Mudaharaad Xoogan Oo Lagaga Cabanaayo Sicir Bararka Xadhkaha Goostay Oo Hargaysa Ka Dhacay.+Sawiro

0
356

Mudaharaad xoogan oo lagaga soo horjeedo Sicir Bararka xadhkaha goostay ee ka jira Somaliland.Boqolaal dadweynaha magaalada
Hargaysa ah ayaa isugu soo baxay suuqyada iyagoo ka cabanaaya Sicir Bararka. Boqolkii Dollar ayaa marayaa ku dhawaad 950,000$ halku markii hore ka ahaa 750,000$.

Dadka danyarta ah ayaa iyagu horeba u noqday colkii ku riiqmay aafada Sicir Bararka, waxaana eeda arrintan loo xanbaarinayaa shilinkii Somaliland ee dalku lahaa oo qiimo beelay iyadoo dhammaan masuuliyiinta Xukuumaddu qaataan lacagta qalaad ee Dollarka, ilaa haddana ma jirto daraasad cilmiyaysan iyo tallaabo wax ku ool ah oo wax lagaga qabanaayo aafada Sciri Bararka.

Dadweynaha mudaharaadayay ayaa ku cabanaayay inay isugu darsameen abaar dadkii miyiga haysa iyo magaaladii oo Sicir Bararkii dabadka goostay sidaa daradeedna aanay waxba ka noolayn. Maayarka Caasimadda Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo cutubyo ka tirsan Ciidamadda Booliska oo soo gaadhay goobihii mudaharaadka ayaan ku guulaysan inay dadweynihii qanciyaan.