Muxuu Yahay Heshiiska Ay Kala Saxeexdeen Doorashooyinka Iyo Madaxda Xisbiyadda??

0
315

 

Madashan Xeerka Anshaxa lagu kala sixiixday laguna daahfurey dhaqangelintiisa ayaa ay soo qabanqaabisay Dallada Guud ee Bulshadda Rayidka ah ee SONSAF.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Mudane Eng. Abdirashid M. Cali oo madasha ka hadlay ayaa xusey muhiimada Xeerka Anshuxu u leeyahay Doorashada Isku-sidkan isagoo sidoo kalena u mahadceliyay Saraakiisha iyo Garyaqaanada Komiishanka doorashooyinka oo iyagu hawl weyn ka qabtay dhammaystirka X. Anshaxa iyo sidoo kale Mas’uuliyiinka Axsaabta Qaranka iyo daladda SONSAF iyo waliba dhammaan dhinacyada kala duwan ee la shaqeeya Komishanka.

Munaasibadan oo goor dhawayd lagu soo gabogabeeyay Hargeysa ayaa dhammaan dhinacyadii kasoo qaybgalay muujiyeen niyadsamaan iyo farxad iyagoo xusey siday uga go’an tahay in gacmaha la isku qabsado hirgalinta Doorashooyinka Isku-sidkan ee JSL ka qabsoomi doona 31ka May 2021 Alle idamkii.

Munaasibadda ayaa KDQ ku ay si rasmi ah usoo xidheen iyagoo mahadna u celiyey cid kastoo qabanqaabadeeda kasoo qaybqaadatay oo ay ugu horeyso SONSAF.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here