PEP OO U DIGAY CITY: Kuma garaaci karno Barcelona…….?)

0
675

Pep Guardiola ayaa u digay Manchester City isaga oo ugu baaqay in aysan xanaaqin oo ay la yimaadaan dheel dhameystirnaan ku dhaw si ay u soo af meeraan masiibada Barcelona.

Manchester City waxaa kaarka cas looga saaray afar ciyaaryahan shan kulan oo xiriir ah kuwaas oo ay kooxda reer Spain garaaceysay, waxaa ka mida Claudio Bravo oo la saaray dheeshii 4-0 ahayd ee laba toddobaad kahor Camp Nou ka dhacday.

Pep Guardiola ayaa sheegay in ay aad muhiim u tahay in City 11-keeda ciyaaryahan ay gegida ku hayso kulankan ahmiyada balaaran leh ee ka tirsan Group C waa hadii ay fursad u helayaan guul.

“Waad in aad qaladaadkaaga wax ka barataa,” ayuu yiri. “Wey adagahay in aad badiso kulamada Champions League, marka aad ka hor timaado Barcelona oo 11 ah iyo adigoo 11 ah. Markaa hadii aad 10 v 11 ay noqoto waa mid aanba suurtagal ahayn.“Heeran macquul ma aha in aad hadafkaaga gaarto hadii aadan dhaqankaaga wanaajin karin. Kubadda cagta waa dheel qaladaad aan ka marneyn. Waa in aan ciyaarnaa ugu yaraan kulan dhammeystiran si aan u badino.”