Naanaysaha Soomaalida Iyo Sababahooda W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
1756

Naanaysaha Soomaalida Iyo Sababahooda
W/Q: Cali Cabdi Coomay

Dadyowga Soomaalida ah ee Geeska Afrika ku dhaqani waxa ay dhaqan u leeyihiin in ay naanayso isu bixiyaan. Naanaysuhu waxa ay ku baxaan dhawr siyaabood. Qaar waxa ay ku baxaan munaasibad uu qofku sameeyo dhacdo la-yaab ku noqota dadkii goobta joogay, oo ceeb iyo cambaraayn weyn u soo jiitada qofkaasi. Waana tii Soomaalidu hore u tidhi” Hebel meeshaa Naanays ayaa ka raacday.” Waxa aanay la mid tahay ceeb ayaa ka raacday. Qaar waxa ay ugu baxdaa qofka oo dhib bata, hadana abuura ahaan u kala dhiman, sida isagoo Il la’ ama lug la’.
Balse waa dembi in qof lagu naanayso abuurka Alle siiyey, waan tii hore loo yidhi” Abuur Alle iin ma leh.” Laakiin Soomaalidu waxa ay isku-sidkaan abuurka qofka iyo dhibta uu geysanayo, waa kuwii hore u yidhi” Balaayo lug la’aatay ama Il la’aatay”. Xigmadani waxa ay noqotaa laba arrimood. Kow, qofka dhib badnaan jiray ee ku il-beelay dhibtii, waxa la yidhaa” Balaayo il la’. Laba, qofka abuur ahaan laxaad kala dhiman leh, ee dhib badnaan ku darsaday, waxa ay yidhaahaan waa Balaayo lug la’, oo Ilaahay kamuu gardarnayn, haddii uu laxaad dhan yeelan lahaa ummadda wuu dhibi lahaa. Soomaalidu inta badan Naanaysaha iskuma caddayso ee way isku xamataa, waa tii Islaantii Riwaayada ku jirtay tidhi” Iimaan Horor waa lagu xantaaye hoos ugu dhig, ha ku caddayne.”
Naanaysaha Iyo Qaybahooda
Afka
Af-jar, Af-waranle, Afey, Aflow, Af-taag, Af-yare, Af-gaab, Af-weel, Dacay, Faruur, Af-gashaantiile, Af-guduud, Af-weyne, Af-lahaar, Af-case, Af-qallooc, Af-tuubo, Af-dheere IWM.
Gacmaha
Gacmo-dheere, Farey, Faro-cadde, Gacmo-gaab, Fara-badane, Guray, Far-taag, Lixle, Laba-suul, Suuley, Far-xuunsho, Faroole, Faro-baasto, Faro-biid, Gacan-sibidh, Far-low, Gacan-qallaf IWM.
Dhagaha
Dhago-cadde, Dhago, Dhago-laab, Dhegay, Dhago-weyne, Dhago-badan, Dhago-qool, Dhago-laash, Dhag-dheer, Dhago-boole, IWM.
Indhaha
Indho-taag, Indho-cadde, Indho-god, Indho, Indho-ceel, Indho-yare, Indho-deero, Indho-biyo, Indho-Indho, Iley, Il-qarsade, Il-dab IWM.
Sanka
Sanyare, Sanka, Sanjab, Sanwaa, Sandoon, Saney, Sandheere, Sanweyne, Sanqoolle, Sanbaloolshe IWM.
Luqunta
Qoorgaab, Qoordheere, Qoormadoobe, Qoorey IWM.
Caloosha
Calooley, Xaydh, Dibir, Kiish, Daaco-weyne, Xoqosho-weyne, Sagaal-bilood IWM
Lugaha
Wagad, Cago-weyne, Cag-jar, Cag-madhige, Suul-dheer, Laangadhe, Lugey, Qallaaf IWM.
Midabka
Casoowe, Caddaani, Casaanyo, Cadde, Madoobe, Diir-qadhaadh, IWM.
Hab-dhaqanka Qofka
Qoslaaye, Hadliye, Muran-jecel, Gacan-ka-hadle, Muran xoojiye, Dhakhtar, Oodan, Keli-socde, Fadhi-badane, Hurdaaye, Xaflad-dayday, Xarago, Xan-jecel, Saq-dhexe, Habeen IWM.
Naanays-Xawayaan
Hebel-shabeel, Hebel-dhurwaa, Hebel-dacow, Hebel-waraabe, Hebel-faras, Hebel-haad, Hebel-xoor, Hebel-cawl, Hebel-xuunsho, Hebel-gorgor IWM.
Naanays-waddameed
Hebel-talyaani, Hebel-jarmal, Hebel-ingiriis, Hebel-jabaan, Hebel-kuuriya, Hebel-suudani, Hebel-carab, Hebel-ruush, Hebel-tansaani, Hebel-yamani, Hebel-cumaani IWM.
Timaha
Timo-cadde, Timo-cad, Timo-weyne, Timo-case, Bidaar, Fool-dhaqweyne, Timo-dheer, Timo-jilic IWM.
Madaxa
Madaxey, Madax-yar, Dhakaar, Shan-dhako, Raas, Yaa caawinyaa?, IWM.

Cali cabdi coomay
Suxufi, Qoraa ah.
Haragaysa, Somaliland
calicoomay@hotmail.com