Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Dalka Itoobiya Kaga Qeyb-galay Xuska Maalinta 21aad ee Qoomiyadaha Itoobiya+SAWIRO

0
334

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Dalka Itoobiya Kaga Qeyb-galay Xuska Maalinta 21aad ee Qoomiyadaha Itoobiya+SAWIRO

Adis-ababa(WSN):-Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo marti qaad rasmi ah oo uu ka helay madaxda dalka Itoobiya, waxa uu magaalada Herer ee dalkaasi uu kaga qeyb-galay xuska maalinta 21aad ee Qoomiyadaha dalka Itoobiya oo sannadkan lagu qabtay Kilalka 11aad ee Harari.

Xuska Qoomiyadaha dalka Itoobiya, oo ay ka soo qeyb-galeen madaxda dawladaha bariga, badhtamaha iyo waqooyiga Afrika, kuwo kale oo ka socday dalalka China, France, Italy iyo weli ba sida oo kale wadamo ka mid ah dalalka Yurub iyo kuwo kale oo xidhiidho soke la leh dawladda Itoobiya, ayaa guddoomiye Cirro, waxa si milgo iyo sharaf dawladdeed ba ku dheehan tahya oo heer caalami ah u qaabilay una soo dhaweeyey madaxda heer faderaal ee dalka Itoobiya oo uu ugu horreeyo Ray’sal wasaaraha dalkaasi Itoobiya, guddoomiyaha Baarlamaanka iyo weli ba sida oo kale Madaxweynaha Kilalka Harari ee dalka Itoobiya Mr.Murad Abdulhamdi.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo intii uu halkaasi ku sugnaa si weyn loo qaabilay, ayaa sida oo kale waxa uu munaasibadda debbaal-deggaasi uu kulamo gaara la qaatay ray’sal wasaaraha dalka Itoobiya, guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaasi iyo weli ba sida oo kale Madaxweynaha Kilalka Harari ee dalka Itoobiya, ku waasi oo uu dhammaantood ba uu ugu hambalyeeyey xuska sannad guuraddooda 21aad ee maalinta Shucuubta Itoobiya, isaga oo sannado badan u rajeeyey in ay ku gaadhaan nabad iyo horumar, waxa kale oo intii kulankaasi uu u socday uu la wadaagay xaaladda guud ee ay marayso dawladda Somaliland oo uu tilmaamay in maadaama oo ay jaar yihiin ay mar walba jecel yihiin wada-noolaanshiyaha iyo deris wanaaga dhex mara labada dawladdood iska na kaashaadaan guud ahaan wixii liddi ku ah khal-khal gelinta ammaanka labada dhinac ee Somaliland iyo Itoobiya.

Guddoomiye Cirro, waxa uu sida oo kale uu iyaga na fursad uga faa’ideysay la kulankooda diblomaasiyiin iyo madax sar sare oo ka socday dawladaha China, France, Italy iyo weli ba sida oo kale kuwo kale oo iyagu na ka socday wadamo ka tirsan dawladaha Yurub, waxaana uu dhammaantood ba u soo bandhigay isla mar ahaantaana uu la wadaagay dawladda Somaliland iyo marxaladahii kala duwanaa ee ay soo martay, isaga oo hoosta uga xariiqay in Somaliland ay tahay dawlad soo koraysa iyada oon wax kaalmo ah ka helin beesha caalamka ay hada na suurto-galisay in ay kaalin wax ku ool ah ka gaadho hirgelinta hannaanka dimuqraadiyadda oo ay ka qabsoomeen doorashooyin tira badan, waxaana uu carabka ku dhuftay in wakhti xaadirkanna ay Somaliland u taagan tahay siddii ay uga mid noqon lahayd beesha Caalamka oo ay u heli lahayd Ictiraaf buuxa, iyaga oo dhankooda na balan qaaday in ay fariintaas gaadhsiin doonaan wadamadii ay ka kala yimaadeen.

Ugu dambeyntii na, waxa uu kale oo uu iyaga na si gooni ah uu ula kulmay wufuud ka socotay dalka Jabuuti oo uu hoggaaminaayey Madaxweynaha dalkaasi Md.Ismaaciil Cumar Geele, kuwaasi oo iyaga na ay si gaara uga wada hadleen siddii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhaxeeya labada dawladdood isla mar ahaantaana ay looggu wada noolaan lahaa deris wanaag iyo in laga wada hortago wixii dhib ku ah nabad-galayada labada dhinac iyo guud ahaan gobalka oo idil.
15401210_1345674575456735_1053995794_n

15403136_1345693945454798_591997884_n

15416005_1345698848787641_245764236_n

15416863_1345692815454911_486575958_n

15417080_1345690335455159_1469566550_n

15423667_1345698608787665_1017808088_n

15423677_1345693575454835_2126051544_n

15451078_1345695055454687_1065094131_n

15451128_1345692718788254_708093505_n