Muwaadin Mohamed Omar Sammo oo 17 bisha May lagu soo casuumay Buckingham Palace ayaa fursad u helay in uu qadiyada Somaliland Gaadhsiiyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Britain

0
418

Muwaadin Mohamed Omar Sammo oo 17 bisha May lagu soo casuumay Buckingham Palace ayaa fursad u helay in uu qadiyada Somaliland Gaadhsiiyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Britain

London(Warsugannews)Muwaadin reer Somalilnad ah oo ku nool Dalka Britian ayaa 17.5.2016 lagu soo casuumay aqalka boqortooyada Britian ee Buckingham Place aya isaga oo ka Faaidaysanaya Fursadaa dahabiga ah Gaadhsiiyay Qadiyada Somalialnad Dhaxal Sugaha Boqortooyada Britian Prince Charles.

Maxamed Sammo oo aan Arintaa wax ka weydiinay mar aan la xidhiidhi ay ayaa nooga waramay sida wax u dheceen.

“Walal waxa aan ka qaybgalay oo laygu soo casuumay xalfad balaadhan oo ilaa 5000 oo qof oo ah dad magac ku leh UK ay kasoo qayb galeen. Xalfada waxa qabtay Prince Charles oo u qabtay sanad guurada 40aad ee kasoo wareegtay hay’ad uu iska leeyey isagu oo lagu magacaabo Prince’s Trust Charity. Hay’adan oo aan hore ugu shaqayn jiray una ahaa young ambassador ayaa waxay ka shaqaysaa sida dhalinyarada dhibaatesan ee wadankan loo caawiyo.

Kadib walal aniga iyo gabadh heesa ah oo lagu magacaabo Pixie Lott iyo dhowr qof oo kale oo weriyayaal ah ayaa nasiib u helnay in aan Prince ka kusoo dhoweeno masraxa. Markii uu aniga isoo gaadhay ee aan is gacan qaadnay ayuu igu yidhi ma waxaad ka timi Somalia? Waxan ku idhi may ee waxan ka imi somaliland oo ah weli ba meel aad beri haysan jirteen oo aad imika dayacdeen. Wuu qoslay wuxuna si kaftan ah iigu yidhi: “weli miyay wax cadaawad ah noo hayaan” oo uu ula jeeday gumaysigii kadib. Waxan u sheegay in hada aanu nahnay Dawlad madax banaan oo la soo noqotay xoriyadoodii lkn caalamku dayacay. Waxan ka codsaday in uu hanbalyada 18 May ila wadaago aniga iyo shiciba reer somaliland wuxuna si heer sare ah iigu hambalyeeyay maalinta madax banaanideena. Isaga oo guul u rajaeeyey Somaliland.” Maxamed Cumar ayaa ka Mid ah dhalinyarada Reer Somaliland Ee ku dhaqan qaradan Europe khaasatan wadanka ingriiska Ee dadaalka aan kala go’a lahayn Mar walba ku jira taas oo aad odhan karno waa guul usoo hoyatay dhaman dhalinyarada reer Somaliland iyo qarankaba in la helo dhalinyaro wax la qaybsada bulshada ay ku dhex nool yahiin 13236082_1305279592819756_1283340631_n

13242228_1305279746153074_820887149_o

13271935_1305248066156242_1113776787_o

13275132_1305279706153078_1842169251_o