Nuxurka Kulan Ballaadhan oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland la yeeshay Ganacsatada dalka

0
50

Nuxurka Kulan Ballaadhan oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland la yeeshay Ganacsatada dalka.

 

Hargeysa-25-12-2023-(WMG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay kulan ballaadhan  oo lagaga doodayey sidii wada-jir loogaga tashan lahaa duruufaha kusoo kordhay isu socodkii ganacsiga ee mandaqadda badda cas la yeedhay ganacsatada kala duwan ee dalka.

 

Kulankan oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyada, islamarkaana ay madaxweynaha ku wehelinayeen wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, horumarinta maaliyadda, Xannaanada xoolaha iyo Horumarinta reer Miyiga, shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska, wasiir-ku-xigeenka wasaaradda ganacsiga, guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo xubno kale, ayaa diiradda lagu saaray sidii  looga dabbaalan lahaa saamaynta dhaqaale ee ka dhalatay duruufaha kusoo kordhay ganacsigii isaga kala gooshi jirey marinka badda cas, loona diyaarin lahaa  qorsheyaal midho dhal ah oo lagu maareeyo saamaynta ganacsiga ku soo korodhay ee nolosha bulshada taabanaysa.

 

Xubno kamid ah ganacstadii madasha ku sugnayd oo ay ka mid yihiin Mudane Yuusuf Ducaale Barre, Mudane Cali Cumar Guuleed, Mudane Maxamed Cabdilaahi  Mire, Mudane Maxamed Cali Xasan, Mudane Ismaaciil Cabdi Xasan,  Maxamed Shugri Jaamac iyo Cabdiwahaab Cabdiraxmaan Cileeye oo hadallada isaga kala dambeeyey ayaa soo jeediyey tallooyin iyo aragtiyo lagaga gudbayo duruufaha ganacsi iyo kuwa dhaqaale ee soo kordhay.

 

 

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacag Cali Shire, ayaa isaguna hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in ganacstada iyo xukuumaddu iska kaashadaan sidii loo heli lahaa talooyin lagaga gaashaanto saamaynta ka dhalatay duruufaha kasoo kordhay mandaqadda badda cas.

 

Madaxweynaha waxa uu ganacsatada uga mahadnaqay sida xushmadda leh ee u soo ajiibeen kulanka qaran ee loogu baaqay, waxana uu soo dhaweeyey soo jeedimaha iyo talooyinka cilmiga ku dhisan ee ku saabsan iskaashiga ganacsatada iyo dawladda.

 

Madaxweynuhu waxa uu xusay inay ka xukuumad ahaan ka go’an tahay in ganacsatada taladooda la weeleeyo, lagana wada tashado sidii loo yarayn lahaa caqabadaha iyo dhibaatada mandaqadda kusoo korodhay ee taabanaysa noloshada bulshada rayidka ah.

 

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu guddoomay soo jeedin la xidhiidha in la diyaariyo guddi isku dhafan oo xukuumadda iyo ganacsatada ka kooban oo xal waara ka keenta dhibaatada dhanka isu socodka ganacsiga iyo badeecadaha ee mandaqadda kusoo korodhay, waxana uu yidhi,“Ganacsato ahaan inaad guddidii soo xushaan la isu yimaaddo, dhaqaalihiina waxyaabo badan baa  dhacay ee sidee la yeelaa aynu wada-jir ugu soo saarno waa inoo guddoon.”

 

Ugu dambayntii, madaxweynaha qaranku waxa uu ganacsatada ku boorriyey inay door muuqda ka qaataan nabadgelyada iyo xasiloonida bulshada dhexdeeda ah, si ay uu isu socodka ganacsigu kor ugu kaco, horumarkuna u noqdo mid waara.

Wa-bilaahi Tawfiiq