Musharrax Muuse Biixi Oo Sheegay In Siyaasiyiintii Isbahaysigu Ahaayeen Ganacsato iyo Shaqaale Hay’ado Shisheeye Oo Xukumadda Kaga Soo Biiray KULMIYE

0
341

Musharrax Muuse Biixi Oo Sheegay In Siyaasiyiintii Isbahaysigu Ahaayeen Ganacsato iyo Shaqaale Hay’ado Shisheeye Oo Xukumadda Kaga Soo Biiray KULMIYE

“Waxaa La Leeyahay Somaliland Iyo Koonfurtu Ha Midoobaan, Haddana Waxaa La Kala Qaybiyay Koonfurtii, Waxaa Laga Sameeyay 5 Dawladdood,” Muuse Biixi

London(Warsugan) Hoggaamiyaha xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ahna musharaxa madaxweynenimo, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inaanay xisbigiisa ka tirsanayn badiba siyaasiyiintii isbahaysiga ee dhawaan ku biiray xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. Waxa uu ku dooday inay hore u ahaayeen ganacsadeyaal iyo shaqaale hay’addo iyo shirkadda ka shaqeeya, kuwaasi oo xilalka wasiirnimo ku noqday Kulmiye.

Guddoomiyaha oo BBC-da ugu waramayay Carriga Ingiriiska oo uu socdaal ku joogo ayaa sheegay in socdaalkiisu la xidhiidho xog waraysiga aqoon yahanka qurbaha jooga, islamarkaana uu kala hadlayo arrimaha xisbigiisa iyo xilliga ololaha ee la galay.

Musharax Muuse oo wax laga waydiiyay siyaasiyiinta xisbigiisa ka baxay ee Waddani ku biiray ayaa ku jawaabay “Horta dadkan ka tagay xukumadda, badankoodu hore umay ahayn hawl wadeenada Kulmiye. Waxay u badnaayeen dad iskood u shaqaysta oo ama hay’addo shisheeya sida Qaramada Midoobay, ama shirkaddo xawaalado ama Telefoonnada ah ka shaqeeya.”

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu tilmaamay sifaha ay ku soo galeen xisbiga Kulmiye “Markii xisbiga Kulmiye guulaystay ayay xukumadda ka soo qayb galeen oo Madaxweynuhu xilal u dhiibay. Markii dambe xilalkii Madaxweynuhu u dhiibay iyagoo xukumaddii ku ah ayay iscasileen,” ayuu yidhi Muuse Biixi.
Waxa uu sheegay inay jiraan xubno Kulmiye ahaa oo aanu magacooda xusin balse uu tilmaamay inay baarlamaanka ku jiraan “Way jiraan dhawr nin oo raggii xisbiga aha ka mid ah oo baarlamaanka ku jiraa, laakiin dadkan kale badankoodu waxay xisbiga ku ahaayeen xilkii xukumadda ee ay ka hayeen. Aniga waxba iskumaanu qaban, iyagaa doortay inay tagaan, iyagaa doortay inay meel kale tagaan, dee qofkuna waa u xor Ra’yigiisa,” ayuu yidhi Musharax Muuse.

Geesta kalena musharax Muuse Biixi waxaa la waydiiyay wuxuu ka yeeli doono haddii doorashada lagaga guulaysto, waxaanu ku jawaabay “Anagu waayo arag baanu u nahay in wax la doorto ama la waayo. Ma nihin dadka ay ku cusub tahay, dalkana in badan baanu soo joognay, waayo badan baanu ku soo marnay, wax walbana waxaanu ka horraysiinaa xisbi ahaan, danta qaranka. Kulmiye Sunne ayay u tahay in maanta oo aan anigu taaganahay iyo ka Barri iman doonaaba danta qaranka horumariyo.”

Ugu dambeyna waxa la waydiiyay qaddiyadda u dhexeysa Somaliland iyo Somalia, waxaanu sheegay in qorshaha Somaliland yahay sidii loo heli lahaa laba qaran oo daris ah, walaalnimana ka dhaxayso “Waxaa la leeyahay Somaliland iyo Koonfurtu ha midoobaan, haddana waxaa la kala qaybiyay Koonfurtii, waxaa laga sameeyay 5 dawladdood; dawladda Kismaayo, dawladda Baydhabo, dawladda Garoowe, dawladda Muqdisho iyo Madaxweyneyaal iyo wasiiro awoodda siman, markaa waxaa maalin walba la isku haystaa xuduudkii dawladdahaas, waxaanu qabnaa in Koonfurtu mid noqoto,” ayuu yidhi Musharax Muuse Biixi.

XIGASHO WARGEYSKA WARSUGAN
warsugannews@gmail.com
warsugan15@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office