MUDAHARAAD RABSHADO WATA OO KA DHACAY XAAFADA FINLAND EE MAGAALADA BERBERA IYO DHIMASHADA HAL RUUX OO CIIDAMADA BOOLIISKU TOOGASHO KU DILEEN

0
371
MUDAHARAAD RABSHADO WATA OO KA DHACAY XAAFADA FINLAND EE MAGAALADA BERBERA IYO DHIMASHADA HAL RUUX OO CIIDAMADA BOOLIISKU TOOGASHO KU DILEEN

Berbera(Warsugannews)-Mudaharaad Rabshado wata ayaa ka dhacay Xaafada Finland ee Magaalada Berbera, Mudaharaadkaasi oo soconaya ilaa hadda, ayaa waxa uu ka dhashay Dilka nin Dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Alle ha unaxariiste Marxuum Axmed Jaamac Xirsi (Midh kasiiye ) oo Ciidamada Booliisku Berbera rasaas ay ku fureen udhintay kadib markii ninka marxuumka ahi sadaqad ka dhistay dhul laysku haystay oo maamulka dawlada hoose joojiyay lagana garnaaqayay iyada oo si9da ay sheegayaan warka aanu helay lagu wargaliyay dhinacyada dhulkaas isku haysta in aanay midkoodna wax ka dhisan karin ilaa inta lagu kala baxayo balse waxa go,aankaas jabiyay sida la sheegay dhinaca uu kasoo jeeday marxuumka dhintay.

Mayarka Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan(Ciddin) iyo Badhasaab kuxigeenka Gobolka Saaxil Xamud Xuseen C,laahi ayaa ku hawlan Dajinta Rabshadahan ka Dhashay Dilka Marxuumkaasi,

Ciidamada Amaanka ayaa Sugaya Goobtii Mudaharaadku ka socday, waxaaney kale Dareeriyeen Dadkii Mudaharaadkaasi dhigayey ,sidoo odayaasha iyo Waxgaradka xafadaasi ayaa iyaguna qayb ka ah dejinta Rabshadahaasi ka dhashay Dilka Marxuum Axmed(Midhkasiiye) waxse aan ilaa hada lagu guulaysan joojin mudaharaadkaas oo marba soo rogaal celiyanaya.

geesta kale mar aanu la xidhiidh taliska Booliiska Gobolka Saaxil,si aanu waxa uga weydiino Dilkaasi iyo Rabshadaha soconaya ayaaney noo suuragalin, balse xogaha shabakada wararka ee Berberatoday.com soo gaadhaya ayaa tibaaxaya in 6 Askari oo katirsan Ciidanka Booliiska ee joogay goobtaasi uu dilku ka dhacay ay ku xidhan yihiin Saldhiga dhexe ee Berbera, islamarkaasina la baadhayo Askarigii Gacan ku dhiiglaha ahaa ee Dilkaasi geystay.