Olole La Dagaalanka Abaarta? Mise Olole Horumarineed? Mise Olole Qaylo-dhaan?

0
797

Olole La Dagaalanka Abaarta? Mise Olole Horumarineed? Mise Olole Qaylo-dhaan?

Prof: Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)
Abaartu waa shiddo iyo dhib sida aan filaayo in aynu isku raacsanahay, soo noq-noqodkeeduna waa waxyeelo weyn dad iyo xoolo iyo deegaanba, sidaa awgeed waxa inoo bannaan saddex dariiq midkood:
1. in aynu ku jirno xaalada ah la dagaalanka abaarta, taasoo keensanaysa in aynu qorshayno sidii aynu u yarayn lahayn raadka abaarta sannadka kasta ina soo booqanaysa, isla markaasna aynu yarayno sababaha keeni kara.
Haddii aynu fikirkan qaadanayno waxaan soo jeedinayaa arrimahan:
– In si fiican loo hawlgaliyo hayada ka hortagga iyo u diyaar-garawga aafooyinka dabiiciga ah ee (NERAD), taasoo uu xeerka NO: 35/2006 uu dhigaayo in ay diyaariso kayd cunto oo loogu diyaargaroobo aafooyinka.
– Maadaama aynu ka maqalno masuuliyiinta dawlada in sababta abaartu ay tahay dunuubta iyo macaasida dadka, sidaa awgeed waa inay wacyigalin ballaadhan oo ku saabsan arrimaha diiniga ah ay dawladu maalgaliso isla markaana fuliso si ay uu u yaraado abaaruhu.
– In gudida abaaruhu ee culimda ka kooban ay noqdaan kuwo sannadka oo dhan shaqeeya, isla markaana dadka ka ururiya lacagta sadaqada ah xita iyadoo aanay abaaro jirin.
– In dadwaynaha JSL lagu soo rogo cashuur ah la dagaalanka abaaraha, taasoo khasnad guuni ah yeelanaysa.
Haddii ay xukuumadu arrimahan kor ku xusan iyo ka badan inagu hogaamiso, waxa hubaal ah in ay yaraanayso khasaaraha sannad kastaaba inaga soo gaadha abaaraha.
2. In Ay dawladu shacabka ku abaabusho horumar, taasoo ah qorshe gabi ahaamba ka duwan tii hore ee ku saabsanayd la dagaalanka abaarta, iyadoo qorshahani uu salkeedu yahay in shacabka la gaadhsiiyo xaalad aanuu dareemin abaarta xita hadii ay dhacdo.
Aynu isku dayno in aynu macnayno abaarta dalkeena ka dhacda, waxay ka kooban tahay laba arrimood oo kala ah:
B. Biyo la’aan ku dhacda dadka iyo xoolaha, taasoo qorshaha horumarineed ay keensanayso in ay dawladu inagu abaabusho in aynu dhisano warshadaha macaanaynta biyaha badda iyo biyo xidheeno, oo haddii aynu sidaasi samayno roobku wuxuu noqonayaa mid aynaan si weyn u tabin, sida dawlado badan oo caalamka ah ka dhacda.

T. Baad La’aan, taasoo ay xooluhu waayaan wax ay cunaan, tanna xalkeedu wuxuu yahay inay dawladu inagu hogaamiso in aynu dhisano dhul fara badan oo dhul-daaqsimeed ah oo ay shaqaale badan u samayso, taasoo xoolaha aanuu marnaba daaqsinku ka dhamaanayn, iyadoo qorshahani gabi ahaamba ka saarayso meesha wer-werka loo qabo shidaalkeena nool (Xoolaheena nool), kaasoo horumarinaaya xoolaheena nool tiro iyo tayba oo dakhligeena guud sare u qaadaaya.

U fiirso qoraalkayga kor ku qoran in aanan marnaba odhan (dawladu ha bixiso qarashka mashaariicdan) balse aan idhi (dawladu ha inagu hogaamiso), iyadoo immikadamba ay xukuumadu aanay miisaaniyadeeda oo qudha ugu gurman abaaraha balse ay shacabka guud ahaan ku abaabushay sidii ay wax ula qaban lahaayeen.

3. Dariiqa Saddexaad waa kan maanta ay xukuumadeenu inagu hogaaminayso, waana mid aan aad iyo aad u dhaliilaayo, oo ma aha la dagaalan abaaraha, sidoo kale ma aha hawlgal horumar, balse waa olole qaylo dhaan, kaasoo nuxurkiisu yahay in ay dawladeenu sugto ilaa inta ay abaartu dhacayso, walibana ay sii sugayso ilaa inta ay abaartu sii adkaanayso, ka dibna ay qaylo-dhaan badan iyo calaal xoogan diri doonto, ka dibna marka ay shiddada abaartu yara khafiifto, ay galayso xukuumadeenu hawlo kale oo aan ahayn u diyaar garawga abaarta soo socota.

Laakiin arrin muhiim ah ayaa halkan xusid mudan oo ah doorka dadka ay abaaruhu wax yeeleeyaan, anigoo marar badan is idhaahda masuuliyiinta dawlada iyo dadka magaalada jooga ayaa nafohooda uga naxariis badan.
Waligay ma arag dadka ay abaaruhu saameeyeen oo ay is abaabula oo la yimaada qorshayaal ay kaga hortagi lahaayeen abaaraha ama ay cadaadis ku saari lahaayeen xukuumada heer qaran iyo heer deegaanba sidii loogu samayn lahaa ku-talo gal abaaraha la xidhiidha.

Ilaa inta ay dadwaynaha abaabrtu ku dhacayso ay ku mashquulsan yihiin arrimo aan dantooda ahayn isla markaana xukuumadu ay ku jirayso ololaha aan ku magacaabay qaylo dhaan, waxa hubaal ah in ay abaaruhu noqon doonaan saaxiib dhaw oo aanay booqashadiisu marnaba ka raagin reer Somaliland.

Ilaahay (SWT) waxaan ka baryayaa inuu dadwaynaheena waafajiyo dariiqa saxan ee aynu sheegnay oo ah inay dantooda u soo jeestaan oo ay isku abaabulaan, sidoo kale Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu xukuumadeena waafajiyo ololaha horumarineed ee aan tilmaamay, isla markaana waxaan Ilaahay (SWT) ka baryayaa inuu dunuubteena oo dhan cafiyo oo uu raxmad ballaadhan inoo shubo… Allaahuma Aamiin.