ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB 2016, Qoraa:- Dr. Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)

0
759

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB 2016, Qoraa:- Dr. Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)

Saadaasha xidiguhu waa mid lagu falan-qeeyo isbedelada cimilada, hawada, bad-maaxida, dowladaha, sidoo kalena ku dhaqan saadaashu waa mid ku salaysan qaab nololeedka bulshaweynta, kuwaasoo u sahamiya beerahooda, xoolahooda, iyo noloshoodaba, haddaba mar uu abwaan Xassan Xaaji Cabdilaahi “Gannay” uu kaga maansoonaayey Maansada Duufaan, taasoo uu u adeegsanayey dhaqanka iyo cimiga xidigiska ee dhinaca xoolaha iyo nooloha kale, gaar ahaan xiliga sumalka lagu daro idaha, wuxuu yidhi, “Dabtuurkoo arbaca galay idahayga dayrtii, darbanah shakaalani, danbarsamaha ma afuro, oo waxaan dib ugu dhigay, falaggaan dabci aqaan, xilligii uu di’I jiray inuu roob ka daba maray, waydaarshay daydana, waxaan uga danleeyahay, markuu cawl xilli u dayay dhadiguu dul-saarnaa, anniguna dadbaan ahay jiilaalna waa daah” Maansadan oo aan ka soo xigtay buugga “Bad Macaan” ee uu qoray Maxamed Ahmed Xassan (Qodax).

Somalidu waxay yidhaahdaan cawlku wuu u xidiga tirayaa wakhtiga uu u tagayo lamaanihiisa, haddase, waxay saynisyahanadu ogaadeen in ay jiraan dhadig ka mid ah noolaha duur-joogta ahi inay dib u dhigi karaan xilliga foosha haddii ay soo wajahdo xaalad abaareed.

Garasho Eebbaa iska leh, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, maamulkiisa iyo qadarkiisana cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe, Rabigeen ayey u sugnaatay aqoon iyo cilmiba, waxaanu ku tilmaamay Intuu adamihiisa ku manaystay wax kooban, Inkastoo arrimaha saadaashaa wax laga weydiiyo dad khibrad gaar ah u leh aqoonta saadaalinta.

Haddana Aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay aad u jecelystaan inay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, laakiinse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma adkeysan karaan haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo fool leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin ogaanshahooda.

Odoroska mustaqbalka saadaasha Sannadka Cusub ee 2016, haddaynu male aadame ku male’awaalno, waxay odhan jireen “ dadka ku xeel -dheerayaasha cilmiga odoroska xidiguhu:- Waxaan u eegay Mooro, Meere iyo Maalin, markaa Moorada Nayruus Jimcaad waxa loo nisbeeyaa ka labaad ee sawra waana burjiga dibiga oo ku aadan mudada u dhaxaysa 20/4-20/5, waa dhadig, waa laba maalinle, maalin axadeed buu leeyahay, godadka dayaxa uu ku leeyahay Laxmar, Agaali-cad, oo ku began xilliga badhtamaha gu’ga, waana arliyo, waxaana lala xidhiidhiyaa, Xamaasad iyo dareen kicineed leh, raadinta farxada, dul-qaadka, samirka badan, kuna dadaalaya ammaanka dhinaca dhismaha dhulka oo aan ka istaagin, aamin ah, oo leh baahi xoogan dhinaca ammaanka, isla markaana jecel oo joogteeya xalinta khilaafaadka xasaasiga ah, tayada go’aanka, sifaha loo nisbeeyo waxa lagu tilmaamaa, ku tiirsanaanta, xeerka, ficil celinta.

Faraxa Dayaxa burjigan waxa loo eegaa Afar waji, Wajiga Hore wuxuu ku leeyahay, Quruxda, quruxda labiska, rayraynta, riyaaqa, rabitaan, faraxa, jacaylka, kaftanka guurka, qoysnimada, haweenimadda, shaashaarida, dharka dumarka, galmada, lacagta, qalabka qoob-ciyaareedka, dheel-dheelka, maaweelada, dhaqankii hore, iskaashiga, wada-noolaanshaha, xidhiidhka, isdhexgalka bulshada, xarumaha bulshada, Macsiyada, farshaxanka, caddaaladda,.
Wajiga Labaadna waxa loo eegaa:- Isbedelka, aragtida, riyooyinka, walaaca, caafimaadka, midho-dhalka, dhameystirka, hooyonimada, haweenka, qoyska, dhalmada, dareenka, hibada-dareenka, lacagta, ilmada, fahamka deg-dega ah ee dareenka bulshada, fikradaha guud ee dadweynaha, baaxa-dega, Bad-maaxyadda, farsamo-yaqaanada qasabadaha, dadka caadiga ah, darajooyinka uu maro liska caanaha, taranka, koritaanka, wax-soosaarka, Khamiirinta, dareerayaasha, kal-kaalinta, dadka-guracan, go’aan qaadasho la’aan dhanka rayiga iyo fulinta, cabsida, tayadda maskaxda, dadnimada, caadaysiga dareenada dadka ku abuura khayaalka, dareenada khaldama ee keena kama’a humaag maskaxeedka.
Wajiga saddexaadna:- ciidammada, budhcad badeeda, dagaalka, dilka, dhiigga, halyeeyada, muranka, tamarta, gaadiidka, farsamo-yaqaanka dhismayaasha, hiliblayaasha, maamulka sare, maldahaada, hamadda, taranka, madadale, cayaaraha, qalliinka.
Wajiga Afaraadna:- Furriinka, carqalada, dhul-gariirka, xagjirnimada, qaniimada, soo jiidashada, xiisaha-badan, xorriyadda, isbedelka, cadhada, fusuqa, kacdoonka, isbedel- kacdoon, hadal-heynta fowdada , waxyaabaha naxdinta leh ee sida lama filaanka ah u dhaca, dhacdo uguba oo aan hore loo arag, wax-aan la saadaalin karin oo aan caadi ahayn, baadhid qotoda-dheer iyo aaladaha cusub.

Wuxuu si gaara u khuseeyaa dhinaca Awoodaha-: In la Joogteeyo dulqaadka iyo la xisaabtanka.
Arrimaha gaarka ahna :- wuxuu inagula talinayaa in ahmiyad-weyn la saaro dhinaca arrimaha dibada oo aanay noqonin mid madax-adayg, ka hor inta aanay sii kordhin caqabadah inagga horiman doona.
Wuxuu jecel yahay: barwaaqada, Lacagta, Cuntada wanaagsan, iyo cabitaanka, raaxada, daryeelaka xoriyada nolosha, dareemidaasi waxay haysataan jaar badan, xarrago, alaabta guriga u qurux badan, katiifadaha, jawi habboonaanta.
Waxaanu necebyaha:- Is-bedelka deg-dega ah, kuwa laxaadka la’a iyo Heehaabka.
Noolahana dadka (Insaanka) wuxuu ku sugan yahay waxa loo nisbeeyaa:- Xasillooni, kana maarmi Karin dareenkoodu xiisaha nolosha, waxay leeyihiin dabeecado deg-dega uu ku jiro oo fudud, haddana waa kuwo si fudud u hela farxad, sababtoo ah maaha qaar tartama, dabeecadooda dabacsan iyo dareenkooda guud ayaa u horseeda inuu ku hoggaamiyo dhinaca fulinta, waa kuwo leh samir-joogteyn ah, dadaalkana xooga saara, lehna adkeysi dhinacyo badan ah, waa kuwo degan oo leh habka fikir gaabis ah, laakiin waa kuwo markay hadlayaan bedela maskaxa-aadamaha, waxay nacaan isbedelka guud ahaaneed iyo go’aanada waaweyn ee dhinaca wadada-nolosha.
Jidhka Oogaddiisana wuxuu ka khuseeyaa qoorta, guddaha jidhkana waxa loo eegaa hunguriga iyo wixii la xidhiidha.
Cuduradana wixii la xidhiidha dhego-xanuun, fiixaha ka soo baxa cunaha ee la yidhaahdo (Goutres), barar ku yimaada qanjidhada qoorta, qanjo- xanuunka, macaanka, qalalka, cayilka “Buurnida” calool- istaaga.
Midabadana, wuxuu ku leeyahay midabka cagaarka, basaliga, huruuda iyo midabka buluuga ah, Macdantana, Dhaymanta “ diamond” Emarolka “ Emerald” Luulka iyo dhagaxaanta dahabiga ah ee la yidhaahdo “topaz iyo coral” , Dhagaxa, birta iyo cusbadana wuxuu ku leeyahay, Jaandiga, kaalshimka iyo sulphate potassium.
Dhanka shaqada waxa loo nisbeeyaa:- isbedelka nolol dhameystiran, khabiirka barwaaqada, Sidii loo ilaalin lahaa khayraadka dabiiciga ah. Si loo gaadho hiigsiga iyo in dadka kale la siiyo awood si ay u helaan nolol, Xirfadahana:- waxay noqdaan cunto-kariyaha, farshaxnaka,wakaaladaha qaranka, wakiilada guryaha, shaqaalaha kaydka lacagaha, saxeexayaasha, fanaaniinta.
Mandaqadana dalalaka : Switzerland, jasiiradaha Giriigga, Ireland, Cyprus, Iran. Russue, Caasimadahana: Dublin, Palermo, Parma, Luzern, Mantua, Leipzig, Saint Louis, Ischia, Capri.
Xayawaanka: Geeslayda Loda, Geedaha Cuntada: tufaaxa, canabka, baaradhada, midhaha la miiro, Digita, baderka, hadhuudhka, canbe-caadka, geedaha cuntada lagu iidaamo, caleenta shaaha, Geedahana kuwa uduga ee beenyada, ubaxa, Dhirtana kuwa laga sameeyo daawada, cuntadana waxa u wanaagsan in la isticmaalo cuntooyinka faa’iidada leh, sida , digirta iyo celery , aad ugu socon kara. Runtana Allaa Og.

Sannadkan cusub ee 2015, wuxuu Dayuxu ku curtay burjiga 9-aad ee liifato oo ah naari, waxaana la odhan jiray wuxuu lee yahay, Adkeysi jidheed iyo mid maskaxeed, waxaana loo baahdaa heshiis wanaagsan iyo waxqabad firfircoon, had iyo jeer jidhka iyo maskaxduba waxay u baahdaan inay si xoriyad ah u dhex-mushaaxaan rabitaankooda.

Inkastoo bulshadu aanay kala garanin dareenada xamaasada leh ee rajadeedu aadka u sareyso kala duwanaanshahooda dhabta ah ee ay leeyihiin xafiiltanka iyo xiqdiga aadamuhu, wada-xidhiidhka dadkuna waxay la kulmaan erayo la buubuuniyey, hab-dhaqanka wanaagsani iyo fur-furnaanshaha waxay horseedaan in kasbado saaxiibo badan oo ku xiiseeyaa, laakiinse saaxiibadaada dhabta ahi, waxay noqdaan wax yar oo kooban.

Mararka qaarkood waxa la dareemi doonaa in baahi loo qabo dhaqdhaqaaqa ama ururo kooxeed ka sameysma dareen shaqsiyadeed, waxaana haboon in la ogaado shaqsiyaadkaasi meesha ay ka socdaan iyo halka ay u socdaan, inkastoo haddana lagu tilmaamo in waxoogaa isbedelo ah oo illaa xad aan wanaagsanaynin uu ku yimaado maskaxaha aadamaha, gaar ahaan, madaxda iyo rajooyinka, sidoo kalena, waxay soo jeedin doonaan inay wax fiican ay wadaan, isla-markaana la aamino, wixii ay wadeena daruur kastana gudaheehada waxaad ka dhex-arkaysaa dahaadhka lacagta.

Wax kastoo dib u dhac innagu keena, kasoo kabashadiisu maaha mid sahlan oo isla-markiiba aad si fudud dib ugu soo bilawdo, nasiib-darro’se, waxa inta badan ku guul-dareysta, waa kuwa aan waxbaba ka baran khaladaadkii hore, dareenkaagu inuu wax fahmaa waa sax, laakiin waxa haboon ka hor inta aanay waxaasi dhicin wixii malahaaga ah inaad ka hadasho,

Waxa intaas sii dheer oo loo eegi jiray godka habeenkaa dayaxu fadhiyey, waxaana la odhan jiray;- haddii habeenkaas dayaxu joogo Burji Arliya ah, qabow iyo kulayl abaar iyo barwaaqo midna lagama sheegi jirin. Runtana Allaa Og.

Habeenka curashada Sannadka cusub ee 2016, Dayaxu wuxuu fadhiyey burjiga dabooje ee arliyo ah:- wuxuu leeyahay wajiyo badan oo ah dhinaca dhex-dhexaadinta, Qowlka saxda ah, iyo in la qabto waxyaabaha lagama maarmaanka ah ee taariikhiga ah, inkastoo lagu tilmaamo inuu leeyahay waxoogaa khatar ah.

Dayax labaatanaad waxa la filan jiray dayax madoobaad, waxa kale oo la filan jiray in maalmahani ay leeyihiin in dib u eegis lagu sameeyo wixii khaldamay, lana xaliyo muranadii jiray ka dibna la hagaajiyo camalka, xilligan qayb bay ka tahay billowga, la qabsiga caadeysiga, furniinka, walaaca, dhaleeceynta iyo caadooyinka xun ee aan loo baahnayn, waxa kale oo ay leedahay dareenka kicinta, go’aan qaadashada, ka hortagida, sameynta waxyaabaha aan la rabin, Xaaladaha aan loo baahnayn, daaweynta, ka fikirka dariiqooyinkii gaboobay oo la qabto.

Yoolkeedu waa: In billowga shaqaa oo laga saaro caqabaaha hortagagan, loona mahad-naqo wixii aad aad ku gaadhay hadafkaas, ee la xidhiidha koritaanka dhirta ka baxday beerta.
Dadka habeenkaa dhasha waxa la odhan jiray, waa kuwo digtoon, shaqo adag, xishoo badan, wax-tar leh, daacad ah, qabow, Aamin, nadiif ah, oo leh himilo mustaqbal, maskax-furanaan, wax fahmi kara, oo leh karti, dareen feejigan oo xad dhaaf ah, isla markaana si halis ah wax u lafa gura, macquul ah oo ku wanaagsan abaabulka, nidaamka, laakiin sidoo kale dareema cidhiidhi maskaxeed, xisaabtan, xajiimeyn, wer-wer, cabsi, la cadaadiyo, qabow ama kullul.

Dhanka wanaaga:- Waa kuwo had iyo jeer jecel in aan lala wadaagin sheekada, oo hamuun u qaba illaalinya iyo dhawritaanka deegaanka, isla-markaana leh falanqayn fiican iyo caqli wanaagsan.
dhanka mugdiga ah:- Waxay noqdaan kuwo leh qab, isla-weyn, gorfeeye, takoore, dawlad, suuban, saxane, oo gaadha guul la taaban karro, inta badan isticmaalida fikiradaha takoorista ah, isla-markaana horumaiye xirfadda naftooda.
Waxaanay noqdaan : Xisaabiye, xoghayaha, qorayaasha, saynisyahanada qalabka casriga ee lagu shaqeeyo, kalkaalisooyinka, dhakhaatiirta.

Burjigan waxa kale oo uu leeyahay wajiyo badan oo ah dhinaca dhex-dhexaadinta, Qowlka saxda ah, iyo in la qabto waxyaabaha lagama maarmaanka ah ee taariikhiga ah, inkastoo lagu tilmaamo inuu leeyahay waxoogaa khatar ah. Runtana Allaa Og.

Nayruuska Sannadkani wuxuu ku curtay maalin Jimcaad oo Arliyo ah, waana maalinta Lixaad, waxaana la odhan jiray maalin Jimcaad waxay leedahay, waa maalin u fiican in lagaga faa’iideysto wixii ku lug leh jacaylka, saaxiibtinimada, kalgacal, wada noolaansho, dib u heshiisiinta, , quruxda, is-dhexgalka bulshada, waana maalin u fiican lacagta, farshaxanka, quruxinta shaqada
Sannadkan Cusub waxa kale loo eegi jiray dhinaca hawlaha, awoodaha waxa soo gaadha waxyeelooyin, waxaana haboon in la iswaafajiyo inta u dhaxeysa dib u cusboonaysiinta uu ku noqonayo meeraha raage burjiga fushade iyo meeraha illi ma’qabatiga ee u socdaali doona burjiga habar-adhi, wuxuu si dhaqsaha u sii wadi doona, isla-markaana la dareemi doonaa inay sii xoogeystaan muranada shaqsiyeed ee dhinaca hiigsiga himilada dhabta ee shaqsi kastaaba uu doonayo inuu gaadho, dhamaana dadka ku xeerani waxa ay ku hawlan yihiin sidaas oo kale, waxaana laga yaabaa in midkoodba midka kale uu u yahay wax-qarxaya, amaba mid waliba midka kale uu lid ku yahay oo uu rabash kagala soo horjeedo, isagoo u maraya dariiqooyin kala duwan.

Warka wanaagsanina waa kaas uu midba midka kale aanu la rabin wanaag, marka laga reebo dadka in yar oo ka mid ah ayuun baa caqabadahaa adag si fudud ugaga gudbi karta oo uu Alle garansiiyey, sidoo kalena, lagama yaabo in la dareemo waxa wanaagsan ee jira.

Inkastoo natiijadu ay tahay mid wanaagsan, haddana isbedelada ficil celinta shaqsiyeed ee hawada lagu isku marin doonaa, waxay amakaag ku abuuri doonto hirarka ku xeeran garaadka Aadamaha, waxaanay awoodahasina ay sababi doonaan awood dheeraada oo ka weyn ka heerka lagu cabiro Aduunka.

Isbedelada tamarta waxay noqon doontaa dheecaamada shahwaadka, taas macnaheedu waxa weeyi in wax-kasta laga dareemi doono dhaq-dhaqaaq xawlin, oo aad uga sareeya ka kasocda garoonka dhexdiisa, laga yaabee in la dareemo wax-badan oo la jecel yahay”

Haddii la dareemo diiramaad ama qabow, Iffafaalaha cimilada dabiicga ah ee u dhaxeeya dhalashada xagjirka, waxa la dareemi doonaa diirimaad badan iyo qabow badan, sidoo kalena, haddiiba ay hawada iyo dabeyshu noqoto qoyaana, waxa la dareemi doonaa qoyaan aad u badan.

Sida ay muuqato dhinaca siyaasada, waxa la saadaalinayaa, in shaqsiyaadka awooda lihi, ay isticmaali doonaan awood badan, kuwa dhibanayaasha ahina waxay dareemi doonaan in lagu muquuniyey awood daradooda, suntaas daawada kaliyaata ee lagaga hortagi karaana waa naxariista.

Taageerida qof jacleysigu waxay noqon doontaa tayada qiimaheedu mid ay ka dhalan karto qas, waxa kale oo la filan jiray falalka nasiibka, naxariista, iyo inay rag badani ay xoog wax ku doonaan, arrintani waxay ahmiyad gaara u leedahay isku dheeli-tir , waxa kale oo falalku noqon doonaan nasiibka argagaxisada, rabshadaha iyo culeyska xad-dhaafka ah ee awooda dawladeed soo wajihi doonto. Runtana Allaa Og..

Ugu danbeyntii, xalka kaliyaataa waa in dib loogu noqdo dheeli-tirka qiimeynta mushkilada ruuxiga ah ee aan dheeliga tirnayn ee soo if-baxay, waxaana haboon jaceylka, raxmada, naxariista, daacadnimada, cibaadada iyo qiyamka oo la weyneeyaa ay noqon doonto ta kaliyaata ee lagaga fogaado xumaha iyo wixii macno darada ahaa ee soo gaadhay garaadkooda Aadamaha.

Taas maaha macnaheedu inay tahay oo qudha in dhacdooyinka wargeysya, mareegaha wararku inay ahaadaan qaar xasilooni ku sugan iyo in falanqeynta tayada wanaagsan ee shaqsiyadaadu abuurtaa ay aad u jeclaysan doonaan dunidan kugu xeeran wakhtigan, sidoo kalena, qofka aadamaha ah ee aad badeshaa ama aad jihaysaa, waa mid faa’iido weyn u leh oo ay ka timaado xasiloonida deganaansho dhex-dhexaadka ahi, dhinaca kalena, marka laga eego talaaba kasta oo horre loo qaadaa waa wax wanaagsan oo la gaadhay.

Sannadkan waxa laga yaabaa inay had iyo jeer ay u muuqato xallinta shaqooyinka, farsamooyinka, dhaqanadii hore ee salaadiinta iyo dhaqanada ruuxiga ah, fikrado badan oo deg-deg oo uu fudeyd ku jiro, kuwaasoo maxsuulka ka soo baxa loo arko mid wanaagsan ama kuwo xanuun reebaya, marka lagu darro nidaamka caadeysiga fikradaha iyo afkaaraha sida wada-jirka ah ee dadaalka badan loogu jiro.

Sidaa daraadeed, waxa haboon inaynu wax badan ka fikiro, kuna saabsan, “ Inaynu ka fikirno waxa aynu doonayno, in ka badan waxa aynaan dooneyn ” sababtoo ah, waxyaabihii xumaa ee ina soo maray ee soo dhacay, way kugu dhici doonaan mustaqbalka, haddii aan wax-badan laga fikirin.

Maxaa yeelay , haddii lagu cel-celiyo fikradaha xun-xun , waxay abuuraan inay ku sii xoogeysataan, ka dibna ay tamar ku sii yeeshaan, waxa ay ahmiyadu tahay in maskaxda lagu hayo inaynu Rabigeen ugu shugrino natiijooyinka wanaagsan, inta aynu jeclaysan lahayn wax badan oo ah dhinaca mustaqbalka nollosha.

Shaki kuma jirro in la gaadhay wakhtigii la dedejin lahaa horumarka inta aanu isbedel ku imanin, haddaba tani waxay muujiniysaa in la weyneeyo nabada iyo wada-noolaanshaha Sannadka 2020, waxaanay Isbedelladaasi ku lug yeelan doonaan dhinaca darajooyinka, sinaanta, dhaqan-dhaqaale iyo qarankaba.

Sannadkan waxa lala xidhiidhiyaa dhinaca dawladaha, in ay qalabka farsamada casriga ee isgaadhsiintu ay si fudud inoogu sahleen in la gaadho burburkii ku yimid qaab dhismeedkii iyo nidaamkii dowladeed ee jiray, haddii ay noqon lahayd , mid dhaqaale,mid iskaashi, dhamaan adeegyaddii arimihii bulshada iyo xidhiidhadii badnaa ee hayduhu la lahaayeen xukumadaha, dhacdooyinkii soo jireenka ahaa ama soo xidhiidhsanaa, sidaa awgeed, waxa ay u muuqataa in si wanaagsan loo xalin doono, isla-markaana, si wadajir ah oo fir-fircoon loogaga qayb qaadan doono, haddii Alle yidhaa. Runtana Allaa Og.

Kulanka Meeraha nasiibka iyo jilboole waxay badeli doonaan wadahadalka meeraha gobonimo doonka iyo xoriyada ee Raage iyo meeraha Illi maqabatiga ah waxay si qoto dheer isku badeli doonaa meeraha Pluto bisha saddexaad, shanaad, lixaad, sagaalaad iyo ta laba iyo tobnaad ee Sannadkan, waxaanay noqon doonaan bilahaasi kuwo ugu wax qabadka badan.

Waxaana haboon in wax wanaagsan in la qabato, isla markaana, aad loo xoojisaa qiimaha jacelyku u leeyahay, nabada, wada-noollaansha, tanaasulaadka, naxariista, farsamooyinka ruuxiga ee fikradaha wanaagsan, xaqiijinta iyo xoojinta rajooyinka nasiibka kadiska ee naxariista badan.

.Dhinaca saadaasha waxa gun dhig u ah kala fadhiga meerayaasha uu ku curtay Sannadkan cusub ee 2016. Dib u noqoshada meeraha libdhe wuxuu dib u eegis iyo dib u sixid ku sameyn doonaa hoos u dhicii ku yimid wakhtiyadii la soo dhaafay, wixii uu ka bartay casharadii hore, dhaqaaluhu ma xuma, inkastoo ay isgaadhsiintu yaraato.
mudo ka dib wuxuu dib ugu noqon doonaa burjiga sowra, wuxuu ku dadaali doonaa curinta fikrado waaweyn oo xeeladaysan dhinaca fikirka iyo dulqaadka, meel kasta oo la joogana waxa la arki doonaa xikmado badan, waxa haboon in la xoojiyo oo la sameeyo dabacsanaan, waa haddii lagugu madax-adkaado.

Mar-kale wuxuu isku dayidoonaa in aanu wax-badan diirada saarin oo aanu faah-faahinin , ka dib markuu u socdaali doono burjiga dabooje, talaabadaa uu dib u qaadayna, waxa la arki jiray qorax madoobaad ka dhaca wadamada Africa bisha sideedaad, kowdeeda ee Sannadkan 2016, waxaana la saadaalinayaa inay isgaadhsiintu yaraato, dhaqaaluhu fiicnaado, waxaana la filan jiraj, Bisha saddexaad 8/9 ee Sannadka 2016-ka, Qorax-madoobaad laga arko wadamada koonfurta bari ee aasiya, waqooyi galbeed ee Australia, iyo baweynta hidiya iyo Pacific, waxaana soo if baxda, isla-markaana samada isku shareerta xaalad dawaakhaadeed oo nafeed. Runtana Allaa Og.
Meeraha mushtar iyo meeraha illi maqabatiga ah, waxay ku dadaali doonaan in wax-kasta oo la qabanayo loo yeesho adkeysi iyo go’aamin, ka dibna, uu dib u xalin doono xaaladii soo if baxday marka ay kulmaan meeraha Jilboole, oo ay sameyn doonaan aassaasska xidhiidhka shaqooyinka gudaha, ururada, dhismaha, dhaqamada,
Labada siyaariin ee mushtar iyo Raage oo ku kulmi doona jiho toosan, waxa la saadaaliyaa in Fikradaha xagjirka ah la aqbalo iyo inay sii xoogeystaan riyooyinka cusub ee mustaqbalku.
— 23-ka bisha saddexaad waxa la saadaalinayaa, Dayax madoobaad in lagu arki doonaa penumbral waqooyiga iyo koonfurta America, Asia, Australia, badaha Pacific, Atlantic iyo badweynta hindiya, Arctic and Antarctica. Runtana Allaa Og.

Maluugta Mariikh oo saddex xaggal u mari doonaa burjiga naariye ee qows, wuxuu ku dadaalayaa inuu dhameystiri doono mashaariicihii hore loo bilaabay, waxaana la sugi doonaa illaa iyo inta uu maluugaasi si toosa ugu noqonaayo bisha lixaad, 29, Sannadkan, ka hor inta aanu bilaabmin halista isbiimayntu, burjiga caqrabka, wuxuu doonayaa in hore loo sii dhaqaajiyo mashaariicdii dib u dhacu ku yimid iyo in hore looga sii socdo natiijada wanaagsan ee ka soo baxda midhaha wax-qabad.

18-ka bisha August, waxa la saadaalinayaa in mar-labaad Dayax madoobaad laga arki doonaa Waqooyiga iyo Koonfurta America iyo Australia, waxaana laga yaabaa inay soo if-bixi doonaan ururo kala qaybsan, waa xilli loo baahan yahay koox ay dadku jeclaystaan maskaxdooda kuwaasoo ku haboon marxaladan hadda la joogo oo aan isbedbedalin,

Wareega kulanka labada meere ee jilboole iyo meeraga Illi maqabatayga ag, waxay ku dadaalayaal ka fikirka sidii kor loogu qaadi lahaa cibaadaysi, Alle bariga iyo qaabkii loo sameyn lahaa xasaanad, waxa kale oo ay ku hawlan yihiin, illaalinta, Xad-gudubyada dhinaca mabaadi’da ruuxiga ah.
16-ka bisha sagaalaad ee Sannadkan waxa la saadaalinayaa in dayax madoobaad lagu arki doonaa wadamada, Europe, Africa, Asia, Australia, badda Pacific, Atlantic, iyo badweynta hindiya, Arctic iyo Antarctica, waa xilli loo tafaxaytay in la wajaho xaqiiqad, aad bay u fududahay in heshiis la aaminsan yahay la gallo oo qodobadooda. Runtana Allaa Og.
Meeraha Jilboole oo wareega saddexaad kula kulmi doona meeraha Uranus , waa wakhti aan la rumaysan karrin wax-qabadka qaab-dhismeedadu ay bixiyaan. Runtana Allaa Og.

Dr. Maxamed Faarax Qoti
Astrologist