Ogaysiis: Bandhigga Filim Documentary ah oo ku saabsan Waxbrasho La’aanta Miyiga

0
402

Ogaysiis: Bandhigga Filim Documentary ah oo ku saabsan Waxbrasho La’aanta Miyiga

.Xarunta dhaqanka ee Hargeysa waxay dadweynaha ku nool magaalada Hargeysa iyo inta soo gaadhi kartaba in habeen danbe haddii alle ka dhigo xarunta lagu bandhigi doono documentary filim hal-ku-dhiggiisu yahay “HALKII AAN KA IMI: Xusuusta Iyo Xanuunka Waxbarasho La’aanta Miyiga”. Waxaa soo saaray suxufiga Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare). Waxaana uu ku saabsan yahay xaaladda waxbarasho la’aanta miyiga.

Markaa dadka Hargeysa jooga fursad ayay u tahay inay habeen dambe ka soo qayb galaan bandhiggaas. Si furan ayaana looga soo qaybgelayaa. Waxaana bandhiggu u furan yahay cid kasta oo danaynaysaa ay iman karto.

Waxaana lagu qabanayaa xarunta dhaqanka ee Hargeysa oo ku taalla dhinaca galbeed ee biriijka labaad ee Hargeysa ee taga Biibsiga.