Noocyada Ay Isku Jiraan Deeqo Ay Dawlada Itoobiya Ugu Deeqdey Dadka Ay Abaaruhu Ku Dhufteen Ee Reer Somaliland +Wasiirka Madaxtooyada Ka Warbixiya

0
363

Dawlada Itoobiya ayaa waxaa ay dadka reer Somaliland ee ay abaaruhu ku dhufteen ay ugu deeqday deeqo kala duwan oo isku jira raashin iyo caws .
Wasiirka madaxtooyada Somaliland ayaa galabta sidaasi warbaahinta u sheegay waxaana uu u xaqiijiyey in dawlada Itoobiya ay shacabka reer Somaliland ay abaaruhu ku dhufteen ugu yaboohdey raashin gaadhay 3000 ( Saddex Kun Oo Tan ) iyo calaf waxii ay awoodaan waxaana uu yidhi

” Wasiirka arimaha dibada Somaliland isaga oo dalka Itoobiya ku sugan waxaa uu maanta la kulmay wasiirka khaarijiga dalkaasi ,waxaana uu u bandhigay xaalada abaarta , kaalamo ayey dawlada Itoobiya weydiisaney waxaa ay inoogu yabooheen3000 (Saddex Kun Oo Tan oo raashin ah )iyo calaf waxii ay ina siin karaan ” ayuu yidhi wasiirka madaxtooyadu