“Muddo Xileedkii Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Waxa Ka Hadhsan Wax Ka Yar Sanad Iyo Badh…” Cali Guray

0
288

Aniga xagayga wakhtiga furitaanka iyo tartansiinta ururada dibna waa loo durkin karaa horena waa loo soo dhigi karaa. Hadii dib loo qaado Doorashada Madaxtooyada waxa tartami doona sadexdan xisbi. Hadii hore loo soo qaado Doorashada Madaxtooyada waxa geli doona sadexda xisbi ee ku soo baxa tartanka ururada/xisbiyada. Markaa waxa lama taabtaan ah in mar kasta ay Doorashada Madaxtooyadu ku qabsoonto XILIGEEDII November 2022.

Doorashadan isku sidkanayd guulaheeda waa in ay ku jirtaa in Somaliland ay ka baxdo wixii la odhan jiray muddo kordhinta doorashooyinku oo ay doorasho waliba ku qabsoonto goorteeda. Xil kasta oo dadwaynuhu ay cid u doortaan waa in aay banayso kursiga ee aanay isku sii dhejin marka muddadii xilka loo igmaday ay dhamaato waayo xilka qaranku waa meerto.

Maxamed Baaruud Cali oo wasiiradii xukuumaddii AHN M.I Cigaal ka mid ahaa sidii caadada u ahayd markii xilka uu ka qaadayay wuxu ku sababeeyay in xilka qaranku uu meerto yahay taasina ay sunnaha dawladnimada tahay.,Wuxu ugu jawaabay Maxamed “waa run xilka qaranku waa meerto ilaa Madaxwayne”.

Muddo xileedkii Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi waxa ka hadhsan wax ka yar sanad iyo badh. Xaq wuxu u leeyahay in mar labaad uu hadana isu soo taago oo tartamo isagoo kursiga ku fadhiya. Sida caqligu ina siinayo sharciguna ogol yahay in labadii uu markii hore ka helay hadana la tartamo wax u dhaama ma heli karo hadii aanu ka baqayn in Cabdiraxmaan Cirro uu ka helayo oo markaa xaalkiisu ahayn muddo korodhsi. Taas oo laga yaabo in Somaliland ay u horseedi karto khilaaf xooggan oo keeni kara xasilooni darro.

Hadaba hadii loo danaynayo shacbiga Somaliland waxa dan u wada ah in Doorashada Madaxtooyadu ay xiligeedii ku qabsoontu kolay ciddii Ilaahay u qoray ayuun baa ku guulaysan doonta eh. Madaxwayne Muuse in uu tartamo iyo in musharax kale oo Kulmiye ah u tanaasulo labadaba isaga ayaa xaq u leh.

والله على ما اقول وكيل

Caligurey, Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here