Muddo Xileedka Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Ku Eeg (Yaa Bedellaya)

0
270

Waxaa maanta ku eg muddo xileedka Baarlamaanka 10aad ee Federaalka Soomaaliya oo soo shaqeynayay muddo afar sanno ah, iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalintii la dhaariyay Baarlamaanka Labada Aqal oo wadajir ah.

27 bishii December 2016 ayay ahey markii la dhaariyay Xildhibaannada iyo Senatada Labo Gole ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, xilligaasoo markii u horreysay uu dalka Soomaaliya yeeshay Aqal Sare.

Baarlamaanka Labada Aqal ee waqtigiisa dhammaaday ayaa dalka Soomaaliya waxaa uu gelinayaa xaalad cusub, maadaama wali ayna Soomaaliya ka dhicin doorasho la isku raacsan yahay oo suura geliya Baarlamaan bedela Baarlamaanka hadda waqtigiisu dhammaaday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo toddobaadkii hore ka hadlayay fadhigii Baarlamaanka ayaa sheegay in Baarlamaanka 10aad uu xilka sii heynayo illaa laga dhaariyo Baarlamaanka 11aad, si aanay u dhicin firaaq dastuuri ah, sida uu Dastuurka qodobkiisa 60aad uu dhigayo iyo wax ka bedelka sharciga LR 20.

Si kastaba ha ahaatee muddo xileedka ka dhammaaday Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa ku soo aaday, iyadoo dalka uu ka jiro khilaaf siyaasadeed oo ka taagan hannaanka doorashada oo aan weli la isku raacsaneyn, waxaana Baarlamaanka 10aad uu waqtiga ka dhacayo, iyagoo aan ansixin miisaaniyadda sanadka 2021 oo ay soo gudbisay Xukuumadda, taasoo weli dood laga leeyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here