Mudane Madaxweyne Waad Ku Mahadsan Tahay Dhisaha Iyo Dhiiri Gelinta Ciidamada Qaranka

0
333
????????????????????????????????????

Mudane Madaxweyne Waad Ku Mahadsan Tahay Dhisaha Iyo Dhiiri Gelinta Ciidamada Qaranka

Dhismaha ciidamada qaranku waxay dalkeena ugu fadhiyaan kaalin miisaan weyn, waan ku hanbalyeynayaa wanan ku amaanayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo sida uu ugu heelan yahay dhismaha ciidamada qaranka una tayeeyo iyo siyaadada wanaagsan uu u dejiyey waxay ka makhraati kacaysaaa hogaamintiisa suuban sunaha dawlad wanaaga.

Taabada gelinta himilooyin wada yeesho waaa inuu lahaadaa ciidan ku filan oo cudud xoogan leh qarankana difaaca, Ciidamada kala duwan ee qaranku uu leeyahay waa kuwo difaacay islamarkaana cadowga ciil biday gacan bir ahna ku haya nabad gelyada wadankeena Somaliland hanbalyo ayey mudan yihiin waana istaahilaan in la dhiso oo wixii la hayaba loo huro.

Sida aynu ka wada dheregsanahay Ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland waxay inoo yihiin laf dharaf, waxaana ay qaranka ku leeyihin milgo iyo maamuus weyn, higilka ciidamada waxay ka sasiyaan cadowgeena, nabada aynu habeen iyo maalinba ku joogno waa hubaal inay yhiin kuwa ilaahay ka sakow iyagu cududooda ku ilaaliya, ciidamada qaranku waa kuwo naftood hurayaal ah qarankoodu dhacan iyo bacad aan gabood meelna uga gelin ee u hagarbaxay qarankooda, ilaalintoda iyo daryeelkooduna waa mid waajiba oo dalka oo dhan saaran.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo shaki kama taagna inuu daryeelo ciidamada waana madaxweynihii ugu horeeyey Somaliland ee ciidamada u kala sameeyey derjooyin taasina waa mid ku qoran diiwaanka taariikhda maguurtada ah, Mudane Madaxweyne waxaad tahay hogaamiye ka dhabaayey balan qaadkiisii waan kaaga mahad celinaynaa
Guulaysta Ciidamada Qaranka anagua garabkiinaanu nahay .