Xisbiyada Mucaarad oo maanta magalada Hargeisa Qado Maamuus ugy sameeyay.

0
432

Hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ee UCID & WADDANI ayaa maanta hadhimo sharafeed sagootin ah u sameeyey Safiirka Midowga Yurub u qaabilsanaa Soomaaliya & Somaliland Danjire Nicolas Berlanga oo ay dhammaatay muddaddii shaqadiisa.

Hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI ayaa si qoto dheer uga mahadceliyey Danjire Berlange kaalintii uu ka geystay qabsoomidda doorashadii isku sidkaneyd ee ka dhacday JSL 31kii MAY 2021, iyo sida oo kale kaalmada dhaqaale ee ay Midowga Yurub ku bixiyaan mashaariicaha horumarineed ee laga fuliyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambeyn, Hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa ku dardaaray Danjire Berlnage in ay halkaa ka sii wadaan kaalmada iyo taageerada Midowga Yurub ay la barbar taagan yihiin Jamhuuriyadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here