MUSHARAX MADAXWEYNE EE XISBIGA WADDANI C/RAXMAAN CIRRO OO SHACABKA KA TACSIYADEEYEY GEERIDII KU TIMI MARXUUM ABWAAN XUSEEN CABDI XIRSI (BOON XIRSI)

0
343

Musharax Madaxweyne Ee Xisbiga WADDANI C/raxmaan Cirro Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Marxuum Abwaan Xuseen Cabdi Xirsi (Boon Xirsi)

Tacsi Musharax Dr C/raxmaan Cirro
Innaa-lilaahi Wa Innaa -lilaahi Raajicuun

Musharax Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI, ahna guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi CIRRO isagoo ku haddlaya magaciisa ka hoggaanka xisbiga WADDANI,ka laamaha debada iyo magaca dhammaan taageerayashaa xisbiga WADDANI wuxuuTaccistiiraanyo leh u dirayaa,Abwaanada Fanaaniinta bahda Sugaanta iyo Majaajileystayaasha eheladii asxaabtii, qaraabadii,qoyskii uu ka baxayAlle ha u naxariistee Marxuum Xuseen Cabdi Xirsi [Boon Xirs)oo xaley oo taariikhdu ahayd (18/12/2016) ku geeriyooday magaalada Hargeysa,waxaana uu u geeriyoodey xannuun ku soo boodo ahaa.

Musharax C/raxmaan Cirro ayaa Marxuum Xuseen Cabdi Xirsi (Boon Xirsi) ku sifeeyey muwaadin dal Jacayl iyo dad Jacayl badan,isla markaana nabada door weyn ka soo qaatay halgankii dib u xorraynta dalka somaliland,isagoo sidoo kalena marxuumka kaalin culus ka qaatay barbaarinta korinta afka hooyo ee dhinaca hal abuurnimada .

Musharax C/raxmaan Cirro wuxu eebe uga baryayaaMarxuumXuseen Cabdi Xirsi (Boon Xirsi) in uujannadii fardowsa ka waraabiyo, eheladii, qoyskii , qaraabadii, & shacabka reer Somaliland ee uu ka baxayna marxuumku uu samir iyo iimaan saadiqa Illaahay ka siiyo.

Aaamiin……….Aamiin.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

war sugan news