Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Md. Jamaal cali Xuseen ayaa ka hadlay Iibka iyo Hantida Qaran ee ma guurtada ah, sidoo kale-na waxa uu dhalinyarada reer Somaliland usoo jeediyey inay la socdaan xaaladda dalkooda

0
364

War Iskuma Hayaan Dhalinyaradda Somaliland Iyo Boobka Dalka Ka Socdaa… Odoyaasha Saleebaan Hogaaminayo ee Doonayo In ay Mar Kale Dulmi Ugu Hiiliyaan Xukuumadda Ku Meel Gaadhka aH “Jamaal Cali Xuseen”

Hargeysa(Warsugannews) Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Md. Jamaal cali Xuseen ayaa ka hadlay Iibka iyo Hantida Qaran ee ma guurtada ah, sidoo kale-na waxa uu dhalinyarada reer Somaliland usoo jeediyey inay la socdaan xaaladda dalkooda, fiiro gaar ahna uu yeeshan hab-dhaqanka Odayaasha uu Salaabeen Gaal ka mid yahay , waxanu sheegay inay gadoodsan yihiin dhamaan dhalinta dalku. waxa kaloo uu Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku waaniyey inay ka waantowdo biliqada Hantida dalka iyo kheyraadkiisa. Waxanu kashifay qorshe ay mar kale damacsan yihiin golaha Guurtidu. Jamaal Cali Xuseen oo qoraal kooban oo uu arrimahaas kaga waraamayo soo dhigay Barta uu ku leeyahay Facebooka ayaa uu qornaa sidan.

“War Iskuma Hayaan dhalinyaradda Somaliland dareen kooda dhabta ah iyo odoyaasha Saleebaan hogaaminayo ee doonayo in ay mar kale dulmi Ugu hiiliyaan xukuumadda ku meel gaadhka ah ee Siilaanyo Oo doonaysa inay si badheedh ah u iibiyaan Dhamaan hantidii qarankani lahaa Oo imika la maraayo Haamihii keydka shidaalka ( national security). Xukuumaddan wakhtigeeddii dhaafay Walee war uma hayso cadhadda iyo dareenka dhabta ah ee dhalinyaradda Somaliland ee bilaa shaqada iyo bilaa rajadda ah ee ay hantidoodii ku takri falayso habeen iyo maalin si badheedh ah ay Inta Xukuumadda ugu sareeysaa ugu hor boobayso. Walee war la Iskuma hayo Oo wax badso wax beel bay dhashaaye; Waar yaa tollow u nasteexeeya Oo ku yidhaahda ” Waar dalka sidan ka daaya kolay if iyo aakhiraba waa seegteene” Markan kacdoon Dhalinyaro ayeey xukuumaddani Halis u tahaye bal Weynu eegi halkuu kibirkaasi la maro”.

Warsugannews

warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here