Neymar oo SHIL galay ka hor kulanka caawa ee Real Sociedad….(Waa sidee xaalkiisa?)

0
335

waaxa qoreya yaasir br

Neymar ayaa shil la galay baabuurkiisa qaaliga ah ee Ferrari mar uu ku sii jeeday garoonka diyaaradaha ka hor kulanka caawa ay la yeelanayaan kooxda madaxa adag ee Real Sociedad horyaalka La Liga.

Xiddiga reer brazil ayaa khatar ku galay inuu seego duulistooda San Sebastian kaddib shil uu la galay baabuurkisa Ferrari ee nuuciisu ahaa 458 Spider en route, balse nasiib wanaag waxaa bad-baadiyay shaqaalaha Barca oo u qaaday garoonka.

Kooxda xafidaneysa horyaalka La Liga ayaa wajaheysa caawa Real Sociedad iyadoo ku rajo wayn inay markeedii ugu horreysay guul uga soo gaarto garoonkooda muddo sagaal sano kaddib, waxayna ku tiirsanaan doonaan Neymar haddii ay doonayaan inay soo af-jaraan rikoodhka xun ee halkaa ka yaala.

Inkastoo ay jirto in baabuurka Neymar uu inta badan ka bur-buray dhanka bidix isla markaana ay u dheer tahay jah wareerka shilka ayay misane jariiradda Sport sheegeysaa in 24-jirka aysan gaarin wax dhibaato ah isla markaana uu diyaar u yahay inuu garoonka ka soo muuqdo kulanka caawa.

Neymar ayay ku xun tahay sheekada waayahan kaddib wararkii soo baxay dhawaanahan ee dalbayay in xabsiga la dhigo muddo labo sano ah kaddib musuq laga sheegay lacagihii uu ugu soo biiray Barcelona waxaana midaa u dheer inuu gool dhalin la’yahay 6-kulan.