Murrashax Jamaal Oo Sheegay Inuu Soo Xulan Doono Murashaxa ku xigeenka U Noqondoona, sheegayna Inuu Markii U Horaysay Gobolada Bari ka Raadinayo

0
354

Murrashax Jamaal Oo Sheegay Inuu Soo Xulan Doono Murashaxa ku xigeenka U Noqondoona, sheegayna Inuu Markii U Horaysay Gobolada Bari ka Raadinayo

Hargeysa (Warsugan) Murrashaxa xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay in ku xigeenkiisa uu ka soo xulan doono gobolada bariga Somaliland, waxaanu sidoo kale ka hadlay farro galin uu sheegay in xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE.

Aqoonyahan Jamaal Cali oo ugu horayn ka hadlayey go’aanka ay murrashax ku xigeenka xisbiga ugu gacan haadiyeen gobolada bariga ayaa yidhi “Waxa aanu samaynayna doorkan maadama oo labada xisbi qaran ee KULMIYE iyo WADDANI dadka murrashaxiinta uga tartamaya ay yihiin dad ka soo jeeda gobolada galbeedka bal inaan doorkan badelno waad ogtihiin oo aniga murrashax ku xigeen-kaygii hore wuxuu ahaa Cabdirashiid Xasan Mataan oo ka soo jeeda gobolada galbeedka oo hore aanu u dooranay laakiin Cabdirashiid waakii markii khilaafkii xisbiga UCID sii socday u adkaysan waayey ee ka diga rogtay, maadama oo uu xilki banaanaday waxa aanu u aragnay fursad soo baxday inay tahay in aanu jecelnahay in aanu doorkan maadama oo dadkii gobolada barigu imika u soo jeesteen dhinaca Somaliland, maadama oo uu madaxweynuhu shir ku baaqay la isugu soo dhaweynayo oo bishan aakhirkeeda shacabka Somaliland gaar ahaan bariga in aanu go’aan adag oo dadkii siyaasiyiinta ahaa ee Somaliland ay qaadan kari waayeen aan anigu qaato iyo xisbiga UCID oo aanu eegno inaan doorkan la jeclaano qof ka imanaya gobolada bariga Somaliland taas macnaheedu maaha kooto ayaanu ugu xidhayna ee waa lagu tartamaya xisbigu waa xisbi dimuquraadi ah”

Jamaal Cali Xuseen oo wax laga waydiiyey awoodaha siinaysa go’aan ka gaadhista murrashax ku xigeenka ayaa yidhi “Murrashaxa xisbigu waa aniga heshiiskaygana waata ku taala Jamaal Cali Xuseen wuxuu soo xulanaya qofka u noqonaya murrashax ku xigeenka heshiiskaygii ay maxkamadu tidhi hala fuliyo. Xisbiga ayaan marinaya iyo dariiqii laakiin xisbiga laftigiisu macaal dhinaca kaleeto way taageersan yihiin in la soo sameeyo in qofku (Murrashax ku xigeenku) bariga noqdo”

Geesta kale mudane, Jamaal Cali Xuseen ayaa carabka ku adkeeyey inay jirto farro galin siyaasadeed oo xisbiga KULMIYE kula dhex jiro UCID. Waxaanu yidhi “Haddii la isku dayo oo xisbiga KULMIYE isku dayo inuu burburiyo in iyaga laftoodu aanay wax doorasho ah oo ay u tafa xaytaan oo ay cadaalad ku heli aanay jirin doonin”

Xigasho Wargeyska Warsugan