Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Xamar U Maxaabsi Tagay Oo Quus Ka Taagan Ka Qayb Galka Doorashada Soomaaliya

0
448

Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Xamar U Maxaabsi Tagay Oo Quus Ka Taagan Ka Qayb Galka Doorashada Soomaaliya
Muqdisho(Warsugan) Siyaasiyiinta iyo Odayaasha is cumaamaday ee Xamar ku metela beelaha Somaliland ayaa quus ka taagan hannaanka loo qaybiyay kuraasta, kadib markii qaybo ka mid ah kuraastooda la siiyay maamulka Puntland. Waxay ku doodeen in madaxda Somalia oo ka soo wada jeeda beelaha koonfur dega ay ka taliyeen aayahooda, islamarkaana ay kuraastooda siiyeen Puntland, ilaa arrimahaasi la saxana aanay ka qayb galayn doorashada Somalia. Siyaasiyiintan ayaa caqabad ku ah gooni isu taaga Somaliland, maadaama mar walba ay ku doodaan inay midnimo ogol yihiin.

Suldaan Siciid Diiriye Maxamed oo ka mid ah odayaasha dhalasha ahaan ka soo jeeda Somaliland ee xula siyaasiyiinta Xamar u shaqo tagtay ayaa sheegay inaanay suuro gal ahayn inay doorashada Somalia ee bishan iyo ta ku xigta ka dhacaysa Somalia ilaa la saxo saamigooda.Waxa uu sheegay in masuuliyiinta xukumadda ugu jira, xildhibaannada, guud ahaan siyaasiyiinta iyo odayaashaasi heshiis ku yihiin inaanay doorashada ka qayb galin ilaa la saxo saamigooda.

Isagoo shalay ka qayb galayay dooda Jimcaha ee VOA-da waxa uu sheegay in Madashii qorshaysay saami qaybsiga iyo doorashada Somalia ee ka koobnayd madaxda Somalia iyo madaxda maamul goboleeda aanay jirin cid iyaga ku metelaysay “Madasha waanu ka maqnayn markii ay wax qaybinaysay. Kismaayo ayay ku shireen, waxaanay yidhaahdeen 11 xubnood aqalka sare ha laga siiyo gobollada Waqooyi ama Somaliland, haddii Soomaaliya wax qaybsanayso waxay garan waayeen madaxweynaha Somalia iyo Ra’isal wasaaruhu intaas aad adigoo Wariye Colaad ah garatay ee inta aad noo yeedhay wax na waydiisay, waxay garan waayeen inay xattaa wax na waydiiyaan,” ayuu yidhi Suldaan Siciid.

Waxa uu intaasi raaciyay inay ka go’an tahay ku adkaysiga inaanay ka qayb galin doorashadaasi “Waxaa la samaystay madal qoysas ah oo jufooyin ah oo koonfur khaas u ah, waxaa la qaybiyay anaga nama khuseeyaan ilaa aanu ka helayno waxaanu xaq u leenahay ama madal ha la soo celiyo ama jinni ha la keeno. Siyaasiyiintayada, odayaashayada iyo bulshadayada koonfur Somalia joogta ee Somaliland ka soo jeeda waanu ka midaysa nahay, waanu wada jirnaa xaqayaga ayaanuna doonaynaa.”

Waxa kale oo uu sheegay in kuraasta qabaa’ilka lagu qaybsaday haddana la leex saday “Soomaaliya waxa maanta yaalla, aqal sare ama aqal hoose waa xal ee wax xul ama xaq ah maaha, maadaama uu waxqaybsigu ku yimid 4.5 oo waxa kaliya ee wax lagaga bedeli karaana yahay doorasho hal iyo cod ah, anagu mawqifka aanu taagganahay waxa weeye in la saxo aqalka sare, ilaa la saxana kama qayb galayno doorashada,” ayuu yidhi Siciid.

Siyaasiyiinta iyo Odayaasha ka soo jeeda Somaliland ee sheegta inay Somalia ku metelaan beelaha Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyay quus ka muujiyay hammigooda, islamarkaana sheegay inaan muraad laga lahayn, kuraastana ay isku filaysiinayaan beelaha koonfur degan. Qaarkooda ayaa ka faa’iidaystay cafiskii madaxweynaha Somaliland u fidiyay, islamarkaana ku soo noqday Somaliland, halka inta kalena la dhawri doono todobaadada soo socda, maadaama aan rajo laga qabin in wax laga bedelo habka madaxda Soomaaliya u qoondaysay saamiga kuraasta, islamarkaana beesha caalamku ku raacday.