Noocyada Hagardaamooyinka Tahriibka – W.Q. Cali Cabdi Coomay

0
511

Noocyada Hagardaamooyinka Tahriibka – W.Q. Cali Cabdi Coomay

Hadimo Nafeed:

qofka bini’aadamka ahi, waa shayga ugu qaalisan adduunka guudkiisa, haddii uu ka dhinto qoyskiisa marna suurtogal maaha inay soo ceshadaan qofkii dhintay, waxa kasta oo ay sameeyaan. Ha noqoto hanti ama awood kale oo ay leeyihiin. Dhimashadu waa xaq qof kasta oo dunida guudkeeda jooga saaran, goortay doonto ha ahaatee. Waa arrin murugo weyn leh inuu qofka tahriibayaa naftiisa ku biimeeyo inuu irsiq ku helayo haddii uu sidaasi yeelo. Risiqa Alle kuu qoray meelna kuguma seegayo, addunka ka tegimeysid ilaa aad cuntid risiqii Alle (SWC) kuu qoray.

Dadka waxa lagu rarayaa baabuur sida xoolaha loo raseeyey, oo dusha sare ay ka ilaalinayaan niman naxariis darini (Xaraasiin), qofkii madaxa dhaqaajiya garaac ku bilaaba

Dad fara badan oo lagu guro koontiinaro oo laga ilaaliyo meel ay ka qaataan neefta, laguna dhaafiyo xuduudaha ay askartu joogto. Qaarkood koontiinarka dhexdiisa ku dhintaan.
Gaadhi xamuul ah oo sida raashin oo dad laga saaro xaga sare laguna raseeyo, ka dibna shiraaq lagu xidho, oo qofku aanu meelna u ruqaansan Karin. Qaarkood naqaska ayaa ku dhiga amma way curyaamaan. In badan baabuurka ayaa la qalibma oo raashin iyo alaabooyinka kale ayaa laaya.
Gaadhigii siday raashinka ee la soo raseeyey ayaa saxaha ku banjara amma mashiinku ka xumaado. Ka dib ay isku dayaan inay saxaraha lugeeyaan halkaasina kolba mid ugu dhintaan harraad iyo gaajo. Marka dambena meydadkooda waxa aasasa dabaylaha saxaraha ee siigada wata. qaarkood kaadidooda ayey cabbaan, halka qaarkoodna kaadidooda ku qooyaan ciida oo raashin ahaan u cunaan.
Dadka qaarkii waxa lagu xidhaa xabsiyada dalalka ya sii dhexmarayaan, halkaasina waa lagu iloobaa. Haddii ay ku dhexdhintaan si yar oo fudud ayaa meydadkooda loo soo saaraa, waxaana si hoose looga iibiyaa dhakhtarada si loogala baxo xubnaha mihiimka ah ee jidhkiisa.

Dhibta u gaarka ah dumarku way badan tahay. Hablaha soomaalida ahi way ka qurux badan yihiin dumarka dalalka timo-adagtu ku dhaqan tahay, taasina waxay soo jiidataa ragga madow ee ma-gafayaasha ah amma askarta ilaalisa xuduudaha dalalkoooda. Mar kasta oo ay qabsadeaan hablaha soomaalida markaba waxay ku bilaabaan kufsi iyo faraxumayn joogto ah. Weliba way sii kala daran yihiin waxa ugu sii daran kuwa cawaanka ah ee ku nool meelaha ka baxasan magaalooyinka, kuwaasi oo hablaha ku xidha xero, markaasay lugaha ka xidhaan, markay u galmoonayaan bay ka furan, ka dibna way xidhaan. Halkaasina waxay kaga dhalaan carruur qurux badan oo aanay weligood dhalin.

Ragga soomaalida ah ee la socda hablaha soomaalida, iyaga laftooda kama madhna inay hablaha kula kacaan fara xumayn. Inta badan waxay ka faa’idaystaan baahiyaha gabadha haysta, taasi bedelkeedana waxay ka fushaan galmo dani keentay.
Markay Liibiya gaadhaan waxa muddho yar ka dib la raacaa doon ka samaysan bac amma loox. Waxaana lagu raraa dad tiro dhaafay oo dusha sare ay ka ilaalinayaan kooxihii doonta soo raray oo qofkii dhinac u durka madaxa ka garaacaya. Markay doonta marayso baddweynta ayuu culaysku ka bataa markaa bacdii amma looxii ayaa qarxaya amma kala data, halkaasina intooda badani way ku qudh-baxaan

Hadimo Qoyseed

Dhaqaale burbur ku dhaca qoyska : reerkii aan haysan wax hanti ah waxay dantu ku kaliftaa inay xarashaan gurigii ay ku jireen, si ay u badbaadiyaan ubadkooda gacanta ugu jira Ma-gafaha aan diin iyo dadnimo toona aqoon, oo lacag keliya yaqaan.
Qoys burbur ka dhexqarxa Hooyada iyo Aabaha: sida la wada ogyahay hooyadu way ka naxariis badan tahay aabaha, sidaa darted ma-gafuhu wuxuu inta badan la soo xidhiidhaa hooyada si ay u soo dirto lacag u dhexaysa saddex kun ilaa shan kun oo doolar. Ka dib hooyadu markaba waxay go’aaan ku gaadhaa inay lacagtaasi la helo meel kasta ha laga keeno, halka aabuhu dood ka keeno. Halkaasina waxa ka abuurma khilaaf weyn oo mararka qaarkood ay ku kala tagaan.
Qoyskii haddii ay celcelis ahaan ka tahriibaan todoba wiil amma gabdhood sannadkii o ma-gafuhuna mid kasta ka dalbado lacag dhan laba kun oo doolar waxay noqonaysaa 7 meelood oo mid kastaa tahay $2,000= $14,000. Haddii ay dhawr sanno noqoto way ka sii badanaysaa. Halkaasin waxa adhaxda kaga jabay dhaqaalihii qoyska
Marark qaarkood amma inta badan in ma-gafaha lacagta lagala raago amma la siin waayo, ka dibna uu laayo dhalinyartii. Markay hooyadu maqasho in la dilay inankeedii amma inanteedii inay is-dhaafta maskax ahaan amma toos u waalato. Halkaasina way ku weydo xiskeedii ilaahay siiyey.
Qoysaska qaarkood ayaa soo xaraasha geel, adhi iyo lo’ ka dibna u dira ma-gafaha halkaasina ku caydhooba oo magaalada soo gala iyagoo faramadhan.

Hadimo Qaran

Dalkii oo dhalinyartii ka dabargo’do, oo ay isku soo hadhaan da’dhexe iyo waayeel
Dhalinyartii dhammaysay jaamacadaha dalka oo ka yaacay amma tahriibay, taasina waxay keenaysaa inuu aqoonyahankii dabargo’o, gaar ahaan dalalka afirka waxa lagu sheegaa inay ka haajireen dadkii wax garadka ahaa taa bedelkeedana ay ku soo hadhaan dad wax-ma-garato ahi.
Markii ay dalka ka baxaan dadku waxa soo hadhay dad wax ma garto ah, markay dalka madax ka noqdaan waxay shaqadii qaranka ka dhigaan mid habacsan oo aan shaqaynayn. Aakhirkana waxay ku kacaan musuq maasuq, qabyaalad, nin jeclaysi iyo halaag.
Bedelkii dadkii ka baxay dalka waxa boosaskoodii soo buuxiyey dad shisheeye oo aan dalka u dhalan. Sida Itoobiyaan iyo kuwa ka soo haajiray dalalka geeska afirka.
Dabar go’ muwaadin ayaa dhacaya oo dadkii shisheeye markay qabsadaan shaqooyinkii iyo ganacsigii waxa dhacaysa inuu dalku u gacan galo shisheeye oo qoomiyado kale waddanka maamulaan.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, Qoraa ah.

Haragaysa, Somaliland

calicoomay@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here