Olole Lagu Talaalayo Xoolaha oo ka Bilaabmay Gobollada Dalka

0
411

Olole Lagu Talaalayo Xoolaha oo ka Bilaabmay Gobollada Dalka

Hargeysa (Warsugannews): Wasaaradda xanaanadda xoolaha Somaliland ayaa guud ahaanba goboladda iyo degmooyinka dalka ka bilaabmay tallaalka iyo daawaynta xoolaha nool. Taasoo noqonaysa markii u horaysay ee ay wasaaradda Xannaanada Xooluhu ku guulaysatay in ay tallaalka iyo daawaynta xoolaha gaadhsiiso.

Sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda Xaannaanadda Xoolaha Dr. Jaamac Maxamed Odowaa, ayaa arrintaasi talaalka ay goboladda iyo degmooyinka dalka ka bilaabeen. Waxaanu intaasi ku daray Dr. Odowaa in ujeedada laga leeyahay tallaalka iyo daawaynta xoolaha ee xilligan in ay tahay ilaalinta bed-qabka xoolaha nool.

Waxaanu tilmaamay tallaabadaasi ay ka dambaysay abaartii sanadkan ka dhacday qaar ka mid ah gobolladda dalka oo saamaysay nolosha xoolo tirro badan taas oo uu sabab uga dhigay abaartu in ay wax yeelaysay xoolihii difaaca jidhkooduna hooseeyay ee aan la tallaalin.

Dr. Odowaa oo shalay xafiiskiisa ugu waramay DAWAN, ayaa faahfaahin ka bixiyay gobolada uu ka socdo talaalka xoolaha iyo sida ay hawsha u fulinayaan. Waxaanu yidhi “Tallaalka ay wasaaradda Xannaanada Xooluhu imika dalka ka bilawday waa mid ka duwan kuwii hore oo dhan waxaanu kaga duwan yahay tallaalkani wuxuu ka qabsoomayaa guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan oo ay ku jiraan deegaanno aanu hore u gaadhi jirin oo ay ka mid yihiin gobolada Buuhoodle, Badhan, Xaysimo iyo dhammaan dalka oo dhan.

Waanu socdaa degaamadana waa la wada marayaa, waxaana lagu dawaynayaa oo lagu tallaalayaa xoolo dhan illaa sadex milyan oo neef oo dalka oo dhan ah waxaanan u sheegayaa dadka xoolo dhaqatada ah in ay xoolohooda tallaalaan oo ay kooxaha dhakhaatiirta caafimaadka xoolaha ee dalka oo dhan socodka ku maraya la shaqeeyaan oo ay xoolohooda daaweeyaan oo ay tallaalaan.

Waxaanu u soo jeedinayaa dadkeena xoolo dhaqatada ah in ay noloshoodu ku dhisan tahay xoolaha taasoo ah in aynu ka wada shaqayno daryeelkooda iyo caafimaadintooda. Markaa xukuumaddu waa idiin diyaar oo waxay idiinku timi deegaanadii aad degenaydeen iyadoo idiin wadda dawadii iyo tallaalkii xoolaha markaa idinkuna ku dhiirada in aad xoolihiina tallaashaan oo aad dawaysaan.kooxaha dhakhaatiirta caafimaadka xoolahana waxaan mar kale farayaa in meesha ay tagaan ee lagu qoray haddii laga guuray in aanay halkaa iska fadhiisan ee ay halka loo guuray ee xoolihii la geeyay in ay kaga daba tagaan oo ay mar walba awooda saaraan halka xooluhu joogaan in ay gaadhaan oo ay tallaalka iyo dawayntaba ka fuliyaan.”

Dr. Odowaa waxa kale oo uu ka hadlay tiradda xoolaha ee la filayo in ay sanadkan Somaliland u dhoofiso mooshinka Xajka. “Sanadkan waxaa la filayaa in ay mooshinka Xajka xoolo ku dhaw laba milyan oo neef oo xoolaha Somaliland ahi ka dhoofaan dalka walina way socdaan oo si wanaagsan ayay u dhoofayaan haddii aanay abaaruhu saamayn ku yeelan xoolaha sifiican ayay u socdaan dhoofkooda iyo iibkooduba” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda xoolaha.

“Abaaro baahsan ayaa dalka ka dhacay oo waliba meelaha ay ugu darnayd waxay ahaayeen gobolada Saaxil, Waqooyiga Maroodijeex, Gabiley, Awdal iyo Selel, run ahaan abaartaasi saamaynteeda ayay yeelatay oo dad iyo duunyaba way wada taabatay.
Markaa qaran ahaan gurmad ayaa laga galay, oo dadkii iyo duunyadiiba waa loo gurmaday annaga ka wasaarad ahaan xoolaha ayaan qaranka u qaabilsanahay, markaa waxaanu qaadnay gurmad xoolaha lagu dawaynayo oo aanu ka samaynaya deegaanadii ay abaabuhu ku dhufteen iyo meelihii xoolaha loosoo hayaamiyay ee loosoo raray oo ay ugu waynayn banka Qool-caday.

Xoolo badan ayaa abaartaa ku waxyeeloobay waxaanay dhimashada xoolohu u badatay xoolihii oo aan dawo iyo tallaal midna qaadan oo difaaca jidhkoodu hooseeyo,ayay abaartuna ku dhufatay ka dibna awood darro neefka haleeshay ayaa dhimashada xoolaha keentay laakiin intii aanu ka gaadhnay ee daawaynta iyo tallaalka aanu siinay way ka badbaadeen”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here