Nin Walba Ninbuu Doonayaa Inuu Dilaalaaye Aniguna Dadkaas Ayaan Rabaa Inaan Dabiibaaye

0
353

Nin Walba Ninbuu Doonayaa Inuu Dilaalaaye Aniguna Dadkaas Ayaan Rabaa Inaan Dabiibaaye

Salaan kadib waxa iga afeef ah in lagu ixtiraamo qof kasta oo inaga mid ah lubbigiisa iyo nabdigiisa wixii liqdaaraya ee ku ligan si loo helo xal waara iyo isku laab xaadhnaan.
Hogaamiye waa ka awooda u leh inuu saadaaliyo waxa dhacaya bari isla markaana awooda u leh hadhawna uu sharaxo sababta ay u dhici waayeen wixii uu saadaaliyay waa se marka uu helo ummad kula dhiirata waydiinta sababta ay u dhici waayeen.
Midna waan ogahay geedi galinta fikirka xorta ah iyo dooda oo tubteeda sharciga ah la mariyo habaar ayaa inagaga dhacay, bulshana waxay ku tis qaadaa labadaas oo xeer iyo qodob lagu jirrabay ee taas ha la ogaado.
Marka ay doodayaan hogaan iyo umadii dooratay ama uu magaceeda sitayna waxay u baahan tahay carroog xaga ugu addima oo runta iyo beenta u kala bayaamiya ee uma baahna casaabad cunaha iskaga duubta hogaanka una dhaxaysa taliyeyaasha iyo loo taliyeyaasha waa sidii uu yidhi abwaankii weedhsame ee “nin waliba ninbuu doonayaa inuu dillaalaaye aniguna dadkaas ayaan rabaa inaan dabiibaaye”.
Waxa dhab ah in curufiga hogaanka dhalinyarta gaashaanbuureed hagaasay oo uu wali caato yahay kuna cuyuuban yahay kobtii lagu yagleelay, waxa mudan in aynu is waydiino su,aashan muxuu la kori la yahay ururka danjire ” DDO” ?.
aniga fikirkayga sababta ugu wayni waa qodobadan hoos ku qoran:-
1:- inaad wax umadi leedahay isku aragto inaad kaligaa leedahay.
2:- ururkii oo noqday meel ama tuul lagu bur buriyo dadka hawl karka ah ee reerka.
3:- ururkii oo noqday meel lagu kala qaybiyo dhalinta oo qaarna loo bixiyey “murabiinta” sidii fircoon qaarna loo takooray sidii reer banuu islaa’iil.
4:- ururkii oo ka leexday majarihii loo sameeyay una afduuban casaabad tiro yar oo ku kooban shakhsiyaad.
5:- gudiyada ururka danjire oo markii la dooranaayay aan loo marin sifihii sharciga ahaa dhalinyartuna aanay iskugu iman meel lagu dooranaayay.
6:- ururkii oo noqday urur “NGO” ah ama faa’ido doon ah oo aan ahayn ururkii gaashaanbuur dhalin yarteeda ka dhaxeeyay oo laga ansixiyey wasaarada qorshaynta qaranka jsl.

Guntii iyo gaba-gabadii waxaan talo ahaan soo jeedin lahaa maadama ay cadahay dhamaan asbaabaha sare ku xusan oo dhami oo ay gudidiina ku fashilmeen in ay dhalinyaro ay isu keenaan haba joogtee ay kala kaxayn bilaabeen talooyinkan soo socda:-

A) in ay gudidu gabi ahaanba ay iscasilaan oo ay iska casilan xilkii ay dhalinyarta u hayeen ee madawga lagu doortay.
B) in dhalinta gaashaanbuureed iskaga timaado oo ay doortaan cida ay u arkaan hogaan wadi karo oo lagu kala saaro hal cod hal dheeri ah.
C) in ay gudida guud ee gaashaanbuureed arinkan dhalinyarta soo dhexgasho oo ay kala gaadho dhalinyarta inta aanu hadafku xumaanin.

Wa bilaahi tawfiiq.
Dr/Garyaqaane Shaafici Cabdi Haybe “Adde”.