqdeen shirkay Great Britain u qabanayso Patrol ka Somalia, kubad fiican intay lala soo ciyaartay ayaa kildhi madaxa loo soo galisay.

Imika iyo haatan Talaabada ay Kenya qaaday maaha mid dublumaasi-yadeed ( Kenya’s undiplomatic ) Arintani waxay u muuqataa in xiisadan gacan sadexaad ku jirto. Waxaan kula talinayaa MUQDISHO inay LONDON laheshiiso NAIROBI ka hor.

Tusaale waxaa iga ah Somaliland oo wali guranaysa midhihii qaladkii 1960kii ay ka galeen Great Britain, waa caydhin tii ingriis ee wakhtigaa fog iyo calankii ay soo saxeexday boqorada ingiriisku oo mudo afar cisho gudahood talyaaniga lagu wareejiyay, waa siduu ingriisku u arko hashiiskii midaynta ee dhacay 1/July/1960.

31 sano ayuu Talyaanigu ugu faanaya ingiriiska inuu kaga guulaystay cariga somalida gaar ahaan midayntii dhacday 1/July/1960 kii, ingiriisna 31 kaa sano wuxuu ka shaqay-nayay siduu ku fashilin lahaa farxadaa iyo faanka Talyaani ee hirgalay taariikhaada jor ku xusan.

Ingiriisku wuxuu Talyaani ka guulaystay 18/5/1991 markii Somaliland dib loogu dhawaaqay, faan kii talyaanina halkaas ayay ku soo afjareen, ilaa hada oo ah 28 sano madaxda Somaliland wali madareen-sana qaladka wakhtigaa lagalay, halka laga haysto, iyo faranta dagaal ee gacanta 16aad ah ee wali ku furan.

Alaa mahad leh

. Amb Ahmed Safiina
Xoghayaha xidhiidhka dawladaha carabta iyo wadamada islaamka ee xisbiga WADDANI