Qaar ka mida dhalinyarada iyo Wax-garadka Bariga Hargeysa Sheegay In Dugisigii Agoomaha ee Kuweyd Dhistay Isku Bedelay Goob Ganacsi

0
359

Qaar ka mida dhalinyarada iyo Wax-garadka Bariga Hargeysa Sheegay In Dugisigii Agoomaha ee Kuweyd Dhistay Isku Bedelay Goob Ganacsi

Hargeysa(Warsugannews)-Qaar ka mida dhalinyarada iyo Wax-garadka Bariga Hargeysa oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay cod hdeer ku cambaareeyeen Xarunta Agoomaha ee ay maalgalisay Dawlada Kuwayd oo ay sheegeen in lagu tagri falay isla markaasina laga dhigtay goob ganacsi oo wax lagu baro Caruurta ay dhaleen Maal-qabeenada waaweyn ee Dalka ugu lacagta badani

Dhalinyarada iyo Wax-garadka Bariga oo si qoto dheer uga waramay xaalada ka jirta Dugsigan Agoomaha ayaa waxa ugu horeyn madasha hadalo kooban kasoo jeediyey Gudoomiyaha Dalada Aqoonyahanka Dhalinyarada Bariga Hargeysa Garyaqaan Xasan Asafe Aw Xasan isagoo isla markaasina ku dheeraaday dhibaatada iyo dulmiga baahsan ee ka jirta Dugsigan loogu talo galay agoomaha ee isku rogay goobta ganacsi iyadoo ay ka qatan tahay agoomihii iyo dadki jilicsanaa ee loogu talogalay in lagu xanaaneeyo

Sidoo kale waxa isna waxa isna madasha ka hadlay Mujaahid C/laahi Siciid Warsame isagoo isla markaasina ku dheeraaday tacadi badan oo uu sheegay Mujaahidku in ay ka jirto Dugsigan isla markaasina aanay habayaraatee wax Agoomo ah loo qorin dadweynaha deegaanka uu kuyaalo agoonku isagoo isla markaasina Xukuumada usoojeediyey inay sida ugu dhakhsaha badan wax uga qabato arintan
Dhinaca kale waxa isna madasha Hadalo kasoo jeediyey Siciid Axmed Haaruun isagoo isla markaasina madasha ka iftiimiyey in Dhalinyarada iyo guud ahaan Bulshada ku nool deegaanka Bariga Hargeysa ee uu ka dhisan yahay Dugsigu ay ka qatan yihiin Shaqalaaha iyo Munaafacaadka kale ee Dugsiga iyadoo uu sheegay in Ardayda iyo shaqaalaha Dugsiga laga keeno deegaano aad uga durugsan Deegaanka uu Dugsigani kuyaalo Gabagabadiina waxa Madasha hadalo Tallo iyo Tusaale ah madasha ka soo jeediyey Oday Maxamed Haybe Aadan iyo Gudoomiyaha Nabad-galyda ee Degmada Macalin Haaruun Maxamed Gadhcade iyagoo masha ka sheegay inay aad uga xun yihiin tacadiga iyo dulmiga baahsan ee ka jira Dugisgan Agoomaha ee isku bedelay goobta ganacsi kaas oo ay sheegeenin ilmaha laga qaado 200$ bishiiba taas oo ay iska bixin karaan kaliya dadka tujaarta ah ee wax haysataa

Dhalinyaradii iyo Odayaashii kasoo qayb-galay kulankan lagu cambaraynaayey Dugsigan agoomaha ee Kuwayd ayaa waxa Magacyadooda ka mid ahaa
1.Garyaqaan Xasan Asafe Aw Xasan
1.Dr.Khaalid Maxamed Ismaaciil
2.Prof. Cabdiqani Ismaaciil C/laahi
3.Oday Maxamed Haybe Aadan
4.Mujaahid C/laahi Siciid Warsame
5.Maxamed Cali Faarax
6.Siciid Axmed Haaruun
7. Xasan Faarax Axmed
8.Xasan Maxamed Muxumed
9.Khadar Yuusuf Badde
10.C/raxmaan Xuseen Ibraahim
11.Barkhad Sidiiq Siciid
12.Gudoomiyaha Ururka Daalo C/risaaq Maxamed Raage
13. Ibraahim Cabdi Caynaashe
Isku soo wada duuboo arintan ayaa maalmihii ugu danbaysay cabashadeedu kusoo noqnoqonaysay Warbaahinta iyadoo dhamaan qaybaha kala duwan ee Deegaanka Bariga Hargeysa siyaabo kala duwan uga cawdeen dhibaatadan iyagoo dhamaan sheegay in dugsigii agoomaha loogu talogalay isku bedelay Goob ganacsi
War BAR 1

War BAR 4

War BAR

War BAR2

War BAR3

War BAR6

Warka BAR1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here