MUSHARAXA LA MUUSEEYAY “ OROMO-ETHIOPIAN “ MUDANE MAXAMOUD XIRSI , XISBIGA WADDAN

0
636

Waxaan xiiseeya inaan kala barto Siyaasiyeenta Somaliland , siiba kuwa u tartamaaya hogaaminta dalka. Waxaan ku dadaala inaan ogaado taariikhdooda, aqoontooda & sooyaalkooda siyaasadeed. Waxaan si fiican ula socda Guddoomiye Cabdirahman Ciro , Muj Muuse Biixi Cabdi iyo Aqoonyahan Jamaal Cali Xusein. Waa saddex nin oo magac, maamuus iyo qadarin mudan . Waxay kasoo kala jeedaan saddex xisbi qaran. Waxa ka dhaxeeya tartan kulul, laakinse cay iyo af-lagaado isuma quudhaan. Waa gob iyo caadkeed. . Hadaba, waxa soo baxay nin Afraad oo la yidhaahdo Maxamoud Xirsi una sharaxan hogaaminta Somaliland. Sida uu sheegtay, wuxuu ka dhex tartamyaa WADDANI.Dhawr jeer ayaan dhegaystay , laakinse maan fahmin mawduuca uu ka hadlaayo, ‘Subject matter “, cida uu la hadlaayo iyo meesha uu kasoo hadlaaayo. Wuxuu iska qabta “video –clips” asaga oo leh “Shir Jaraid “ayaan qabtay. Maan arag suxufi ag-fadhiyaa, maan arag su’aal la waydiinaayo, maan arag calanka WADDANI , maan maqalin cid hdal haysa. Markuu hadlaayo warqad ayuu ka akhriyaa, Af-somaaligu wuu ku adag yahay. Kama hadlo barnaamij siyaasi ah, dhibaatooyinka dalka ka jira , waciy-gelinta diiwaangelinta iyo waxyeelooyinka abaaraha. Inta badan ,wuxuu caayaa xisbigga oo ku sharaxanyahay iyo odayga uu la tartamaayo. Waa badawnimo siyaasadeed iyo dhaqan liita.Hadaba, markii aan waraystay Musharax Maxmoud Xirsi, waxa lay sheegay in asalkeesu yahay ” Oromo-Ethiopian “ balse ku dhashay, kuna koray Somaliland” Walaahu-yaclam “. Waa Musharax la Muuseeyay oo la mustafeeyay.Hadaba, waxaan Saxaafada xorta ah ee Somaliland ka codsanayaa inay Musharaxaas kasoo saaran qolka madow , kana waraystaan taariikdeesa, aqoonteesa, kartideesa, barnaamijkeesa , xisbigeesa iyo waxa uu u caytamaayo. Haloo sheego saddexda Musharax ee kale inaanay caytamin, balse inay si ilbaxnimo ku jirto u tartamaayaan.
Hoodo Yusuf, UK, London.
yhoodo@yahoo.com