Nuxurka Qoraal uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe u gudbiyey Xeer Ilaalinta, Maxkamadaha Dalka & Komishanka + cadaynta Arrimaha Xisbiga ee Shacbigu hadal hayaan iyo qoraalka oo muujinaaya Musharaxiinta dhabta ah ee Xisbiga UCID

0
809

Muxuu daarnaa Qoraal uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe u gudbiyey Xeer Ilaalinta, Maxkamadaha Dalka iyo Koomishanka + Warqadan oo cadayn u noqon kartar Arrimaha Xisbiga ee Shacbigu hadal hayaan iyo qoraalka oo muujinaaya Musharaxiinta dhabta ah ee Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka

Hargeysa(WARSUGANNEWS)-Waxanu halkan idiinkusoo gudbineynaa warqadii Heshiiska xisbiga Ucid taasoo uu gudoomiyaha xisbigu ku cadeeyey gudashada waajibadkooda xisbig kuna doorteen tartamayaashii xisbiga ee doorashada Madaxweynha, isla markana u gudoomiyaha Xisbiga Ucid, u kala diraayo Koomishanka Doorashooyinka Qaranka kulana socod siinaayo, in Xisbiga Ucid ay Musharraxiin uu yihiin, laba aqoonyahan ee Jamaal cali Xuseen iyo C/rashid Xasan Mataan.

Sidoo kale, waxa iyadan warqadan ku lamaan warqad kale, oo iyana uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid Eng Faysal Cali Xuseen, kaasoo qoraalkiisa ku muujiyey heshiiskii ay wada-geleen garabkii sibedel doonka Udub iyo xisbiga Ucid.

Waxa kaloo, heshiiskan sida ka muuqata lagu sheegay. Xilalka lagu ansixiyey shirkii golaha dhexe Ucid ku doorteen xilal badan oo ay kamid yihiin musharraxiinta xisbiga uga qayb galaaya xilliga doorashada madaxtimada oo ah sida aan kur kusoo sheegnay. waxa iyana qoraalka Faysal Cali Waraabe ka muuqda, xilalka la siiyey garabkii sibedel doonka UDUB.

Kuwaasoo kala ah, in garabka uu hoggaaminaayo Jamaal cali xuseen ay yeeshan xilalkan ka muuqda qoraalka Faysal. Sida Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga Ucid oo kal fadhigii shanaad ee Golaha Dhexe ee xisbiga Ucid lagu ansixiyey inuu noqdo Muj Cali maxamed Yuusuf Cali Guray.

Waxa kaloo qoraalka faysal ka muuqda, xoghayaha guud ee xisbiga Ucid inuu soo magacaabo Musharraxa xisbiga Ucid Jamaal cali xuseen sidoo kale, waxa uu ku sheegay in 100 xubnood usoo magacaabo oo golaha dhexe ah Garabka Jaamal cali Xuseen.

Hadaba u fiirso qoraalkii Faysal oo ku taarikhaysan, 28/10/2012.

1

2