Qodobka 136 aad :
Dhaarinta xildhibaanada la doortey ee golaha wakiilada.
1- Ka dib ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah, Maxkamadda Sare aya cayimaysa taariikhda dhaarinta muddo aan ka badnayn todobada casho gudahood oo ka bilaabmanta maalinta natiijada rasmiga ah lagu dhawaaqay. Waxaana lagu dhaarinaya xubnaha golaha wakiilada ee la doortey xarunta golaha waxiilada si waafaqsan Qodobka 129 ee dastuurka qaranka.
2-Kulanka dhaarta waxa furaya, hoggaaminayana Guddoomiyaha Maxkamadda Sare sida ku cad qodobka 44 ( 3 ) ee dastuurka.
Bal ka dastuurkana eega :
Qodobk 44 aad ee dastuurka Somaliland :
Isugu yeedhida golaha cusub
1-Golaha cusub wuxu qabanayaa fadhigisa ugu horreeya 30 casho gudahood oo ka bilaabmaysa maalinta lagu dhawaaqo go’aamada doorashada; ( Halkaa ma cadda, ma maalinta ( 6 June, 2021 ) guddiga doorashada ku dhawaaqda ee natiijada hordhacda mise wa maalinta maxkamadda sare ansixisa, 7 July, 2021 ?? ) Waxaana isugu yeedhaya madaxweynaha.
2-Haddi Madaxweynuhu isugu yeedhi waayo, golaha ayaa u kulmaya iskii maalinta 45 aad laga bilaabo maalinta lagu dhawaaqo go’aamada doorashada
3-Golaha cusub waxa furaya guddoomiyah Maxkamadda Sare oo dhaarinaya xubnaha. Markaa waxa guddoominaya shirka xubinta ugu da’da weyn; waxaana goluhu iska dhex dooranaya guddoomiyaha iyo laba guddoomiye ku xigeen.
Xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga Ucid
Eng. Bashe C Gaboobe