Duwalkii Caalamka ee Madaxda XISBIGA WADDANI kulamada is dabajooga ah kula qaateen dalka Kenya oo durba ka soo jawaabay dalabyadii Xisbigu u bandhigay ee ay ugu tunka weynayd asmada ka dhalatay abaarta baahdan ee ku dhufatay Gobolada SOMALILAND.
7,000,000 £ Todoba Million Oo Lacagta Giniga Ingiriiska ah waxa Ku yaboohday Dawladda UK .
Halka 5,000,000 & Shan Million oo Dollar ay Ku deeqaday Dawladda GERMANY .
Dhanka Kalena waxa waxa soo afmeermay kullan dhexmaray masuuliyiinta xisbiga waddani iyo safaaradaha dalalkan hoos ku xusan “Mar dhawayd waxaa soo xidhmay shir ay isugu yimaadeen dhammaan safaaradihii aanu kulamada la yeelanay ee kala aha dalalka, USA UK, France, GERMANY DENMARK UNITED NATION , EUROPE iyo IGAD waxaana loo qabtay shirkan abaaraha SOMALILAND
Shirkan deg dega ah waxa lagu go’aamiyay in wafdi dag dag ah loo diro dalka SOMALILAND muddo laba cisho gudahood ah, wafdigaas oo ugu horreyn ka degi doona magaalada Hargaysa ee Caasimadda dalka .
Lacagta kor ku xusan waxa ku deeqay dalka U.K. Iyo GERMANY dhammaan dawaladaha kalena balan qaadyo deg deg ah ayay soo wadaan
Wafdiga XISBIGA WADDANI ee ku sugan Nairobi waxay ugu baaqayaan Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE in aanay ka hinaasin dedaalka Xisbiga WADDANI ugu jiro dalkiisa iyo dadkiisa abaaruhu aafeeyeen, ayna soo dhaweeyaan wafdiga miisanka leh ee ku soo aadan dalka waayo dhammaanteen waxaynu u shaqaynaynaa shacbigeena oo u baaha