Muxuu Yahay Qaloodka Bulshadeenna Haysta? W/Q: Cabdifataax Barawaani

0
233

Muxuu Yahay Qaloodka Bulshadeenna Haysta?

W/Q: Cabdifataax Barawaani

Lamtako – Ogos 24, 2021

Waayadii ay reer Yurubku ku soo duuleen carriga Soomaalida saskii bilaabmay ilaa iyo maanta waa uu ka dhex jiraa bulshadeenna. Saskaasi waxa uu sababay in oof ma guuraana oo dhanka fekerka ah uu kaga tago bulshada; oo aynnu wax kasta oo cusub oo aan dhalad ahayn ka didda sida xoolaha. Isma ogin; balse saska aynnu ka qabno wax kasta oo cusub waxa uu sababay in aynnu kala garan wayno waxa danteenna ah iyo waxa innagu liddiga ah. Wax inoo san iyo waxa inoo xun. Wax horumarkeennu ku jiro iyo waxa ba’eennu ku jiro. Hore iyo dhawaanahan ba, waxa Soomaalilaan aad indhaha loogu hayay weerarro isdabajoog ah oo dad Islaamiyiinta la garab ahi ku wadaan xarumo iyo dugsiyo u janjeedha dimuqraadiyadda iyo Galbeedka. Iyaga oo bulshada u bahalagelinaya, ugu na gabbanaya shaadh diineysan oo lamataabtaan ah. Asalka ba hannaanka waxbarasheed ee waddanku ma laha dhex guud oo awood leh; oo xukunta dhammaan dugsiyada iyo dalladaha waxbarasho ee dalka ka jira.

Muhiim ma aha in ay xukumaan, balse waa in aan bulshadu u kala qoqobnaan dugsiyadaas kala wada fekerka iyo danaha ah oo ay dawladdu taqaan sida dadkeeda loo baro waxa ay doonayso. Waaba haddii aynnu haysanno ama se ay jirto dawlad, haddiiba ay jirtana leh ujeeddo ay dadka wax u barto. Dhinaca kale in dugsiyo gaar loo leeyahay oo aan dhalad ahayn ay waddanka yimaaddaan, waxa u sabab ah kaalinta fashilantay ee dawladdu ku lahayd waxbarashada. Iyada oo ay jirto in badi nidaamyada waxbarasho ay dhismeen dawladda horteed; taas oo caqabad ku aha islajaanqaadka labada dhinac. Waddanka waxa ka jira dugsiyo dawli ah, dugsiyo diini ah, kuwo Turkish ah, kuwo Galbeedi ah, iqk. Bulshadu waxa ay noqotay wax sidii badda oo kale ah; qof ba meel ka darsado, oo qof waliba feker shisheeye inta uu soo xambaaro suuqa kala iibsiga iyo ka ganacsiga waxbarashada lagu loollamo. Shisheeyuhu waa dad isku tashtay oo dhismay, deedna ummadihii kale ee dunida ka hadhay oo aynnu ugu horrayno isku deyaya in ay fekerkooda iyo aragtiyahooda ka iibiyaan.

Innagu waxa aynnu nahay suuqa afkaaraha; ama si kale haddaan u dhigo dad mar ba fekerka iyo aragtiyaha cusub lagu tijaabiyo. Labada dugsi ee ugu waaweyni waa kuwo ku abtirsada Carabta; oo ay Islaamiyiintu gacanta ku hayaan iyo dugsiyada Galbeedka oo kooban, akhyaar bidix ahi na gacanta ku hayaan. Waxa se yaabka leh waxa uu yahay in aan laga sasin dugsiyadii bariga dhexe oo ka masuul ah xagjirowga feker iyo dhaqan ee bulshada maanta haysta ku dhowaad soddon sannadood ka badan. Cid ka hadasha oo dhaliilsan haddii la arkana, haddaan gacan loo la tegin waa ba uu nabadqabaa. Isla dadka taageersan in gacmaha laga dhaqmo kolka dugsiyada diinta ku gabbanaya la dhaliilo, ayaa maanta akhyaartii bidixda kula yaabban sababta ay u taageersanyihiin ‘cabudhiska’ lagu hayo dadka dhaliilaya dugsiyada u janjeedha felsafadda Gableedka.

– Adigu ba dharaaraad dhoosha ka qoslaysee

– In dhibta laysku eegtaa way naga dhexeysee

Sababaha ugu waaweyn ee keenay in dugsiyada Islaamiyiintu soo waarideen aan lagu xajiimoon oo laga sasin waa in loo geliyay shaadh diineed. Halista iyo bahalnimada ku hoosjirtana waa ta dibadda u soo baxday ee aan sacabbo lagu qarin karahayn. Dadku mushkiladaha tirada badan ee ka dhashay waa ay u jeedaan, haddana iskuma xidhi karaan oo dabarkii shaadhka ayaa weli haya garaadkooda. Qof kasta oo iska fura dabarkaas, waxa uu si weyn u arkayaa halista ay bulshadu dhex fadhido. Haddaba, dugsiyada Galbeedku ma kuwii loo baahnaa baa? Odhanmahayo oo kartidaa iyo dhiirranidaa ma lihi. Balse, dugsiyadaasi laba sababood oo waaweyn ayay waxtar inoo leeyihiin, diidnayaa ama yeelnayaaba; waa in aqoonta maaddiga ah ee badhaxatiran ardayda la baro, la dhaqanka dunida iyo isfahankuna u dheeryahay. Waa arday dhisan oo aan badidood lagu khasaarin, tayana leh. Waa dadka uu u baahanyahay haykalka dawliga ah madax ilaa minjo ee dhaqaajin lahaa.

Dhaliishooda waa ay leeyihiin, oo ay ugu horreyso in saameyntii waxbarasho ee Galbeedku ay lafaha kaga jirto, laakiin taasi kama halis badna ta maanta inna haysta ee badownimo iyo xagjirnimo isbiirsatay ah. Waa ta labaad e, dugsiyadaas Galbeedku waxa ay xididdada u siibayaan asalraacnimadii bulshada Soomaalida, oo wax badan oo khuraafaad iyo caado dhaqameed guun ah baa ay tirtirayaan. Si kooban waxa aan odhan karaa waxa ay abuuri karaan jewi iyo xaalad lagu helo bulsho casri ah ‘Modern Society’. Laakiin, hal ka mid ee aan dugsiyadaas iyo ardaydoodu ay tahay in laga helo, ama lagu qasbo, waa in la dhaladeeyo oo aynnu helno arday aqoon leh oo dhisan, balse waddankiisa iyo dadkiisa si fiican u garanaya oo aan heehaabayn. Macne ahaan, waa in aan ilmaha noloshiisa laga bilaabin maalintii dugsiga la qorey iyo maalintuu dhammeeyay, sidii qof ninkaa shisheeye ahi uu abuurtay ama isagu nolosha baray. Waa in uu ogyahay taariikhdiisa, waddankiisa, dadkiisa, diintiisa, shakhsiyaddiisa, dawladdiisa iyo mustaqbalkiisaba.

Dharaarihii waxbarashada casriga ah ee Soomaalidu bilaabmatay, gaar ahaan qeybtan Soomaalilaan, isla borobagaandadan ayaa lagu hayay oo mararka qaar gacmaha in laga wadahadlo gaadhi jirtay. Dadku in la gaaleysiinayo oo diintooda laga saarayo ayay moodayeen. Laakiin diin lagama saarin, oo dadkaas ummadda indhaha u ahaa lixdankaas sannadood waa ardaydii ka aflaxday dugsiyadii gumeystaha Ingiriisku dhisay ee Sheekh, iwm. Dadkii wax baa ay barteen, cidna diin lagama saarin oo ilaa maanta Muslinnimadii Soomaalida ee dugsiyadaas wax ka baratay waxba iskama beddelin.

Sidii looga soo doogay saskaas ee loogu arkay wax caadi ah dugsiyadaas iyo horumarkii uu gumeystuhu waday, ayaa maantana, muddo ka dib loogu arki doonaa dugsiyo la mahadiyay oo waxbadan ka taray aqoontii, wacyigii iyo horumarkii bulshadeenna. Hore waa in aynnu u derisno taariikhdeenna. Saskaas aynnu ka qabno wax kasta oo cusub innaga ma baxayo ilaa wacyigeenna ogaaleed iyo aqooneed uu koro; weliba si weyn u koro. Markaas ayay dhammaan ku-tiri-ku-teenta badan ee garaadkeenna lagu faafshay baabi’i doontaa. Soomaalida waxa loo arkaa ummad aan wax qori jirin taariikh ahaan, aqoonna aan lagu ogeyn, sidaas darteed, maaddaama oo aanay khibrad hore oo ay tixraacdo oo aqooneed iyo fekereed la hayn, waxan la kabkabayo ee lixdankii sannadood ee u dambeeyay inna soo galey waa aynnu ka qaloolaynaa. Ilmaha yar ee carruurta ahi kolka ugu horreyso ee uu la kulmo dad aan ahayn labadii dihatay, ama jaarku u yimaaddaan ama qaraabo kale, iyaga oo raba in ay arkaan, ku farxaan, wax siiyaan, ama dhunkadaan, waa uu ka cararaa, diidaa, waalidkii ku ordaa. Isla dhaqankaas ayay ummadaha bidaa’iga ah (Primitive Societies) leeyihiin. Waa dad u muuqda kuwo dunida ku cusub. Aadanuhu na waa la col wax uusan aqoon.

W/Q: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”
Email: barawaani@yahoo.com
Off. Email: barawaani@indheergarad.com

Attachments area

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here